Saturday, December 22, 2012

Hor-joogayaasha Awdal State iyo Kooxda Khaatumo oo Boorama iyo Buuhoodle Booqday


Hor-joogaha dibad wareega ah Rashiid Aw Nuur Xirsi
Hor-joogaha dibad wareega ah ee sheegta inuu Kooxda Awdal State Hor-jooge u yahay Rashiid Aw Nuur Xirsi ayaa la sheegayaa inuu toddobaadkan si dhuumasho ah ku soo galay magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal, halkaas oo uu sheegto inuu ka taliyo.
Sida ay Waaheen u sheegeen Ilo wareedyo Reer Awdal ahi waxa uu Rashiid Aw Nuur dhawaanahanba ku sugnaa magaaladda Aw Barre ee Itoobiya halkaas oo xuduud dhaw la leh magaaladda Boorame, waxaanay xuseen in uu si dhuumasho ah Boorame ku soo galay, isla markaana doraad ka Ambabaxay magaaladda Aw Barre oo uu u dhaafay dhinaca Itoobiya oo uu marka horeba ka soo galay.
Dhinaca kalena, Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-sheel oo ah Hor-joogaha Kooxda Khaatumo ayaa isna booqasho ku yimi Jamacadda Barriga Afrika ee Buuhoodle halkaas oo uu ku sugan yahay, isla markaana uu ka wado dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed oo lidi ku ah Somaliland.
Labadan Hor-jooge ayaa socdaaladoodu u muuqdaan kuwo ay Indhaha Xukuumadda Somaliya ku tusayaan taageerada ay ku haystaan deegaanada ay sheegtaan inay ka taliyaan, gaar ahaana Fursada Horjoogaha Awdal State waxay noqonaysaa mid waji gabax ku ah Xukuumadda haddii ay dhab tahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan iyo arrimo kale noomay suurtogelin inaanu wax jawaab ah ka helno, kadib markii uu Telefoonkiisa ka jawaabi waayay.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment