Thursday, December 20, 2012

Baanka Dhexe oo Albaabada u xidhay Xawaaladda CAC, Dadweyanahana siinaya Lacagaha u yaala


Waxa si toos ah u bixinaya Lacagaha Baanka iyo shaqaalaha Xawaaladda
Hargeysa(Waaheen)xawaaladda Cac waxay Dalka ka shaqaynaysay muddo ku dhaw sanad, inkasta oo ay Ruqsadeedii koowaad Baanka Dhexe ee Somaliland ka qaadatay 2010-kii bishii Oktoobar tobankeedii,wakhtigaas oo uu Baanka Guddoomiye ka ahaa Alla ha u naxariistee C/raxmaan Ducaale oo xalay ku geeriyooday Hargeysa, hase yeeshee waxa ay Ruqsadaasi oo aanay ku hawl gelin hadana Baanka Dhexe Dib uga cusboonaysiisatay markii uu Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland xilka la wareegay Axmed Dirir Cabdi, waxaanay labada jeer ba Baanka Dhexe Ruqsada kaga qaateen Mulkiilayaasha Xawaaladaas leh oo ah sadex nin oo Ajanabi ahi magaca Xawaaladda CAC.

Balse sida ay Waaheen ku heshay xog dheeraad ah waxa ay Xawaaladaasi hadana laba jeer oo kale Ruqsado ka qaadatay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo Rugta Ganacsiga Somaliland waxaanay sida ku cad qoraalada Ruqsadahaasi iskaga diiwaangelisay magac CAC Bank, balse sida la ogyahay Nidaamka Baananka wali Somaliland lagama hirgelin.

Hadaba Dooda taalaa waxa weeyi Somaliland maadaama aanu ka jirin Xeerkii iyo Nidamkii Baan lahaa maxaa keenay is qabsiga au dhaxeeya Baanka Dhexe iyo Xawaaladda CAC oo in muddo ah shaqaynaysay? Jawaabta su’aashaasi waa mid cad oo waxa la odhan  karaa waa fursad ay masuuliyiinta Baanku ka gaabiyeen inay ku ilaaliyaan sharciga Ganacsatada leh Xawaaladaha isla markaana hor istaagaan kuwa Nidaaamkaas ka gudba ee Dalka kaga shaqaysta Nidaamka Baananka.

Maadaama ka ganacsiga Nidaamka Xawaaladaha iyo Baananku aad ugu soo badanayaan Somaliland isla markaana ay faa’iidooyin kala duwan u soo hoynayaan Bulshada iyo Xukuumadda Somaliland ba waxa loo baahan yahay inay Baanka iyo Hay’adaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin u sameeyaan Nidaam ay ku hawl geli karaan.

Dhanaka kalena waxa looga baahan yahay Baanka Dhexe iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh Nidaamyada ka Ganacsiga lacaguhu inay ilaaliyaan oo Xil iska saaraan Hantida Dadweynaha Reer Somaliland inaanay ku Lumin Shirkaddo aan la hubin ama aan lahayn Hanti Ma guurto ah oo lagala wareegi karo haddii uu khasaare yimaado si looga soo celin karo Hantidii ay Ummaddu ku Aamintay.

Arrimahan aynu kor ku soo sheegnay waa kuwo loo baahan yahay inay labada dhinac ba tixgeliyaan, gaar ahaana Baanka Dhexe waxa saran masuuliyadda koowaad oo ah ilaalinta Hantida Ummada iyo ta Qarankaba, isla markaana uu sameeyo saaxadii ay Ganacsatada Dibeda iyo Guduhuba kaga shaqaysan lahaayeen Dalka.

Sida ay Waaheen u xaqiijiyeen Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadan uu Banku ku xidhay Xawaaladda CAC ayaa sheegaya in Baanku guda galay sidii uu Lacagaha Dadweynaha u yaala u siin lahaa isla markaana ay u xidhi lahaayeen Xisaabaha uga furan, waxaana si wadajir ah la sheegay hawshaas inay ugu qayb qaadanayaan Shaqaalaha Baanka iyo shaqaalaha Xawaaladaasi, iyagoo ku war-geilyay sida la sheegay cidii ay lacagi ka taalo inay u doontaan.

Si kasta ha ahaatee Dhacdadan ugu danbyasay uguna horaysay ee dhex taal Baanka iyo Xawaaladda CAC waa mid loo baahan yahay in sharciyadda la waafajiyo, sida ay Waaheen Xogaha ku heshayna Baanka Dhexe waxa uu qaaday talaabooyin uu ilaalinayo Hantida taala Xarunta Xawaaladaasi, isla markaana waxa uu bar bar wadaa sida Hantida ay Dadaku dhigteen ay Gacantooda ugu celin lahaayeen inta lagu soo dabaalayo shirkadaasi Nidaamka sharci ee Baanku Ruqsada ku siiyay.

Short URL: http://waaheen.com/?p=5583

No comments: