Saturday, October 29, 2011

Ururka Solja Iyo 8 Urur Saxaafadeed Oo Ka Jira Dalalka Afrika Oo Si Kulul U Cambaareeyay Jidh Dil Booliska Hargeysa Kula Kaceen Laba Wariye Oo Ka Kala Tirsan RAMAAS iyo Saxafi.

Hargeysa (Ramaas) Oct 29,2011 – Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiyadda ciidamada Somaliland kula kacaan saxafiyiinta ka hawl-galla hay’adaha warbaahinta ee madaxa banaan.



War-saxaafadeed uu soo saaray ururka SOLJa ayaa lagu sheegay in tacadiyada saxaafada ay ku hayso xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay bilihii u dambeeyay ay kor u soo kacayeen, iyagga oo soo bandhigay laba wariye oo labadii todobaad ee u dambeeyay ciidamada boolisku garaacis iyo jidh dil ku sameeyeen.

Wariyayaashan ciidamada boolisku jidh-dilka ku sameeyeen ayaa waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Kaahin (Boosh) oo ka mid ah hawl-wadeenada shakabada wararka ee RAMAAS iyo waliba Mustafe Sheekh Cumar oo ka mid ah wargeyska madaxa-banaan ee SAXAFI, iyagga oo sidoo kale difaacay muwaadin lagu waxyeeleeyay ray uu ku baahiyey wargeyska Waaheen.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa tacadiyada, xadhiga iyo garaacista lagula kacayo suxufiyiinta reer Somaliland iyagoo shaqadoodii gudanaya.
Tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo wariyeyaasha ayaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay kor u sii kaceen, waxaana kamid ah tacadiyada iyo dhibaatada lagula kacay Wariyeyaasha ka hawlgala Somaliland dhawrkii bilood ee u dambeeyey kuwan hoos ku qoran:
1. weriye maxamed cabdi kaahin (boosh) ka shaqeeya  ramaasnews iyo royal tv oo sadex askari oo ka tirsan ciidanka booliska  khamiistii shalay kula kaceen garaacis si axmaqnimo ah oo bina,aadanimada ka baxsan u garaaceen iyagoo ku haystay islaamo cabanaya ayaad maalin dhaweyd sawir ka qaaday
2. weriye mustafe sh.cumar geedi oo ah tifaftiha  wargeyska  saxafi  oo 19-kii bishan ay askarta d/hoose ee magaalada hargeysa garaacis iyo xadhig kula kaceen isagoo sawiraya dad danyar ah oo  d/hoose ee hargaysi ka raraysay xaafada gol-jano,
Sidoo kale waxaa xadhig sharci daro ah lagu xidhay  weriyaha wergayska Waaheen ee burco axmed muse Mohamed (sakaaro)  ee  5-tii sept 2011 lagu  xidhay burco ,iyo
weriyaha wergayska ogaal ee burco mahad c/laahi farax oo 6-dii September 2011 oo isna  sidoo kale lagu xidhay magaalada burco
-Jaamac cilmi siciid oo ah muwaadin fikirkiisa ku cabiray wargeyska waheen bishii hore ee September 2011 waxaa lagu garaacay suuqa isagoo qoray maqaal la yidhaa habarjeclooy u kala hadha qaladka iyo saxa aad isku wada raacaysaan arintaana jaamac wuxuu ii xaqiijiyay 12/10/2011 cabaara 12-kii duhurnimo oo aan kula kulmay baar hargeysa
Digniin:
-Ugu horreyn, waxaannu uga digaynaa Xukuumadda iyo ciidamada booliska Somaliland xadhigga iyo garaacista sharcidarrada ah ee Suxufiyiinta, iyaga oo aan haysan waaran-maxkamadeed,
Xildhibaan Kijaandhe iyo dhawrka Xildhibaan ee xulafadiisa ah waxaannu uga digaynaa, xeerka uu soo samaystay ee uu Ajendaha ku darsaday isaga oo aan weli soo gaadhin golaha Wakiillada. Iyada oo aan la garanayn cidda dabada ka waddaa inay hay’adda IREX tahay iyo inay xubno Xukuumadda ka tirsan oo hoosta ka wadata tahay. Inkasta oo uu isagu sheegay maalin dhoweyd oo aannu SOLJA ahaan ula kulannay in aannu wax lacag ah ku qaadan.
Waxaannu leennahay adigoo ka mid ah xildhibaannadii sida Dimuqraaddiga ah u yimid, ha baabiin kii ay sameeyeen Golihii Wakiillada ee beelaha ku yimid, ee kanna dhaqan-geli, kii Radio-yadana samee, adaa lagaa sugayaa si ay taariikhda kuugu gasho.
Aniga oo shirguddoonka ka raalli-gelinaya qadafyadii yaryaraa ee ay saxaafaddu ku qaad-qaadday, maalintii xeerka aad ku dartay ajandaha aad wadato, adiga oo aan la garanayn baahida aad u qabto, ee kugu kelliftay,iyadoo aanay waxba ka ogeyn   wasaaraddii warfaafinta iyo warbaahinta madaxa bannaanaydba.
Anigoo agaasimaha  guud isku aragnay dabayaaqadii September  addis ababa isagoo ku socda London iina xaqiijyay inaanu waxba ka ogayn  xeerkaa cusub ee saxaafada ee la horkeenay golaha wakiilada
sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa ku cadeeyay inaanu waxba kala socon xeerka saxaafada ee cusub ee golaha wakiilada la geeyay ee ajandaha lagu daray wargayska jamhuuriya cadadkiisii  soo baxay 23sept.2011
sidaa daraadeed waxaanu ka codsanaynaa golaha sharci dejinta inay joojiyaan xeerkan oo ay noo sameeyaan xeerkii idaacadaha madaxa banaan oo baahi weyn loo qabo
hadii kale waxaanu samayn Annaga oo dareenkayaga ku muujin donna mudaaharaad salmi ah, haddii uu taas ku joogsan waayana, saxaafaddu waxay samayn doontaa shaqo-joojin.
Baaq:
Waxaan hay’adaha UN-ta, dawladaha deeqda bixiyayaasha , sida, Midowga Yurub, USA, UK, Africa, Asia, INGO’s, and LNGO’s iyo khaasatan hayadihii xidhiidhku ka dhexeeyay ururka solja , Xukuumadda, Ganacsatada Somaliland, Shirkadaha waaweyn iyo Shicibkaba, inay naga caawiyaan xuquuqdii warbaahinta iyo kor-u-qaadista waxbarasho ee suxufiyiinta iyo Xorriyatul-Qawlka.
Codsi:
Dhammaan ururrada waddaniga ah iyo shirkadaha Teleefannada waxaannu ka codsanaynaa inay joojiyaan kana fogaadaan saxaafada  shaqadeedii oo ay qabanayaan, sida awareness-ka, tababarrada, ogeysiisyada iyo xayaysiisyada.
Golaha Wakiillada Somaliland, Golaha Xukuumadda iyo ka Garsoorkaba; inay joojiyaan xeerka Kijaandhe. Waxaannu ka codsanaynaa inay soo diyaariyaan sharcigii Idaacadaha, noona dhaqan-geliyaan xeerkii Saxaafadda ee hore loo ansixiyay, iyaga oo ku daraya kan broadcasting-ka.”
Wasaarada warfaafinta inay shaqadoodii kusoo celiso ama waxbarasho u bilawdo 38-kii weriye  ee  10-kii bishii September 2011 imtixankii laga qaaday la sheegay inay dhaceen taas oo ka hor imanaysa xuquuqda shaqaalaha iyo balanqaadyadii xusbiga kulmiye .
Ugu danbayn waxaanu  wada shaqayn guud kala yeelan doonaa ururada suxufiyiinta wadamada jaarka ah ee ay ka midka yihiin,DJABOUTI,ETHIOPIA,KENYA ,SOMALIA,SOUTH SUDAN, TANZANIA,RWANDA, UGANDA ,BURUNDI,
Association of Djibouti Journalists (ADJ)
Ethiopia National Journalists Union (ENJU)
Kenya Correspondents Association (KCA)
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Rwanda Journalists Union (RJU)
Tanzania Union of Journalists (TUJ)
Uganda Journalists Union (UJU)
Union Burundaise des Journalistes (UBJ)”
War-saxaafadeedkan uu soo saaray ururka SOLJA ayaa waxa ku saxeexnaa xoghayaha ururkaas Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.
Dhinaca kale, ururka Caalamiga ah ee NUSOJ ayaa si gaar ah uga hadlay garaacista iyo tacadiga lagula kacay wariye Maxamed Cabdi Kaahin (Boosh) oo ka mid hawl-wadeenada RAMAASNEWS.COM waxayna cambaareeyeen garaacis ay khamiistii todobaadkii hore kula kaceen saddexda askarta booliska Hargeysa ah, iyagga oo ku eedeeyay inuu ka qaaday sawiro ay isticmaaleen warbaahinta maxaliga ahi.
Ururka NUSOJ oo la soo xidhiidhay wariye Maxamed Boosh ayaa tilmaamay inuu u sheegay in loo garaacay si axmaqnimo ah “Markii ay ii garaaceen si halis ah, waxaan dalbaday inay saldhiga I geeyaan, laakiin way diideen inay diiwaangaliyaan dambiga ay igu haystaan.” Sidaa waxa NUSOJ u sheegay Wariye Maxamed Boosh.
NUSOJ waxay aad u cambaareysay falkaasi lagula kacay wariye Maxamed Boosh waxayna sheegtay inay arintaasi kala hadlayso masuuliyiinta xukuumada si baadhitaan loogu sameeyo kiiskaasi.

No comments: