Monday, July 29, 2013

FURSAD LA HUBO: FADLIGA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA


FURSAD LA HUBO: FADLIGA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA !!!!!!!!!!!!!! ....... KA FAA'IIDAYSO

Laylatul Qadri waa habeen fadli badan oo ku jira Tobanka danbe ee Ramadaan gaar ahaan habeenada tirade is dheertahay sida 21,23,25,27,29.

Habeenkan waxa ilaahay kaga war bixiyey suurada Al-Qadari wuxuna yidhi:

 إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ (1) وَمَا أَدْرَاكَ مَا لَيْلَةُ الْقَدْرِ (2) لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ شَهْرٍ (3) تَنَزَّلُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِمْ مِنْ كُلِّ أَمْرٍ (4) سَلَامٌ هِيَ حَتَّى مَطْلَعِ الْفَجْرِ (5)

“Waxanu soo dejiney[quraanka] habeen wax la qadaro, ama habeen qiima badan, ma garanay waxa habeenka qadrigu yahay? Habeenka qadrigu wuxu ka fadli badan yahay kun bilood[83 sanno &4 bilood] malaa,igta ayaa soo degta [habeenkaa] iyo malaku jibriil.[dhulka ayey marayaan iyagoo booqanaya oo diiwaan gelinaya dadka cibaadaysanaya] waa habeen nabad gelyo ilaa waagu beryo, ama adoomaha ayey salaamayaan ilaa waagu ka beryo”.

Sharafta Habeenkan

Sharafta habeenkan wax inagaga filan in ilaahay qur’aanka soo dejiyey, quraankaas oo Aduunyada oo dhan hanuun iyo raxmad u ah, cidii ilaahay waafajiyo.

Sharafteeda waxa ka mid ah in ilaahay ku sheegay Habeen barakaysan :

إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُبَارَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنْذِرِينَ (3) الدخان.

“Waxan soo dejiney[Quraanka] habeen barakaysan”.

Habeenkan waxa la inoo jideeyey in aan la nimaadno salaad habeenkii la tukado,iyo cibaado, qofkii habenkan Qadriga salaatu layl tukada isagoo rumaysan balanqaada ilaahy ,ajrina kaga sigaya waxa loo qorayaa ajri ka badan kun bilood sida aayadu inoo sheegtay, waxana loo dhaafayaa denbigiisii hore.
Culimada selefka qaarkood waxay yidhaahdeen qofkan waxa loo qorayaa, soon iyo Salaad ka badan kun bilood inuu la yimi sidaa waxa laga sheegaa imaamka weyn ee Shaafici.

Hadaba in habeen keliya oo aad dhawr saacadood salatu layl tukatey laguugu qoro ajri ka badan dhawr iyo sideetan sano qof ilaahay caabudayey oo aan mar keliya caasiyin, waa qiime intee leeg? Ilaahay ayuun baa qiyaasi kara!

waa habeen dhamaan wixii ilaahay sanadkaa fulinayo loo qaybiyo ma,laaik ta si ay ugu hawl galaan , sida quraanku inoo timaamay, habeenkan ayaa malaa’ikta lagu wareejiyaa shaqadii ay sanadkan fulin lahaayeen, haday tahay cida dhimanaysa, cida dhalanaysa, cida qani noqonaysa, cida faqiir noqonaysa, cida liibaanaysa, cida khasaaraysa iwm.

Sidaa ayaa ayadan quraanka ahi inoo sheegaysaa:

فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ (4)الدخان

Waa habeen Maalaa'igta Raxmadu samada ka soo degto, waxay habeenkaas oo dhan wareegayaan dhulka iyagoo diiwaan gelinaya dadka cibaadada gudanayaa, Malaa’iktan waxa hormuud u ah malaku jibriil, iyagoo dhulka usoo degaya khayr iyo bushaarona wada.

qofkii habeenkaa malaa,iktu ugu timaado isagoo khayr iyo cibaado ku soo jeeda ama samaynaya insha alaah waxay u diiwaan gelin doonaan inuu habenkaa khayrkisii la kulmay.

malaa,iktu waxay hawshan soo gabagbeeyaan ilaa waaga subaxu ka dilaaco oo salaada subax la tukado , sida suuradu shegtay.

ILAAHAY baa Mahad Leh.

No comments: