Tuesday, January 10, 2012

SHIRKADA SOMCABLE OO BARYAHAN WADA XADHIGA CABLE-KA SIDII AY U SOO GAADHSIIN LAHAYD S/LAND

 Mudo ku dhaw bil iyo dhawr cisho ayaa ka soo wareegtey inta ay shirkada Somcable ka wado shaqada ay ku soo gaadhsiineyso xadhiga Cable-ka kaasi oo marka uu dhamaado is gaadhsiin fiican siin doona dadka reer S/land iyo wadamada dariska la ahba.

Waxaanu xadhigaasi marayaa hada sida ay sheegayaan wararka aanu meeshaas ka helayno halka ama dooxa lagu magacaao Bariisle oo u dhaw magaalada Aysho cado waxaana ka shaqeeya shaqaale fara badan

Wararka aan maanta oo jimce ah halkaasi ka helnay waxaan ay sheegayaan in uu khilaaf dhax maray dadka ka shaqeynaya iyo shirkada kuwaas o shardi ka dhigay in meesha uu marayo dadka degan ay ka shaqeeyaan qodista meelaha xadhigu marayo waxaanay arintaasi keenatay in ku dhawaad 26 qof ay ku dhaawacmaan ama ay nabaro ka soo gaadhaan isku dhacyadaas sida uu u sheegay shabakada wararka ee SNN wariye ku sugan halkaas oo balan qaaday warka oo fiidow ah in uu dhawaan soo diri doono.

Wax uu intaas ku darey in xildhibaan Cabdinaasir Jaamac Xoosh oo ka mid ah golaha deegaan ee degmada Saylac uu dhacdaas aad u canbaareeyey maanta.

Qalabka ay shirkadu u adeegasado shaqad waxaa ka mid ah sida wararku sheegayaan cagafyo iyo gacnta dad guuli ah waxaa la filayaa xadhigan oo dhulka xeebta agdeeda la soo marin doono dhinaca barina ama xaga Hargaysa uu magaalada Boorama uga iman doono.

Salalnews desk
Boorama

No comments: