Arbaco 19,Dec 2012 (DJ) Burburkii ku dhacay dawladii dhexe ee Somaliyaa 1991 ma uuna ahayn mid iska yimid ee waxaa uu ahaa mid mudo dheer la ga soo shaqeeyay,taas oo mamulkii jirayna uu qayb ku lahaa burburkii dhacay,mudo kadib waxaa lagu soo dhisay dawladii ugu horaysay ee Somaliya Jabuuti oo uu horkacayay Madaxwayne Ismacil Cumar Geele waxaan madax wayne ka noqday Cabdiqasim Salaad Xasan oo ay Somali badan ooyeen marka la dhisay lakiin aan ognahay halkii uu ku riday Cabdiqaasim,Geele waxaa ay in badan oo Somaliyi u arkayeen in uu yahay halyay u soo baxay umada ku hadasha afka somaliga ah lakiin baryahan dambe waxaa soo ifbaxaya shaki iyo tuhun muujinaya in Geele uu kala qaybinayo shacabka Somaliyee uu watano dano khaas u ah.
Geele waxaa uu soo wada dhaweeyay Gudomiyaha mamul gobaleedka waqooyi Silaanyo iyo Madaxwayne Xasan Sheikh waxaana labadooda loogu soo dhaweyay Jabuuti sidii laba madax wayne marka miyayna u muuqan in uu Geele ictiraafayo mamulka waqooyi? marka miyuu dhisayaa Somaliya mise wuu dhagrayaa?
Mida kale afsomaliga ma Muqdisho iyo Hargaysa kaliya ayaa lagaga hadlaa?oo maxaa loogu yeedhi wayay Abdiraxman Faroole oo mamula Puntland iyo Cadimaxamud oo mamulak deganka Somalida(Ogadenya) taasina waa calaamad u muujinaysa shacabka Somaliyeed tuhin.
Way cadahay in ay Somali wada dhalatay lakiin hadana waxaan shaki ku jirin in Geele Somaliyaa ka leeyahay dan u khaasa sidaa awgeed waxaa muhiima in Madaxwayne Xasan Sheikh uuna ku dhicin dabinka uu wado Geele oo hadii uu galo ay keeni dontaa cawaaqi xumo dheer.
Geelana waxaa la gudboon in uu arimaha Somaliya hadii uuna wanaag samaynay in uu faraha kala baxo.
Axmed Cali
Dailyjuba.com
No comments:
Post a Comment