Tuesday, January 10, 2012

Wariye Galabta lagu Xiray Magaalada Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada maamulka taabacsan Somaliland ee ku sugan magaalada ay xabsiga u taxaabeen wariye ka tirsan telefishanka Universal.

Wariyaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Cabdiqani Xasan Faarax “Gadari” oo ahaa wariyihii Universal ee Laascaanood. Waxaana lala xiray illaa afar dhalinyaro reer Laascaanood ah oo xilligaasi ay wada joogeen.
Sida wararku sheegayaan ciidamo daacad u ah gudoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa wariyaha iyo afarta dhalinyarada ah ka qabtay xafiiska Universal ee magaalada Laascaanood xilli ay dhalinyaradaasi telefishankau gudbinayeen hambalyo ay u diri lahaayeen shirka “Khaatumo 2″ ee ka socda magaalada Taleex kaasoo Somaliland ay diidan tahay.
Mid ka mid ah wariyaasha ku suganLaascaanood ayaa sheegay in uu jiray amar uu dhowaan soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade kaasoo ahaa in aan warbaahinta laga siideyn karin taageerada shirka “Khaatumo 2″.
Wariye Gadari ayaa la sheegayaa in illaa haatan uu ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood. Mana jiraan cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ka hadashay xarigan.
Xarigan ayaa noqonaya kii labaad oo wariyaal loogu geysto Laascaanood isla toddobaad gudahiis iyadoo usbuucii hore sidoo kale ciidamada Somaliland ay xireen labo wariye oo ka tirsan telefishanada Horncable iyo Universal.

No comments: