Monday, March 18, 2013

WAR DEGDEG AH: Qarax Xoogan oo Imika Gilgilay Magaalada Muqdisho


Wararka iminka inaga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay kaasi oo geystay dhimashada dad lagu qiyaasay in ay 20 kor usii dhaafayaan iyo dhaawac intaa ka sii badan.

Qaraxaan Khasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay ka soo horjeeda Ex Fiyoore waxaana qaraxaasi uu ahaa gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu saarnaa nin naftii haliga ah waxaana qaraxaasi dadkii ku geeriyooday ay ahaayeen arday iyo shacab badan.

Waxaa daadsan goobta uu qaraxu ka dhacay Meydad badan iyo dhaawacyo waxaa sidoo kale ku bur buray gawaari aad u fara badan iyadoona iminka goobta buux dhaafiyeen ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM iyadoona dadka gurmad loo fidinayo.

Gawaarida Ampalaasta ah ayaa daad gureenaya dhaawacyada iyo dadka ku dhintay Qaraxan daqiiqado yar hor ka dhacay Degmada Xamar Weyne iyadoona lasoo sheegayo in qasaaraha qaraxan ismiidaaminta ah ka dhashay iuu sii kordhayo daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa

Dadkii saarnaa gaariga BL-ka ah ayaa la sheegay in intoodii badneyd ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac waxaana mudo ku dhow saacad ay ku dhex jireen gaarigaan oo si xun u holcaya iyadoona markii damabe ay soo gaareen gawarida dab damiska oo sidaasi loo baqtiyay.

Gawaarida Ambulaasta ee xaalada deg dega ayaa wali ku howlan daabulida dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho iyadoona dadkii ku geeriyooday qaraxaasi lagu qiyaasay 20 ruux halka dhaawacana uu intaa ka sii badan yahay.

Hadaba wixii war ah ee ku soo kordhaa qaraxaasi dib baanu idiinka soo gudbin doonaa. 

No comments: