Search This Blog

Sunday, June 30, 2013

Beesha Habar Gidir oo hanjabaado culus u jeedisay Dowladda Soomaaliya



Muqdisho - Kadib kulan ballaaran oo ay maanta Beesha Habar Gidir ay ku yeelatay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka soo saartay qoddobo xasaasi ah, oo ay markaasi ku dalbaneyso in lagu soo sii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Bayaanka ayaa waxay ku cadeeyeen inay si weyn uga xumaadeen in Dowladda Soomaaliya, ay Sheekh Xasan Daahir Aweys u gacan dhaafto, iyadoo lagu wada heshiiyay in la soo dhoweyn doono.

Sidoo kale waay si adag ay uga dhiidhiyeen jirdilkii lagula kacay Ugaaska Dhaqanka Siyaasada ee Beesha Cayr Cabdi Daahir iyo Ergaydii kale ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ka keentay Degmada Cadaado.

Bayaanka Beel Waynta Habargidir:


1.       In caawa lagu sii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys, haddii aan lagu sii deen ilaa sagaalka subaxnimo berito, Beesha Habargidir waxay cadeyneysaa inay kalsoonidii kala laabatay Dowladda.

2.       In Sheekh Xasan Daahir Aweys lagu soo wareejiyo gacanta Beesha Habargidir

3.       In Dowladda ay wada hadal la gasho Sheekh Xasan Daahir Aweys

4.       In Dowladda ay daaweyso Ergaydii Beesha ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo waday Degmada Cadaado

5.       In Dowladda ay raali gelin ka bixiso wixii ay kula kacday Ergayda.
.

AKHRISO XOGO LAGA HELAY ILO KALA DUWAN: XARIGA XASAN DAHIR AWAYS, ERGADII KEENTAY SIDEE LOOLA DHAQMAY, SIRDOONO SHISHEEYE OO AWAYS SU'AALO WAYDIIYAY, BEELAHA HABARGADIID OO KA SHARAY KHIYAAMADA XUKUUMADA MADAXWAYNE XASAN SHEIKH + SAWIRO



Xassan Daahir Aweys oo lagu Xiray Xarunta NabadSugida Muqdisho


Doowlada Federaaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay Xasan Daahir Aweys oo xalay laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha eemagaalada Muqdisho.

Diyaaradii Xasan Daahir kasoo qaaday magaalada Cadaado ayaa xalay halkii saac iyo 20 daqiiqo soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Aadan Adde ee magaalada Muqdisho.

Gudiga ay doowlada horay ugu dirtay Magaalada Cadaado ayaa isugu jiray Xilibaano, Siyaasiyiin, saraakiil Ciidan iyo waliba Odoyaasha deegaanka kasoo jeeda.

Saacado badan waxay ku guuleeysteen in Xasan Daahir oo ka madax adeeygayay in magaalada Muqdisho uu yimaado ineey xalay magaalada keenaan, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaana ilaa xalay saqdii dhexe waxa ka socday muran xoogan oo u dhaxeeya gudigaasi doowlada ay u xilsaartay iyo saraakiisha Ciidamada doowlada kaasoo ku aadan qaabka laga yeelayo Xasan Daahir.

Saacadu markeey soo gaartay 1:00 ee xalay ayaa mura xoogan waxa uu dhexmaray Ciidamadii amaanka iyo odoyaashii la socday sheikh Xasan Daahir, kaasoo marki danbo sababay in la garaaco odoyaasha qaarkoodna Rasaas lala dhacay, halka Xasan Daahirna Xabsiga loo dhadhiciyay.

Arrimaha markii hore la isku maandhaafay intii garoonka lagu sugnaa ayaa aheyd inay doonayaan in Sheekh Xasan ay geeyaan magaalada, hase ahaatee laga diiday, waxaana lagu amray odayaasha iyo xubnihii kale ee Cadaado ka soo kaxeeyay Xasan Dahir inay garoonka ka baxaan, hase ahaatee ay ku adkeysteen in aanay baxeyn.

Ciidamada Nabadsugida iyo qaar kamid ah odayaashii kasoo jeeda beesha Xassan Daahir Aweys ayuu gacan ka hadal ku dhexmaray xarunta nabadsugida ee magaalada Muqdisho kadib markii halkaasi la geeyey Xassan Daahir Aweys iyo ragii kala yimid Cadaado.

Odayaasha Beesha Xassan Daahir Aweys ayaa horey u heystay balanqaad ka yimid dhanka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud in Xassan Daahir Aweys magangelyo lasiin doono, balse arrintan ayaa mid kaduwan dhacday kadib markii ciidamada la dagaalama Al Shabaab ee Gaashaan ee hoostaga hay’ada sirdoonka ay la wareegeen Xassan Daahir Aweys iyo illaaladiisa oo xabsiga la dhigay.

Dhaawacyo ayaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen qaar kamid ah wafdigii odayaasha oo isku gadaamay Xassan Daahir Aweys iyagoo u diiday ciidamada nabadsugida inay xiraan wadaadkaasi, balse ciidamada oo awood adeegsaday ayaa la sheegay inay dhaawacyo u geysteen qaar kamid ah ragii ka horyimid amarkooda.

Intaas kadib ayaa xubnahan oo xalay la geeyay Xarunta Nabadsugida ayaa aaqirkii keentay in halkaas Odayaasha dhaqanka iyo xubnihii kale ay diidaan in Sheekh Xasan la xiro, isla markaana dalbaday in iyagana lala xiro.

Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ahaa ergadii Cadaado ka keentay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay, isagoo xusay in qaarkood la jirdilay, qaarna la dhaawacay sida uu yiri.

Axmed Diiriye Cali ayaa isaguna sheegay in dadka aad loo jirdilay, qaar dhaawacan yihiin, isla markaana rasaas loo adeegsaday markii ay diideen in Sheekh Xasan Dahir la xiro, waxaana uu ku eedeeyay dowladda inay balanta ka baxday.

Sidoo kale Ugaas Cabdi Dahir ayaa sheegay in wax aanay fileyn ay qabsatay, isla markaana markii garoonka Muqdisho ka soo degayeen la geeyay meel howl ah, kadibna xalay saqdii dhexe garoonka laga soo bixiyay, oola keenay xarunta Nabadsugida, hase ahaatee goobtaas lagu xiray Sheekh Xasan Dahir.

Dhanka kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku balan furtay, isla markaana howshii ay soo qabteen lagu abaal mariyay in la jirdilo, lana xiro Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xalay ku hoyday Xarunta Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee Gurigii Habar Khadiijo.

Axmed Diiriye ayaa sheegay inay filayeen in si wanaagsan loola dhaqmo Xasan Dahir, isla markaana ay filayeen in loo mahad celiyo, laakiin aanay taas dhicin.

“Markii aan keenay in si wanaagsan oo sharaf ah ayaa loola wareegaya is laheyn, idinkana la idinku mahad celinayaa howshii aad soo qabateen, asigana lama marsiin munaasabkiisa”ayuu yiri Axmed Diiriye.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in wafdigii Cadaado tagay la isugu daray jirdil, dhaawac iyo dad la xiray, isagoo tilmaamay in waxa dhacay ay ahaayeen mid xadgudub ahaa sida uu yiri.

Xasan Daahir ayaa waxa uu kamid ahaa saraakiishii ugu sar sareysay Al-shabaab, waxaana uu horay u ahaa hogaamiyaha Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam.

Odayaasha ayaa ku doodayey in ay fasax ka heystaan Madaxweynaha Soomaaliya, halka saraakiisha dowlada sheegayeen inay heystaan amar ah in la xiro Xassan Daahir Aweys oo todobaadkii tagay kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil ka socota ciidamada sirdoonka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ay wareysiyo maanta la leeyihiin Xassan Daahir Aweys oo lagu hayo xabsiga sirdoonka iyo nabadsugida ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horey u fasaxay odayaasha magaalada Cadaado ka doonay Xassan Daahir Aweys waxayna dowlada u kireysay diyaarad iyadoo kusii dartay tiro askar ah oo ka socda dowlada Federaalka kuwaasi oo magaalada Muqdisho keenay Xassan Daahir Aweys iyo raggii la socday.





BEELAHA HABARGIDIR OO MAANTA MUQDISHO KAGA SHIRAY XARIGA XASAN AWAYS IYO SIDA LOOLA DHAQMAY ERGADII KEENTAY AWAYS

Maanta waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Beelaha Habargidir, kulankaasi oo ay kaga hadlayeen xariga Xasan daahir Aweys.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Odayaal, Waxgarad, Siyaasiyiin ka tirsan beelahaasi oo daacad u ah Xasan Daahir Aweys.

Abuukar Sheekh Cismaan oo ka hadlay muhiimada kulanka ayaa yiri”Habargidir waxa ay dalbaneysaa in dowladda ay jawaab ka bixiso xariga Xasan Daahir hadii kale ay jawaab ku haboon bixin doonaan”
Sidoo kale waxaa ka hadlay Suldaan Axmed Dhoore oo ka hadlay xariga Sh.  Xasan Daahir .

Waxaa magaalada Muqdisho ku shiraya maanta Odayaasha dhaqanka beelaha Habargidir ee taageersan Xasan Daahir Aweys.

Suldaan Axmed Dhoore oo ka mid ah Odayaasha Beelaha uu kasoo jeedo Xasan Daahir Aweys ayaa ka warbixiyay Shir ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo ku saabsan Xasan Daahir Aweys.

Suldaanka oo saxaafada la hadlayey  ayaa sheegay in Xasan Daahir uu yahay Muwaadin Soomaali ah oo xaq u leh inuu nabad galyo ku noolaado lakiin waxa uu sheegay in ay dhibaateysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ka hadashay mowqifka rasmiga ah ee xariga Sheekh Xasan Dahir Aweys, kadib markii kulan gaar ah ay ka yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha iyo hey’adaha ammaanka dowladda, iyadoo kulankan uu ku soo aaday xilli aad xasaasi u aheyd.
La taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa marka hore xaqiijiyay in Xasan Dahir uu ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya, isla markaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

“Xasan Dahir dowladda ayaa gacanta ku heysa Muqdisho ayuu joogaa, dowladda Soomaaliya waxay codsaneysa in waqti gaar ah la siiyo si arrintan xal looga gaaro, wax go’aan ah oo gaari karo ma jirto in wax walba ku xirnaan doonaan wada hadalka”ayuu yiri Eng. Yariisow oo ka hadlayay mowqifka dowladda.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in go’aanada la qaadanayo ay ku xirnaan doonaan hadba sida ay yihiin wada hadalada, isagoo xusay inay jiraan fursado la xiriira hadba go’aanka uu qaato Sheekh Xasan Dahir Aweys.

“Xasan Dahir Aweys arrintiisa arrin Soomaali ka sii weyn waaye, oo liiska Qaramada Midoobey ku jira, arrimahaas oo dhan loo xaliyo nidaam iyo sharcina loo maro, in liiska laga saaro, dhamaan arrintaas oo dhan misika ayay saaran yihiin wax walbana hadba sida dowladda wada hadalka ugu dhamaado ayay noqoneysaa”ayuu yiri Eng. Yariisow Afhayeenka Madaxtooyada oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in fursada labaad ay tahay in marka hore Xasan Dahir ka tanaasulo wixii hore, isla markaana sheego inuu diyaar u yahay nabada iyo dib u heshiisiinta oo uu xusay inay ku jirto fursadaha horyaala sida uu yiri.

“Wax lagu qasbayo ma jirto wax walba waxay ku xirnaan doontaa shaqsiyadiisa, fursadahaas waxay ka mid yihiin in marka hore ka tanaasulo, wax walbana markaas wada hadal lagu dhameeyo, dowladda waxay u baahan tahay in waqti la siiyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Yariisow ayaa sheegay in hadii Xasan Dahir uu muujiyo wada shaqeyn ay suura gal noqon doonto in liiska Argagixisada laga saaro, isla markaanaka tanaasulo, diyaarna u noqda nabadeyn iyo dib u heshiisiin, isagoo hoosta ka xariiqay in hadba go’aanada la qaadanayo uu noqonayo sida uu u dhaqmo.

Mar wax laga weydiiyay arrinti xalay dhacday ee jirdilka lagu sameeyay odayaashii iyo qeybihii gacanta ka geystay in Xasan Dahir la keeno Muqdisho iyo eedeymaha dowladda u soo jeedisay ayuu sheegay in arrintas dowladda si gaar ah uga war heyso, isla markaana aanay ilaabi doono doorka ay qaateen.

“Lama Ilaabayo doorka ay qaateen, arrimaha kale ee jira waa mar hadii dowladda lagu soo wareejiyay meesha ugu haboion ee lagu heyn karana ay ka go’an tahay dowladda in sharafta qofka Soomaaliyed meel looga dhicin, balanqaadkaas sidii ayuu naga yahay, odayaasha waxaa u cadeyneynaa in dowladda mar walba ilaalineyso, wixii wal wal ay qabaan inaan la fariisano, kana dhaadhicino arrinta dowladda sameyneyso iyo sida wax u ugu wado inay dan ugu jirto, shaqsiyan Xasan dahir iyo dowladdaba”ayuu yiri Eng. Yariisow.
Sidoo kale mar la weydiiyay Eng.Yariisow in Sheekh Xasan Dahir in dal kale loo gacan gelinayo ayuu sheegay in taas aanay marnaba dhici doonto.

“Ma dhici doonto in muwaadin Soomaaliyed dowlad kale gacanta loo geliyo, anaga nidaam ayaa leenahay, dastuur ayaa leenahay, hadii lagama maarmaan noqoto wixii sharci waxay noqoneysa in dalka gudihiisa lagu saaro”ayuu yiri Eng. Yariisow

Saraakiil Mareeykan iyo British ah oo maanta su’aallo weydiiyay Xasan Daahir


Warar hoose oo aan ka heleyno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Saraakiil kasocota dalalka Mareeykanka iyo Ingiriiska ay maanta wareysiyo la yeesheen Xasan Daahir Aweys oo haatan ku xiran Xabsiga Nabad Sugida ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si dhab ah loo shegi karin waxyaabaha ay su’aaleen shiikha, ayaa hadana waxaa jirta in doowlada mareeykanka ay horay liiska Aragagixisada ugu dartay Xasan Daahir Aweys, kaasoo mudo soo jabhadeeynayay kana tirsanaa kooxda Al-shabaab oo kamid ah garabyada Urur weynaha Al-qacida.

Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horey u fasaxay odayaasha magaalada Cadaado ka doonay Xassan Daahir Aweys waxayna dowlada u kireysay diyaarad iyadoo kusii dartay tiro askar ah oo ka socda dowlada Federaalka kuwaasi oo magaalada Muqdisho keenay Xassan Daahir Aweys iyo raggii la socday.

Mareeykanka oo dalbaday in loo soo gacan galiyo Xasan Daahir Aweys

Doowlada Ethiopia ayaa soo dhaweeysay gacan kusoo dhigida Xasan Daahir Aweys, iyadoona tilmaamtay in Mareeykanka uu dalbaday in loo soo gacan galiyo.

Wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa soo dhaweysay gacan kusoo dhigista hogaamiyihii hore ee kooxda Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys, maalmo kadib markii uu isaga soo baxsaday magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose kadib markii magaaladaas uu ka dilaacay dagaal u dhaxeeya Saraakiisha shabaab ugu sareeysa.

Bayaan laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Ethiopia lana soo dhigay barta Internetka ayaa waxaa lagu sheegay in doowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ximin iyo Xeeb ay hada ka arinsanayaan sida laga yeeli lahaa mustaqbalka danbe ee Xasan Daahir Aweys, kaasoo lagu tiriyo inuu Hogaamiye Ruuxi u yahay Xarakada Al-shabaab.

Warka kasoo baxay Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in M/weynaha wadanka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu xaqiijiyay in Xasan Daahir Aweys la keeni doono Muqdisho si loo maxkamadeeyo.

Sidoo kale wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa waxay tilmaamtay in ay jiraan dalabyo uu mareeykanka ku dalbanayo in gacanta loo soo galiyo Xasan Daahir iyadoona horay Mareeykanka uu ugu daray liiska Aragagixisada ee dadka uu sida aadka ah u doon doonayo.

Wasaarada ayaa tilmaamtay in gacan kusoo dhigista Xasan Daahir ay doowlada Soomaaliya ka saacidi doonto in saraakiil sar saroo katirsan Al-shabaab ay usoo baxsadaan dhanka Muqdisho.


Saturday, June 29, 2013

Somalia calls for help to keep remittances flowing from Britain



By Abdi Sheikh and Drazen Jorgic

MOGADISHU/NAIROBI (Reuters) – Somali money transfer businesses asked the British government to stop Barclays bank from closing their accounts in Britain, a move Somali officials and bankers said threatens remittances.

Diaspora remittances are Somalia’s biggest foreign currency earner and many of its 10 million people rely on the $1.2 billion (777 million pounds) or so sent to the nation every year.

A Somali official said on Monday cutting that “lifeline” could hurt fragile efforts to stabilise a nation battling an Islamist insurgency. Somalia analysts said it could encourage the use of illegal and untraceable routes if other channels were blocked.

Barclays said in a statement it was stopping offering banking services to some Somali transfer firms due to fears funds might end up in the hands of “terrorists” in a nation that is slowly emerging from two decades of civil conflict.

“It is recognised that some money service businesses don’t have the proper checks in place to spot criminal activity and could therefore unwittingly be facilitating money laundering and terrorist financing,” it said without naming the firms.

Somali Central Bank Governor Abdusalam Omer told Reuters in Nairobi that Somalis in Britain sent an estimated $500 million a year in remittances, a vital stream of funds now threatened.

“It’s a lifeline. Probably one quarter of Somalia’s GDP is from remittances,” he said. “There are about 2 million people who receive some support from the diaspora and that goes into buying food, shelter, medicine, schooling.”

In Mogadishu, where commercial banking disappeared in the early 1990s after the fall of dictator Mohamed Siad Barre, firms such as Dahabshiil fill the gap offering money transfer services used by Somalis and international agencies sending cash.

Dahabshiil, one of Somalia’s best known firms with agents in Britain and offices in Dubai and other African states, said it had been told its Barclays account would be closed.

Dahabshiil Chief Executive Abdirashid Duale told Reuters that stopping remittances “sends the wrong signal about the recovery that the country needs.” He called for the U.S. and British authorities to step in to help reverse the decision.

More than 100 Somalia-focused researchers and aid workers on Monday also signed a letter urging Britain to work with Barclays to find a way to work with Dahabshiil and other firms.

“This (cut in service) will only encourage people to send funds through illegal, unsafe, and untraceable channels, thereby potentially making the problem of support to proscribed parties much more serious,” said the letter.

The Somali Money Services Association (SOMSA) said 12 of its 17 Britain-based members had lost accounts with major banks in Britain, such as Barclays and London-based HSBC.

HSBC said it was pulling out from offering services to money transfer firms globally, adding this policy began last year.

“We shall not survive if Britain stops the money flowing,” said Anab Mire Hussein, a mother of nine with a snack kiosk in Mogadishu. “I live on monthly cash from my son in London.”

(Additional reporting by Edmund Blair and Richard Lough in Nairobi; Writing by Drazen Jorgic)

War Deg-Deg Ah: Xarakada Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horreysay Xaqiijiyey Kana Hadlay Dilkii Ay Ku Fuliyeen Xubno Iyaga Ka Tirsanaa Iyo Sababtii Ay Ku Laayeen DHAGAYSO

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab SH ABUU MUSCAB yaa Galabta Arrimahaasi Xasaasiga Ah Ku Faahfaahiyey Shir-jaraaid DHAGAYSO



Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Goddane Oo Amar Ku Bixiyay In Gacanta Lagu Dhigo Xasan Daahir Iyo Rooboow,Kana Hadlay Khilaafka Dhexdooda


Baraawe - Hogaamiyaha Kooxda Alshabaab Ahmed Abdi Godane ayaa ku amray guutooyin uu sheegay inay ku sugan yihiin Gal-guduud iyo Bay iyo Bakool inay gacanta kusoo dhigaan Xasan Daahir Aways iyo Muqtaar Rooboow Abu Mansuur.

Amiirka Al-shabaab wuxuu sidaa ka sheegay mar uu  Maanta Shir jaraa,id kuqabtay Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hosse, kaas oo uu  kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Ururka Alshabaab iyo sida uu kusoo bilaabmay.

Wuxuuna Xusay in khilaafka intiisii badnayd la xaliyey,  balse ay hadhsan tahay oo kaliya in gacanta lagusoo dhigo Hasan Dahir Aways  iyo Abuu-mansuur Muqtaar Roobow, wuxuuna wacad kumaray inuu gacanta kusoo dhigayo idanka eebe maalmaha soosocda. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Amar ku qabaan Mujaahidiintu inay ku beegsadaan goobkasta oo ay kusugan tihiin.

Amiirka Alshabaab ayaa arrinta khilaafka ku macneeyay inay jiraan kuwa diinta Alleh  ku gadanaya waxooggaa saldanad ah,  Balse waxaan marsiin doonaa shareecada waxay kaqabto cida kahortimaada uulu-amriga, ayuu yidhi, wuxuuna sheegay inay heshiis Hosaad kujireen mudo dheer laga soo bilaabo sanadkii 2012 bishii August ilaa iyo xiligaan ayuu yidhi Abuu-zubayr.

Dhinaca kale Amiirka Al-shabaab  wuxuu sheegay  inuu dilay shaqsiyaad basaasiin ku ahaa islaamka, kuwaas oo uu xusay inay  banaan-tahay in ladilo Cidkasta oo falkaasi ku cadaado.Wuxuuna ugu baaqay guutooyinka ku sugan Galgaduud iyo sidoo  Bay-Bakool inay gacanta Kusoo dhigaan Hassan Daahir Aways iyo Roobow Abuu-mansuur.

Hase yeeshee Ahmed Godane ayaan soo hadal-qaadin Ibaraahim Afqaani oo weerar lagu soo qaaday todobaadkan guriga uu degnaa ee Marka ku dhaawacmay, isla markaana dhaawaciisa ka dib wararka qaar sheegayan inuu dhintay.

Weerarkaa oo malayshiyo 800 gaadhaya oo  kooxda Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ku qaadeen kooxda ay hogaaminayeen Xasan Daahir Aways iyo Ibraahin Afgaani ayaa la sheegayaa inuu ku waajahnaa Afgaani iyo nin lagu magcaabo Burhaan oo mar madax ka ahaa garabka lagu magcaabo Jabhada ee sida Milateriga u dagaalanta.

Wuxuuna weerarkaasi sababay dhaawac soo gaadhay Afgaani iyo saraakiil kale iyo sidoo kale qabashada ilaa 7 ka mid ah saraakiil madax ka ah Al-shabaab, balse garabka mucaaradka ah la safnaa, iyadoo dhimashada khasaaraha weerarkaa aan war cad laga hayn, balse Sheekh Xasan Daahir iyo saraakil kale ay u firxadeen dhinaca Cadaaddo, halka Muqtaar Rooboow Abu Mansuur u firxaday dhinaca Bay iyo Bakool.

Hogamiyaha Al-shabaab Abu Subayr  kama hadlin dhacdooyinkaa, mana soo hadal qaadin halka ay ku danbeeyeen rag badan oo la layahay meel ay u firxadeen iyo kuwa dhaawaca lagu qabtay, ama is dhiibay markii loo awood sheegtay, balse wuxuu shaaca kaqaaday inay Gacanta ku Dhigayaan shaqsiyaad lashaqayn jiray kuwa falaagoobay.

Amiirka Alshabaab ayaa hanjabaada uu jeediyay weerarka uu ku qaaday kooxda ka dib, waxa lala xidhiidhiyay khilaaf mudo soo jiitamayay oo u dhexeeyay garabka uu hogaamiyo iyo garabka kale ee ay ka mid ahaayeen Xasan Daahir Aways, Ibraahin Afgaani oo loo yaqaan Sheekh Ububakar Al-selici, Abu Mansuur (Muqtaar Rooboow), Shafiiq Hammami oo loo yaqaan Al-amerki, Bilaal Barjaawi (Burhaan), Fu’aad Shangole iyo rag kale, kuwaas oo ka hor intii aan weerarka lagu qaadin doonayay inay ku dhawaaqaan Urur ka madax banaanAxmed Cabdi Godane.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ibraahin Afgaani dhaawaciisa loo qaaday dhinaca Diinsoor, halkaas oo looga sii gudbiyay dhinaca Bu’aale oo ka mid ah deegaamada kooxda Amiirka Al-shabaab gacanta ku hayso, balse warar kale ayaa sheegaya in Afgaani uu dhintay kadib dhaawac kasoo gaadhay Lugaha iyo Caloosha, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya dhimashada Afgaani.

HALKAN KA DHAGAYSO SHIR JARAA'ID OO AY AL SHABAAB GARABKA AMIIRKA AHMED ABDI GODANE KAGA HADLAYAAN DILKA BARAAWE OO MADAX SARE ALSHAAB KA TIRSAN AY KU KHAARAJIYEEN:
http://radiohadhwanaag.net/Audio/ShMuscabIyoDilkiiBaraawe.mp3
Source: Baligubadlemedia.com & hadhwanaagnews.com