Tuesday, December 25, 2012

Gudiga Wanaag Farista Oo Daboolka Ka Qaaday Inaanay waxba ka jirin dacaayado laga faafiyay Abaarso TECH

Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee caasimada Hargaysa ayaa shaaca ka qaaday inaanay waxba ka jirin dhaqan xumo warbaahinta qaarkeed ka faafisay inuu ka jiro dugsiga Abaarso Tech.


Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo galabta booqday xarunta dugsigaasi ayaa waxay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta iskuulkaasi faah-faahin kaga bixiyeen waxyaabihii ay ku soo arkeen dugsigaasi.

Sheekh Cumar Xaashi Guunje, oo ka mid ah culimadda Gudida wanaag farista Hargeysa oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ah ku arag dugsiga Abaarso Tech, waxaanu ku dooday in ardayda iskuulka wax ka barataa ay yihiin kuwa filkood ugu aqoonta badan.



“Markii ay cabashada iskuulkaasi nasoo gaadhay waxaanu goosanay inaanu soo aragno waalidiintii noo timina maanu kaxaysan ee halkan ayaanu kaga tagnay markaanu iskuulkaa tagnay wax aan khayr iyo wanaag ahayn kumaanu soo arag,”ayuu yidhi Sh. Cumar Xaashi.

Sheekhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu waraysanay macalimiintii, waalidiintii iyo waliba ardaydii dhamaantoodna wax dhibaato ah qolona qolo kama ay sheeganayn wiilal iyo gabdho arday iyo macalimiin midnaba. Waxa iskuulka laga sheegayo ee la qor-qorayaana waxay ku eg yihiin Hargaysa markaa waxaanu halkaa ku soo aragnay arday lagu tabcay oo maanta ah kuwa da’dooda ugu aqoonta badan .”

Sh. Cumar Xaashi waxa uu sheegay in baadhis ka dib ay ku xaqiijiyeen inaanay wax dhaqan-xumo ahi ka jirin, waxaanu yidhi “Waxaana la galiyay tacab waalid iyo mid macalinba, sidaa darteed waxaanu cadaynaynaa in aanay iskuulkaa ka jirin wax dhiilo ahi, culimo ahaan aanaan ku soo arag wax dhaqan xumo ah ama diinteena ka hor imanaya. waalidka iyo macalimiinta iyo ardaydana waanu ku amaanaynaa horumarka wanaagsan ee ay sameeyeen,dadka dacaayada wadana waxaanu leenahay waxba ha ka sheegina aflagaadadana ka daaya.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudida wanaag-farista iyo xumaan reebista Hargeysa Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi ”Waxaanu intaa uga gudbaynaa ee aanu tallo ahaan ku soo jeedinaynaa haddii nalala qaato in la dhex galo isla markaana la heshiisiiyo aasaaseyaashii iskuulka oo dhexdooda khilaaf ka jiro taasi oo noqon karta xalka uu iskuulkaasi ku sii jiri karo, waana tallo soo jeedin. waxaanan waliba intaa ku daraynaa in labada nin ee aasaaska iskuulkaa iska lihi ay dusha ka maamulaan isla markaana loo sameeyo dugsiga maamule kale oo aqoon lagu doortay oo waliba aad waalidiin ahaan idinku raali ka tihiin.”

Hooyo Xaliimo X. Cabdi Nuur, oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inaanay u dul qaadan doonin caruurtooda lagu aflagaadeeyo website-yadda qaarkood, waxaanu yidhi “Annagu waalidiin ahaan waxaanu leenahay dadka Website-yadooda maalin walba caruurtayada laga caayayaw mar dambe u dul qaadan mayno inaad caruurtayada wax ka sheegtaan haddii ay dib u dhacdana cidii waxaa qortaa wixii ka yimaada ayaa masuuliyadeeda iska leh.”
 

No comments: