Search This Blog

Sunday, March 10, 2013

Barnaamijkii Qalinka Iyo Qoraaga Maxamed Cali Samatar: Halyey Mise Dadqal..?


Ibaraahin Yuusuf Axmed (Hawd)


Qalinkii: Ibaraahin Yuusuf Axmed (Hawd).

Maamulkii askarta ee beri Soomaaliya ka talin jiray, iskuna kooli jiray? Kacaanka Barakaysan?, waa warshaddii soosaartay wixii hoog iyo ayaandarro umadda Soomaaliyeed ku dhacay. Waa warashaddii samaysay wixii dhimasho, burbur iyo xanuun la soo maray welina socda. Waa wixii uu aqoonyahanka Soomaaliyeed ee la yidhaahdo Cabdulqaadir Shire Faarax ku tilmaamay masiibo hadoodilan oo nacabnimadeeda darteed aan soomaali lagu sheegi karin. Kooxdaa dooxatada ahayd in kasta oo beri hore laga adkaaday, haddana waa hubaal raadkii xumaa ee ay dhulka kaga tagtay in uu yahay waxa ugu weyn ee dawladnimo dambe u hagaagi wayday. Kacaankaa baasi waxa uu lumiyay kalsoonidii iyo aamminkii bulshada dhexdeeda.

Innaga oo taa wada og ayaan in badan aayaxumadeeda ka digay. Waxaa ugu dambaysa taladii aan siiyay labada nin ee awoodda Soomaaliya maanta u ka la sarreeya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’, dharaartii xilalkaa loo caleemasaaray. Taladaasi waxa ay ahayd in ay iska fogeeyaan godobihii uu maamulkii kali taliyihii Siyaad Barre uu umadda Soomaaliyeed ka galay, oo sabab u ah colaadda dhammaan wayday iyo kalsoonida la waayay. Taliskooda iyo nabadgelyada Soomaalida oo dhan ayay u wanaagsanayd taladaa in ay qaataan. Laakiin ma ay yeelin.

Waxaa u dambaysay codsiga aan garta ahayn ee ay Maraykanka kaga codsanayaan in Maxamed Cali Samatar eedda dadkiisu u haystaan laga rogo, oo weliba dhawrsanaan diblomaasiyadeed la siiyo. Haddaba mudane Saacid iyo madaxweynihiisa aan ugu soo celiyo maqaal aan arrintaa hore uga qoray. Maqaalkaas oo la faafiyayMaarso, 2010, ciwaankiisuna ahaa? Halyey Mise Dadqal? waa kan bal Ilaahay idinku hanuuniyo:

General Mohamed Ali Samantar
Maxamed Cali Samatar waxaa ku oogan dacwad ah dad gumaad uu geystay xilligii uu ahaa jananka ugu sarreeya askartii Oktoobar gaar ahaan sannadkii 1988. Waa dhagar lagu eedoobo ta ugu foolxun. Isaga qudhiisa ayaa warbaahinta caalamka ka qirtay in uu lahaa amarkii Hargeysa lagu dumiyey. Amarkii Hargeysa lagu dumiyeyna waxaa toos ugu taxan weerarradii cirka ee sida isdabajoogga ah loogu qaaday shacbigii dhulka ka qaxay ee xadka Itoobbiya ku sii jeeday. Malyuumaad qof oo aan anigu ka mid ahay ayaa Maxamed Cali Samatar u arka dembiile dagaal. Dhanka kalena waxaa ka socda dadaal isla ninkaas iyo isla falkiisaa lagaga dhigayo? Halyey?; Haleynimada oo ah maamuus qof la saaro ka ugu weyn.

Labada dhinac ee sidaas u kala fog waxa kala taagani ma aha laba uun oo abuurta ku kala jaad ah, mana aha laba quruumood oo laba caalam ku kala abtirsada, waa se dad wadaaga bani aadamnimada dunidan. Intaas uun ma aha ee waa dad sheegta in ay wadaagaan magac, isirnimo, dhul, dhaqan, diin iyo af ay ummadaha kale iskaga xigaan. Kolkaas wax aad u weyn baa qaldan. Maxaa qaldan?

Waxaa maqan waxa ugu weyn ee dadnimadu wadaagto. Taas oo ah qiyamka iyo anshaxa guud ee xumaha iyo samaha lagu kala eego. Haddii ay taasi jiri lahayd tani ma timaaddeen. Tusaale ahaan haddii uu nin xoog weyni ilmo cayddi ah horteenna ku gawraco, dabadeed aynu ku muranno falkaasi xumaan iyo samaan ka uu yahay iyo ninkaasi sheyddaan iyo halyey ta uu ku sifoobayo ma nihin dad habboon garasho ahaan iyo anshax ahaan midnaba. Iyada oo ay hubaal tahay inta miyirka qabtaa in ay wadaagto garasho maskaxeed iyo xeer akhlaaqeed oo fal caynkaas ah oo isku si u tusaya, haddana waxaa jirta arrin addoon loo yahay oo wax walba loo huro taas oo hiddaha lagala soo guuray.

Weligeedba iyada oo? Mabda’ ahaan? qiyamka guud oo dhan la wadaago haddana taa ku dhaqankeedu waxay ahayd masalo kale. Waxaa loo qaybsanaa tolal aan weligood maamul dhexe wadaagin, isla markaa loollan colaadeed oo ba’ani ka dhex aloosan yahay. Tolkuna qiimaynta ninkooda, xumaantiisa iyo samaantiisa, waxay ku eegayeen sida uu tolka dhexdiisa ku yahay iyo dhanka kale sida uu shisheeyaha (tolalka kale) ku yahay. In uu tolka u roonaado oo samaha iyo nabadda isu hawlo oo fadqalallada gudaha ku hagoogto ninku wuxuu ku helayey magac iyo sarrayn. Haddii uu yahay nin tolka ku taagan oo xumo iyo fidno ka dhex huriya wuxuu ahaa dhagar qabe la neceb yahay.

Dhanka kalena ninka warankiisu goor walba qolyaha kale ku mudan yahay ee tolalka kale dhiigga iyo dhaca badan ka keena ayaa lahaa halyeynimada ugu weyn.

General Samantar iyo General Siyaad Bare (two dictators)
Iyada oo sidaas la yahay ayaa beri beryaha ka mid ah waxaa la guddoonsaday in lagu midoobo hab-maamul aan wax fiican laga garanayn oo lagu bawsaday? Dawladnimo?. Heerkaa bulsheed ee la joogay kolka la eego dawladnimadu waxay ahayd mashruuc aad u weyn oo u baahan hawlgal laxaad leh si ay u noqoto wax shaqayn kara oo lagaga fursado xaaladdii iyada ka horraysay. Ayaandarradu se waxay ahayd mashruucaas dawladnimada loogu gudbi lahaa tolnimadana lagaga gudbi lahaa looma helin awood aqooneed iyo doonis ku filan. Dadaal ay qofaf aad u tiro yari la yimaaddeen waxaa qaaday maayadihii runta ahaa ee tolnimada iyo tolaysiga (qabyaaladda). In yar ka dib waxaa la arkay dawladnimadii oo noqotay ardaa geeljire. Ma jiro, inta aan og ahay, soomaali aqoon leh oo burburka soomaalida si daacad ah wax uga yidhi oo aan xaqiiqadaas hoosta ka xariiqini.

Kolkaa, dawladnimadii geeljirowday haddii ay tolal fursad helay qolyihii kale dad badan ka laayeen, xoolo ka dhaceen, dhulna ka dumiyeen, wax cusubi ma dhicin ee waa tii la arki jiray ee hiddaha. Dadkii falalkaas fuliyeyna haddii tolkood laga jeclaado oo halyeeyo loo arko iyaduna wax cusub ma aha ee waa sidii ay ahaan jirtay. Tusaale ahaan Maxamed Siyaad Barre intii uu awoodda dalka haystay wax walba oo uu qolo kale oo Soomaaliyeed yeelay isaga iyo ciddiisu waxay ka dhiganayeen faan iyo libin. Sababta isaga, Maxamed Cali Samatar iyo kuwa la midka ah isku mar qudha sheyddaan iyo halyey loogu sheegayaa waa taa.

Dhaqanka sidaas ah maalin walba waa aynu aragnaa oo maqalnaa. Duniduna waa ay inagu baratay oo inagu aqbashay. Tusaale ahaan Maraykanku siyaasad ahaan caado uma leh in ay magangeliyaan dadka Maxamed Cali Samatar la midka ah ee ummadahooda godobta ka soo galay. Yurubta Galbeed qudheedu aad ayey dadka caynkaas ah uga digtoon tahay haddii aanu ahayn qof ay iyagu dano kale ku wataan. Haddaba sababta dhagarqabayaashii dadka soomaalida soo dilay, soo dumiyey ee soo dulleeyey oo dhami ay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika u taxtaxashayaan wax kale ma aha ee waa dadnimada soomaalida oo aad loo xaqirayo. Cid walba waxaa u caddaatay in aynaan ahayn dad ay noloshoodu wax qiimo ah ugu fadhido oo lagu garsoori karo ilbaxnimo iyo caddaalad.

In ay sidaas tahay caddaymo badan baa loo hayaa. Sannadihii sagaashannada dhexdoodii Iswiidhan waxaa si farsamoxumo ah ku yimid dagaal oogihii lagu magacaabi jiray Aadan Gabyow. Wuxuu ahaa nin dembiyo dagaal loo tirinayo. Soomaalidii halkan joogtay waxay u qaybsantay qolo ku bannaan baxday oo ku sheegtay dhagarqabe ay tahay in la qabto, iyo qolo isku duubtay oo halyeygoodii ku sheegtay oo xitaa nabadsugiddii dalka ku aammini wayday. Tobaneeyo sannadood ka dib waxaa Iswiidhan yimid dagaal ooge kale oo ah Cabdi Qaybdiid. Kaas oo ay isagana dad kale u arkayeen dhagarqabe dagaalladii qabiilooyinka dad ku gumaaday. Tabtii hore tab la?eg baa laba dhinac loo kala dillaacay. Kolkii ay Cabdi Qaybdiid bilaysku qabteenna taageerayaashiisu Iswiidhan oo dhan ayey gilgileen ilaa ay dawladdu ku khasbanaatay hadh cad isaga oo laafyoonaya in ay sii dayso. Umaddii reer iswiidhan labada jeerba waxaa ku dhacay yaab iyo qaadanwaa. Sidee baa qof lagu eedaynayo in uu soomaalidiisa dembiyo sidaas u waaweyn ka galay haddana ay u jiraan soomaali kale oo sidaas u jeceli? Maalintaas ayey Iswiidhan garsooridda soomaalida ka faraxalatay, lagamana yaabo in ay dib isugu hawsho.

Xaqiiqada soomaalida oo sidaas u taalla haddii aynu weydiin qalaad dusha kaga keenno oo nidhaahno: Dadka soomaalidu ma waxay doonayaan in ay ku noqdaan (ama weligood ku jiraan) dhaqankii tolnimada ee la doonayey in laga dawladoobo? Jawaabta soo baxaysaa waa – HAA ama waa – MAYA. Haddii ay ta hore noqoto kolkaa cidina xaq uma leh in ay ka dacwooto ama ka eedsheegato fal-dembiyeed uu nin tol kale ka dhashay geystay. Ma na jiro, haba yaraatee, tol ku khasban in uu dembi u arko falxumo uu nin iyaga ahi qolo kale kula kacay, waayo xeerkii awowyadeen ayaa sidaas ahaa. Cidda wax la yeelayna nafteeda ha eersato

Haddii se jawaabta weydiintu noqoto - MAYA, oo loo hanqal taagayo hannaan bulsheed casri ah kuna dhisan ilbaxnimo iyo caddaalad, kolkaas waxaa la noqonayaa doqomo hadalkooda iyo falkoodu isburinayaan, wax aad u badan baana u baahanaya in dib loogu noqdo. Xitaa haddii aan maamul dhexe oo soomaalida mideeya la helayn ilbaxnimada iyo anshaxa guud ee dadnimada ayaa khasbaya in la lahaado xeerar iyo caddaalad lagu kala baxo sida bani aadanka kaleba ka wada dhaxaysa.

Iyada oo ay guud ahaan sidaas tahay, ta qisada Maxamed Cali Samatar u gaarka ahi waa dadka ninkaas dhagarta ka difaacaya oo u badan isla kuwa ugu qaylo iyo oohin dheer kolka ay noqoto in loo baahan yahay maalin uun soomaali dawladnimo iyo midnimo wadaagi karta. Dadkaasi labada jeerba ma saxnaan karaan ee mar ayey qaldan yihiin. Isla golayaasha ay askartii Kacaanka halyeyada kaga dhigayaan ee guulahooda ugu damaashaadayaan, isla golayaasha ay ku beeninayaan gumaadkii, dhacii, burburintii, xabsiyadii dulmiga, ciqaabtii wadareed iyo jidhdilkii labaatanka sano umadda soomaalida la mariyey, isla golayaashaas ayey ka akhriyayaan khudbado dhalanteed iyo been ah oo la yidhaahdo  - ummad Soomaaliyeed, Qaran Soomaaliyeed, Midnimo Soomaaliyeed? iyo Dawlad Soomaaliyeed?. Waa isla wixii kolkii Kacaanku umadda gawraca ku hayey laga akhriyi jiray golayaashi gunnimada ee loo yaqaannay – hanuuninta dadweynaha?.

Qalfoofka Shacabkii uu Gumaaday General Mohamed Ali Samantar - Malkodurduro Hargeysa
General Mohamed Ali Samantar

Mid ka mid ah Xabaalo Wadareedyo ay ku duugan yihiin shacabkii uu Gumaaday General Mohamed Ali Samantar oo dib loo furay 2012
Qodobka ugu suurtogalsan ee ay dadkaasi u cuskadaan difaaca dhagarqabayaashii Oktoobar waa in aan hebel iyo hebel keliya la eedayn ee dadkii dembiga lahaa oo dhan meel ay joogaanba la wada dacweeyo. Waxay leeyihiin, tusaale ahaan, Somaliland waxaa ka buuxa kuwii Maxamed Cali Samatar la shaqaynayey ee iyagana ha la keeno. Waa run oo waxaa jira dad Maxamed Cali Samatar dadgumaadka kala qaybgalay; dadgumaadkii sida rasmiga ah awoodda dawladnimada loogu fuliyey. Kumana koobna sannadkii 1988 ee muddo dheer oo horraysay oo dambaysay ayaa shacabka soomaalida laga galay godobo dunida meel ay ka dhaceen yar tahay. Hebel iyo hebel ayeynu nimankaas u wada naqaan. Mid waliba qaybtii uu dhagarta ku lahaa sida qorrax duhur ayey inoogu wada cad dahay.

Ha ahaatee anigu haddii aan qof dhagar iga galay dacweeyo macnaheedu ma aha in aan qof adiga kaa galay eedtiray. Sidaas oo kale haddii aan doonayo in aan qof wax iga qaba u sheegto, macnaheedu ma aha in aan ku khasban ahay qof walba oo cid kale wax ka qaba qashadiisa in aan u xilsaaran ahay. Adigu dembiilaha aad og tahay dacwee anigana ka godobtayda qaba in aan dacweeyo ii oggolow. Xeerka noloshu waa sidaas ee ma aha in la isyeelyeelo.Runtii se waxaa la doonayaa in masaladan ogaan loo dhabqiyo si habsamideeda loo lumiyo. Ujeeddaduna waa in ka dulman iyo kii dulmiyey la isku murgiyo. Xeeladdan qorshaheeda waxaa la bilaabay maamulkii askarta oo weli nool. Colaadda soomaalida ee ilaa maanta dami wayday qorshahaas ayaa qayb ka ah.

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"
Ibraahinhawd@hotmail.com
Kampala/Uganda

Digniinta Cullimada Ka Bixiyeen Maalinta Haweenka Adduunka.


Khaliif Raage

Maalinta Haweenka Adduunka maalmo la weyneeyo oo ka mid ah maalmalaha kalle Haweenweynaha caallamku sannad walba munnaasabado ku xussaan. Waxa kalle oo haweenka u soo raaca maalmo kalle oo ay weyneeyaan maalmahaas waxa ka mid ah: Maalinta ka Hortegga Gudniinka Fircooniga Gabdhaha 6 bisha Feebarwari sannad walba Maalinta Dheddiga Adduunka oo ku beegan bisha 11 Aktoobar walba. Maalinta Afka Hooyo oo maggac mamma laggu dhallay, taas oo dhulka Soomaalida sannad walba ka qabsoonta 20 bisha Feebarwari.

Taariikhda munnaasibada maalinta haweenka adduunweynaha ummaan soo diyaargaroobin in aan ku faahfaahiyo, waayo, waxa shallay qorraal dhaxalgal ah ugga hadlay qorraaga iyo suxufi sare: Cali Cabdi Coomay. Mr. Coomay waxa uu maqaalkiisa uggu wanqallay:- Taariikhda Dhabta Ah Ee Sideeda Maarij (08, March),

Culimadda waaweyn ee geyiga Soomaalida ku nool waxay ka diggeen maalmaha aan diinta Allaah iyo Rasuulkiisa (CSW) ku xusin ee waddamada gaallada lagga soo xawilay. Munnaasibada Maalinta Haweenka Adduun oo qaar ka tirsan dumar Soomaalidu xusto waxay assalkeedii hore ka soo jeeddaa New York dalka Marraykanka. Xuska haween waxay dalkaasi si aan rasmi aheyn ugga billaabantay 08, Maarij, 1857, kadib markii hawlwadeeno haween u badnaa Warshadda Farsamadda Dharka New York bannaanbax sameeyeen. Murruqmaalkii haweenku waxay ka dhiidhiyeen mushahar yari isku roggay mudaharaad rabshaddo wata oo ciiddamada booliiska iyo dumarkaas isku farosaareen waddooyinka halbowlaha u ah magaaladaasi.

Cabasho dumar Marraykan ahi sameeyeen waxay ku faaftay Qaaraddaha Waqooyiga Marraykanka illaa Yurrub, Aasiya, Afrika iyo Ustareeliya. Maqal iyo muuqaalka munnaasibada haweenka adduunka waxa ka soomaali ahaan inna soo gaadhsiiyey qallabka casriga ah ee warbaahinta reer galbeedka, sidda BBC, CNN, Reuters, VOA IWM. Maanta oo xuska laggu weyneenayo maalmahaas haweenka loo callaamadiyey waxay saameyn ku yeellatay dumar oo ay duufsatay.

Culimadda sebenkan nooli iyo kuwii hore waxay dhammaan lagga soo minguuriyey in xaaraan tahay islamarkaana gaar u tahay haweenka aan Diinta Islaamka aamminsaneyn. Marka lagga reebo dadka jaahilka ah kuwa garanaya inay xaaraan tahayna waxay culimaddu ku sheeggeen innay (Bidco) ku dhaceen.

Culimadda Islaamka waxay muslimiinta uggu baaqeen in maalmaha ka fayow xumaanta ee sannadka Hijradda ku jirra kolkooliyeen oo ay weyneeyaan. Maalmaha weyneenteeda la xuso waxa ka mid ah saddexda munaasabadood ee diinteenna Islaamku jiddeeysay oo kalla ah: Ciiddal Fidriga, Ciiddal Adxaha, iyo Maalmaha Jimcaha ee toddobaad walba ku jira.

Waddamada gaaladu saddexdaa munnaasabadood ee Islaamku innoo oggolyahay xus iska daayee, miyey nalla weyneeyaan (ciiddaan)? Hadday jawaabtu tahay MAYA. Maxaynu ka Soomaali ahaan munnaasabadahooda xaarraanta ah ugulla dabaaldegnaa? Maxaynu maalgelin faraha baddan uggu bixinayaa koolkoolinta xafladdaha laggu naax-naaxinayo maalintan oo kalle? Bulshadu waxay ka kooban tahay lab oo raga ah iyo dheddig oo dumarka ah, maxaa dumarka ka soocay bulshadda raggiina bulshada ku reebay? Haddaanay Gaaladu Dan kalle ka laheyn munnaasibadan, maxaa Maalinta Haweenka oo kaliya loo xusaa Maalintii Raggana looga teggey? Sow maaha timir laf baa ku jirta.

Hadh iyo habeen Culimadda Rabaaniyiintu waxay masaajid iyo madddal walba oo bulshaddu ku kullanto ka sheegaan in maalmahaas dabaaldegooda dumarka iyo ragga qaar lagga wacyigeliyo.

Warbaahinta waddamada reer galbeedka ee afsoomaaliga afduubay sidda laamaha afsoomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da maanta oo kalle waxay aheyd in ay dhabaha taariikhda maalinta haweenku xambaarsan tahay ka warramaan balse siyaasadooda gurracan warbaahintoodu ku fadhido ummay suurtogelin. Bulshaddii saaka iddaacadahaasi dhaggeystay waxay u ammaaneen xuska gabdhaha oo ay sheegeen in haweenka adduunweynuhu waxtar u leeyihiin.  Akhriste, tabaha taariikhdu sida ay muujinnayso maanta oo kalle waxay ku sheeggeen in dumar Marraykan ahaa oo jidhkooda laamiyadda ku gaddi jirray la dulmiyey, kaddibna xus lagu xussuusto loo saameeyey, ayey BBC-du & VOA-du qarinayaaan in ummadda dhacdadaas u soo gudbiyaan.

Bulshadda Soomaalidu waxay ka kooban tahay reer guuraa iyo beerallay 73% waa dad caamo ah (waxna qorin, waxna akhriyin), haddanna dumar baa uggu jaahilsan oo la tilmaamaa, saasoo ay tahay waxay dumarka Soomaaliyeed moodayaan in dabaaldeg kasta oo maalin ku suntanni sidda Maalinta Haweenka Adduunka iyagga lagga hiddo-raacay?.

Dumarka amma haweenka waxbartay waxay ogyihiin in maalintan magacooda laggu ladhay in aannay raad iyo assaltoona ku laheyn oo ay u gaar tahay Haweenka gaallada lagga minguuriyey. Haweenka aqoonta casriga ah xambaarsani, waxaad arkaysaa dumarka gaalada oo ay la dabbaaldegayaan. Dumarka waxbartay ee ku haddaaqaya maalintan oo kalle leh halloo dabaaldeggo iyo dhiggooda reer galbeedku waxa kumma kalla duwanna, waayo maxaa sacabka habeenkii loo tumaa haddaanay xeeladi ku jirin.

Dumarku innay dameer dhaan raacday noqdaan waa lagga wacan yahay balse waxa ka wannaagsan in ay noqdaan dumar diin iyo dhaqan Islaam raacday, waanna sababta iiggu kaliftay innaan guud ahaan dumarka Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee uu qorraalkaygu ku socdo ugga diggo hiirtaanyada maalintaas maddow ee Haweenka Adduunku innoo soo walwaallayso.

Culimadda Rabaaniyiintu waxay ka diggeen xuska iyo dabaaldegga haweenka dheddiga ahi, innay tahay gumeysi-maskaxeed oo ay waddamada gaalladu Muslimiinta u malleegayaan. Waxay kalle oo ay fahmeen in uddub-dhexaadka qoyska Islaamku uu yahay dumarka iyo carruurta Musliimiinta oo haggaagta, si taas looga horteggo waa in tiirarka Qoyska Islaamku ku taagan yahay karkaarka la waydaarsho. Waxay yaqyeelleen munnaasabado loogu dabaaddegayo, taageeranna loogu muujinayo haween ay sheegeen in xaqoodii cirka uu kagga laallan yahay, inna ragna uu ka duudsiyey.

Khaliif Raage
Hargeysa, Somaliland.
Amiirkhaliif@hotmail.com
447 35 32

Report: Saudi Arabia looking into dropping beheading as method of execution



Associated Press

RIYADH, Saudi Arabia –  A Saudi newspaper says a ministerial committee is looking into formally dropping public beheadings as a method of execution in the oil-rich kingdom.

Saudi Arabia is the only country in the world where a death sentence results in beheading in a public square.
The authoritative daily Al-Watan says in its Sunday edition that the ministerial committee is considering fatal shootings as an alternative.

There have been calls in the kingdom for replacing public beheadings with lethal injections carried out in prisons.

The kingdom executes anyone convicted of murder, armed robbery, rape and trafficking in drugs.

It has executed 15 people so far this year, 76 last year and 79 in 2011.

There was no official confirmation immediately available of the newspaper's report.


Christian protesters decry Muslim mob's arson spree following blasphemy charge

From Nasir Habib, CNN

An angry Pakistani demonstrator torches Christian's belongings in Lahore during a protest over a blasphemy row.



Islamabad, Pakistan (CNN) -- Outraged Pakistani Christians took to the streets of Lahore on Sunday, protesting a rash of violence against their community over the weekend.

Demonstrators denounced the burning of more than 100 homes of Christians on Saturday -- a spree spurred by allegations that a Christian man made remarks against the Muslim prophet Mohammed.

Some of the hundreds of protesters Sunday threw stones at police, saying the government failed to adequately protect Christians, Lahore senior police official Rai Tahir said.

Tahir said video footage of the fires helped lead to the arrests of more than 150 attackers. He said charges of terrorism have been filed against the suspects.

The violence that tore through Lahore's Badami Bagh community Saturday followed the arrest of Sawan Masih, a Christian in his 20s accused of blasphemy.

But Masih's arrest wasn't enough to appease an angry mob of Muslims irate over the alleged crime.

"(The) mob wanted police to hand them over the alleged blasphemer," said Hafiz Majid, a senior police official in Badami Bagh.

The mob also looted some shops run by Christians, he said.

Majid said Christians have fled the area for fear of being killed.

If convicted, Masih faces the death penalty.

He denies the allegations made by the two men who filed the blasphemy complaint against him with police on Friday, Majid said.

Masih said the three got into an argument while drinking and that the other two men threatened to publicly accuse him of blasphemy, according to Majid.

"The attack is yet another shameful incident against a vulnerable community and further confirmation of the slide toward extremism in society on the one hand and, on the other hand, the apathy and inaction that has become the norm among the police," the Human Rights Commission of Pakistan said in a statement.

The group accused police of arresting Christians in the incident "while those who went on a rampage and can easily be identified from television footage have gone scot-free."

Pakistan's blasphemy laws were first instituted to keep peace between religions. But they have been criticized by human rights advocates who say the laws enable legal discrimination against religious minorities. At time, the laws have been misused to settle personal differences between Muslims and Christians.

There have been about 1,400 blasphemy cases since the laws were first enacted in 1986, according to U.S.-based Human Rights Watch. There are more than 15 cases of people on death row for blasphemy in Pakistan, and more than 50 people have been killed while facing trial for the charge, according to the organization.

Last year, a Pakistani court dismissed blasphemy charges against a Christian teenager whose case prompted international outrage.

Her detention stirred up religious tensions in the predominantly Muslim country. It also generated fierce criticism of Pakistani authorities and renewed debate over Pakistan's blasphemy laws.

President Asif Ali Zardari issued a statement Saturday on the most recent "unfortunate incident." He noted that the country's constitution protects the rights of all Pakistanis, and that "such acts of vandalism against minorities tarnish the image of the country."

SOMALIA: Street Protests against the Faroole Administration in Bosaso, Puntland [in Pictures]

On Friday 8th March, the residents of Bosaso, Puntland’s commercial center, staged a demonstration in opposition to the administration led by President Abdirahman Mohamed Faroole.

By: Yusuf Sharmarke

Hundreds of ordinary citizens participated in this protest that started in the morning at the center of Bosaso.

They blocked the traffic on most of the major roads of the city. Some of the protesters sat in the middle of the road, while other groups conducted marches through out the major city streets.

The protesters were carrying signs depicting caricaturing of the ruling family, and signs that said: “The government has fallen”, “No Faroole”, among other things.
One person was wounded by a bullet fired by the Police forces who were trying to disperse the crowds. However, the demonstrations continued, and you could hear rounds being fired all day and through out the city, specially near the Municipal Office and Hotel Juba.


General Adde Musse, the former President of Puntland, was among the people who got stuck in traffic due to the street sit-ins of the protesters. Adde Musse came out of the truck he was riding in and tried to convince the demonstrators to reopen the way, but was unsuccessful, even though they let him pass and proceed to his house in the Laanta Hawada neighborhood in Bosaso.



The protests ended when the call to the Friday prayer was announced. This is the third demonstration to occur in Bosaso in the last two months, a time of great price inflation in the region.


This is a period characterized by a significant drop in trade through Port of Bosaso due to adverse exchange rates and ill-advised government decrees.

The market was equally harmed by the Administration’s decision to ban the fuel imports from Yemen: a decision opposed by most business people and all motorists. Some of the small merchants of Bosaso accuse the government of favoring and giving special license to bigger companies that are connected to the Ministry of Finance and the Presidency.

The government’s stated reason for the ban is that this fuel is imported on small ships that pose a danger to the security of Puntland by bringing arms or cooperating with Al- shabaab. However, the boats from Yemen are still arriving in Bosaso, and the only thing that has been banned is the fuel, a situation that affected fuel merchants describe as favoritism toward a particular interest group.


“….The boats from Yemen carrying food-stuff, the Yemeni fishing boats are still coming to the Port of Bosaso, and are not forbidden. Only the fuel boats are forbidden, and it is an obvious case of nepotism and all small traders know of the relationship between the Finance Minister, the President’s son and the traders, based in Dubai, who have received the license to import the fuel”, said Salax Abdirazak, one of the small fuel distributors in Bosaso.

Puntland Elections

Among the protesters are some who are opposed to the government’s extension of its term in office. At present, the government is insisting that the registered Parties will be contesting the first elections in May.

With only a little over a month left, it is unlikely that such elections will take place, considering that most of the registered Parties are unable to secure the required 330 signatures from at least 5 regions of Puntland.

The Transitional Election Commission is making the claim that there is no need for the verification and registration of the agreed upon number of signatories, when it became evident that some of the Parties, including the ruling Horseed Party of president Faroole, were unable to muster the required 330 members from 5 regions.

At the same time, no voter registration has been initiated, and it is not clear who is eligible to vote. Lately, we have been hearing from the Commission that the district election will proceed without any voter registration; (Read in Somali) and, so far, it has not been decided the districts where these elections will happen.

Some of the registered opposition parties have released declarations where they warned about the way the Commission, selected by the President, was managing the election process.

It was only last month when Midnimo Party released a statement to voice their displeasure toward the Commission for registering a political organization that failed to fulfill the requirements imposed for all political organization in order to receive recognition.