Mudaharaad lagaga soo horjeedo Digreetooyinka Madaxweyne Siilaanyo xilka kaga qaaday Ramaax kuna magacaabay Xoghaye cusub oo Degmadda Berbera loo soo magacaabay ayaa ka socda Xarunta Dawladda Hoose, Saldhiga Dhexe iyo Xarunta Gobolka Saaxil.
Mudaharaadkan oo ka socda wali magaaladda Berbera ayuu isku dayay Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor xoor inuu kala daadiyo, balse Dadweyanaha samaynaya Mudaharaadka ayaa la sheegay inay si xoogan uga hor yimaadeen isla markaana ay ka diideen.
Dhinaca kalena wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil ayaa sheegaya Xukuumaddu inay hawl gelisay Ciidamadda kala duwan si ay uga hor tagaan kacdoonada ka socda Gobolkaas gaar ahaan Sheekh iyo Berbera.
War kale oo hor-dhac ah nagana soogaadhaya Degmadda Sheekh ayaa sheegaya in Maleeshiyooyin ka soo jeeda Beelaha dega Gobolka Saaxil Jid Gooyo ka galeen Buurta sheikh, halkaas oo lagu soo waramayo inay qorshaynayaan inay kala xidhaan Jidka dheer ee Berbera iyo Burco.
Talaabadan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso cadho ay xalay kooxahaas dhalinyarada ahi ay ka qaadeen Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo xilka kaga qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil Ramaax isla markaana uu Xoghaye cusub oo ay isku beel yihiin ku geeyay magaaladda Berbera, taasoo la sheegay inay u arkaan inay ahayd qabyaalad qaawan oo ay Madaxtooyaddu ku kacday.
Ilaa hada ma jiraan warar Madax banana oo xaqiijinaya talaabadan, hase yeeshee Xukuumadda oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino noomay suurto gelin oo qaarkoodna Telefoonadoodu way mashquulsan yihiin kuwa kalena oo ay arrimaha amaanku khuseeyaan ma qabanayaan.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment