Search This Blog

Monday, January 21, 2013

Maanso Baroor Diiq Jaamac Maxamuud Xayd. Abwaan Xasan-Ganey


Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd

Maanso uu magaceedu yahay CAWIL, oo uu Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey), u tiriyay guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, isla markaasina aas qaran loogu sameeyay wadanka Djibouti.

Abwaanku wuxuu uga duceeyay  goor casar ah intii aanu geeriyoon Jaamac maxamuud Xayd, masaajid ku yaala magaalada Hargeysa, kaas oo ku sheegi doono beyd ka mida maansadiisan, waxaanu sidoo kale maansadan ku soo bandhigayaa doorkii deeqsinimo ee Marxuumka iyo weliba odaytinimadiisii, waxaanu Abwaan Xasan Ganey maansadiisan ku soo halqabsanayaa Axmed Cismaan Geele. Alle haw naxariistee Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, ka sokow dalkiisa Djibouti waxa sidoo kale geeridiisa si weyn looga dareemay wadanka Somaliland iyo wadamada Geeska Afrika. Abwaan Xasan, maansadiisan oo uu shalay Geeska Afrika soo gaadhsiiyay wuxuu  ku yidhi sidan:

Abwaan Xasan X. Cabdilahi (Xasan Ganay)

Cabdiyoow warkaagii
Cawayskii i-siisaa
Caqligayga rogayoo,
habeenkoo caraaboo
Intii badani carartoo,
cabaar yari ka hadhaybaan,
caskii waaga ka hortow
Bahalaha ciyaayiyo
Ciidan gaadha mooyee
Caam-ahaan dadku hurdaan
Cidiyaha fadhmooyee
Cashadii la dhigay-iyo
Anoon caanihii dayn
Caloolyow la kacayoo
Waanse camal wareeraye
Cartankiyo galgalashada
Gogashaan camaaluqay
Ku car-gaagtankeedii
Naxdin Caynka furatiyo
Warwarka I cileeyaa
Hilbahayga cunayoo
Cimrigayga qaar baa
Ka baxaayay cagahoo
Naftuun baan cadibayee
Caday Gees kamaan jabin

Cishaday ka idishee
Calafkeedu  joogsado
cid kastoo aad jeceshahay
wadka lagama celin karo

Axmed ina-cismaanow
Cududaan ku dhaatiyo
Intiina caawa nooleey
Cimrigiin ha raagee
Siqigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Nin cibaado badanoo
Rabi caabuduu ahaa
Nin cadaalad taliyoo
Caadaystaybuu ahaa
Carab dalab le’e iyo been
Nin ka caagan-buu ahaa
Runta wiil cadeeyo
Ka cabsoonin-buu ahaa
Nimaan curuf xumaynoo
Camal suuban-buu ahaa
Marka ay nin celis tahay
Nin cad-goosta-buu ahaa
Cilmigii dhaqaalaha
Weelka u culaayee
Curinaayey-buu ahaa
Xilkuu qaranku u calmaday
Hanad caabiyuu ahaa
Cuqaasha iyo waxgaradkana
Nin ciseeya-buu ahaa
Caydhiyo agoontiyo
Maatida cadilan-iyo
Caamiyaha indhahaliyo
Inta cudur la jiiftiyo
Intii caafimaad qaba
Culima iyo caamaba’a
Sikhi caawiyuu ahaa
Ceelkii danyarihiyo
Mahwi laga cabuu ahaa
Intaas oo caqiibo ah
Jaamacii ku caan baxay
Casiiskii lahaa qaad
Qadarkaana caaynka ah
Ma cidbaa wax lalahayd
Calwisoow waxba ha tarin
Ma calaacalbaa jira

Axmed ina-cismaanow
Gurigii cusbaayee
Camirnaa dhamaane
Bada cidhifka kaga yiil
Caawana madawga ah
Dadkaa geeri culusiyo
Masiibadu ku ciirtee
Cunadii ka soomee
Kolaytahay candhuuftii
Cunahooda wax u marin
Intay cadhadu haysiyo
Cadaawaha farxaayee
Ku cawaysanaayee
Caleemaha lulaayee
Ciyaaraana way dhiman

Waase xaajoo curatoo
Dadka caado u ahayn
Waase camalka shaydaan
Cajabtaana la hayaa

Mid cishooyin joogtiyo
Ceeyoon mid hooyataba
Cabdo-waliba way socon
Marbaa cawda loo goyn
Kaga ciilaw-taa

Axmed ina-cismaanow
Markay taladu calowdee
Gasho meel cidhiidhiya
Cida aan ku baqaniyo
Ciirsigaynu leenahay
Cadiimkeena weeyee
Cuskadoo ilaahay
Casiis aan u barinee
Inta aan calmanayaay
Calacalaha ila dhiga

Cishadii arbacadee
Maskidkii cirooliyo
Caruurtiyo haweenkiyo
Casriga iyo barbaarta ah
Cilmi daalibka ahiyo
Culimadu ka buuxdee
Casarkii istaagow
Calaacalaha ila dhiga

Inta gabayga curisiyo
Bahda caafimaadkiyo
Inta Wali carceertee
Karaamada ku caaniyo
Dhamaan caabudiintaay
Malaa’igta culusee
Danbi lagu cadaabiyo
Aan ceeb samayneey
Calaacalaha ila dhiga

Codka waxa ugu baridaan
Sikhigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Allow iil cidhiidh-yiyo
Ciqaab iyo dhib mudatiyo
Cadaabaha ka nabad gali
Allow ciida hoosana
Waasici calooshoo
Coloodhada u weynee
Allow nuur cadaaniyo
Cadar iyo udgooniyo
Ku casuun fardawsoo
Caf adoonkii naga tagay
Codka waxa ugu baridaan
Shukri iyo caruurtiyo
Intii Ay calaashiyo
La wadaagtay caanee
Maxamuud cadkiisiyo
Curuqdiisa laga jaray
Cayliyada hoosiyo
Cashiiryo tol iyo xiddid
Caam ahaan dadweynaha
Gaar ahaan colkeeniyo
Cutubkuu ka mid ahaa
Cawil khayrle Eebow
Noogu celi halkiisii

Codka waxa ugu baridaan
Cindalaahi kaligaa
Cabashada ku maqanee
Carshigaaga taaliyo
Codsiga iyo waraaqaha
Boostaada ka camiran
Cadiimow hanagu qadin
Baryadana ha soo celin
Qalin caaro khayr badan
Ku saxeex casiisow

Sunday, January 20, 2013

Somaliland: University Students Raise Concern over Poor Sanitation

Saturday, 19 January 2013
Honouring outgoing Mayor Eng Jiir - 2nd leftHonouring outgoing Mayor Eng Jiir - 2nd leftBy: Yusuf M Hasan
HARGEISA (Somalilandsun) – The haphazard disposal of used plastic containers is set on afflicting citizen's health profoundly.

This concern has been pointed out by students from the Faculty of Environment at the College of science in Hargeisa University during a presentation they made on the essentials of Waste recycling.

The students who are preparing to become the first alumni of the Faculty of Environment decried the deteriorating sanitation especially within major towns of the country which is as a result of poor and haphazard garbage collection.

During the presentation attended by various officials and Environmental specialists the students displayed recycling machines that they say could reverse the current trend that sees plastic bags and containers adorning the towns.

While decrying the lacklustre garbage collection by local councils the country's future environmentalists urge local and central authorities to embark on proper strategies geared towards 100% garbage collection and disposal as well as institute legislation geared towards mandatory punishment for haphazard disposal of the used plastic containers.

According to student Mohamed Abdala Hussein who led the team that designed the recycling proposal the first priority by the authorities should be the allocation of specific and conducive dump sites for garbage disposal followed by training of sanitation employees at each council, deterrence legislation, acquisition of modern equipment, public sanitation awareness campaigns and finally relevant deterrent legislation in that order.

Said he, "Considering the improved tax collection coupled with political determination and commitment to community health nationwide the prevalent poor sanitation engulfing citizens is reversible"

While stressing on the fact that proper disposal of not only all sorts of garbage and subsequent recycling will improve the country's health Master M A Husein also informed that this strategy could also contribute to the creation of hundreds of much needed jobs both skilled and unskilled.

Adding his voice to the student's concern Environmentalist Ahmed Ibrahim Awale informed that the multi-coloured plastic containers strewn all over each and every trading centre regardless of size has extended to destroying marine life in far off waters of Somaliland.

He recounted his shock on seeing millions of plastic bags and likewise liquid containers blocking the free flow of waters during a recent visit to a seaside town, said he, "During the rainy seasons The millions of used and uncollected plastic bags scattered in the towns are carried to the ocean where they pollute the waters and cause harm to marine life"

While adding his support to the students cravings for environmental protection Mr Awale urged the authorities to act now rather than later thus save not only thousands of dollars spent on preventable and avoidable ailments but leave behind a legacy of their tenure.

The dean of the Faculty of Environment Prof Ahmed Mohamed Adaad who Briefed participants on the history and achievements garnered by the newly created Faculty at University of Hargeisa's College of Sciences asked the City municipality to assist the university with the acquisition of much needed meteorological equipment.

Said the Prof, "If availed weather forecasting tools the Hargeisa University would produce skilled meteorologists thus greatly help alleviate hardships encountered not only from the frequent unannounced and prolonged droughts but reduce destruction on life and property meted upon citizens by flooding induced by heavy rains"

The mayor of the Hargeisa city Municipality Eng Yusuf Warsame Saeed who thanked the students for their insightful recommendations on Waste management promised to incorporate the designs into strategies being put in place by the new council as pertains to ensuring a 100% garbage free thus sanitary conducive city.

Bring the meet to conclusion was the minister of Environment Hon Mohamed Saeed Ga'ame who revealed that the students presentation was the best and most useful if adapted that he has seen since he became a member of the Somaliland government's council of Ministers.

It now remains to be seen as per the action taken by relevant authorities as per the student's viable proposal for garbage free towns considering that our towns are synonymous with multi-coloured plastic bags hanging from window panes, door frames, and every shrub not to mention that they also fill many potholes in our roads.

Somaliland Story!!!!!!!!!!!

It's not often that our grantees feature on national TV, but that's what happened at the official opening ceremony of RLabs Somaliland in Borama. Last year, we awarded RLabs a grant of £11,100 towards the cost of establishing a tech hub in the de facto independent state of Somaliland.

When the grant was awarded, RLabs Somaliland was little more than an idea aimed at encouraging entrepreneurship, tackling unemployment and promoting tech skills.

Since then, RLabs Somaliland have made impressive progress. Not only have they sourced the software and hardware necessary for the running of the lab, they have also found a suitable and accessible space in the city of Borama. Most excitingly, however, the lab now has a manager and two trainers to ensure that they can actually deliver the training courses that are so desperately needed by Somaliland's youth. Although the centre has only been open for a few weeks now, it's already proving popular and the team hope to be able to offer more services in the coming weeks.

Despite the progress that the Somaliland team have made, it hasn't all been plain sailing. Negotiating ways around astronomical electricity bills, expensive commercial software licences and finding an appropriate site for the lab were just some of the difficulties that the team faced. Fortunately, however, when it comes to talent, Somaliland seems to have it in bucketloads. 100 people with IT or management degrees applied to work at the lab – there's clearly no shortage of talent in Somaliland and we're hopeful that RLabs will be able to open up and develop some of the entrpreneurial spirit there.

http://indigotrust.wordpress.com

Sawir Gacmeedka Maanta iyo Farshaxanis tahay MAAX ARTS


Yuusuf Cabdi Gaboobe oo soo calyo- ceshadey dacaayado gaboobay oo barako beelay.

By: Hamud Duale

“Waaryaa Ina dan sheegow, shalay kii Xamar tegay, ka maanta tegay iyo ka tegi doona ee aad Boobe ku tilmaantay, sedexdaa midkee daran, eed daafacaysaa?”
 
Yuusuf Cabdi Gaboobe

Daacaayadaha rakhiiska ah haddii aad is-barbar dhigto laftoodu kala door roon oo mid waliba, waxay leedahay xilligeegda iyo waafigeeda. Haddii aad mid baali ah oo waqtigeedii dhacayba soo calyo-ceshato waa lagula yaabi, diirrimaadna ma yeelaynayso.  Bal kuwan u fiirso uu maanta soo calyo-ceshaday Wargeyska weyn ee HAATUF iyo Ina Gaboobe.

Sagaashanaadkii, xilligii Cabdiraxman Axmed Cali hoggaamiyaha ka ahaa Somaliland, dacaadyadaha rakhiiska ah, waxaa lagu soo koobay: “Waa laga danbeeyaa” iyo “Somali weyn buu doonayaa”.

Daacaayad darajo sare ah, waayo xilligaa meel mar ayay ahayd. Ilaa ay hooyo Somaliland ahi ka jawaabtey oo tidhi: “Maxaa ka danbeeya, dee hadhkiisa oo keliya ayaa ka danbeeya e’ ”.

Xilligii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal-na  dacaayadaha rakhiiska waxaa lagu soo koobay in M/weynaha  iyo  wixii la shaqeeyaaba ay doonayaan darajo sare oo han-weyniyi ku jirto.  Waxaa la odhan jirey wuxuu doonayaa in uu noqdo M/weynaha Somali-weyn oo dhan. Iyada oo aan wax daliil ah iyo dillo midna loo hayn. Taana wadkaan cidna deyneynba oo ka ajiibey, oo waa tii  mawd ka adeegey.

Dawladdii Riyaalana iyo xisbiyadii qaranka ee xilligaa jiray, dacaayadaha rakhiiska ah waxaa ka mid ahaa Riyaale wuu hagranayaa dalkan in la ictiraafo. Bahalku daaqada ayuu iska saran yahay, wax soo dhufta ayuun buu u  baahan yahay.

Taana waxaa bi’iyay kuwii sidaa ku doodi jiray markii xilkii loo dhiibay, Riyaalana cod lagu diray ee bahalkii la lahaa daaqadduu saaraan yahay, shaan-shaan ka dhacay, shalanboodna lala tagey, ee la yidhi shib dheh shar iyo khayr.

Labada dacaadyadood ee hore waxay muujinayaan in qofka reer waqooyiga ah ee xuduudda ka gudbaa xilliyadaa, qaali ka ahaa koonfurta, Somalilandna ka ahaa denbiile xadhig maleegaaya. Ta sedexaad waxay ku soo ururtay in maanta arrintu tahay biyo yaa shuban oo taladii noqotay hebel safiir buu doonaya, xiitaa wasiir buu doonayaa lama laha. Waa daacaayad gabawdey oo Ina Gaboobe soo calyo-ceshanayo.

Waxaa taa daliil u ah maqaalkii, isaga oo aan mudnayn, lagu daabacay bogga hore ee wargeyska Haatuf ee nuxurkiisu ahaa in Boobe uu doonayo safiir oo ay M/weynaha Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibada ay aqoon dheeraad ah isku leeyihiin.

Taxanaha waxba kama odhan, kumuu faaloon, mana faaqidin, Boobe iyo damacyadiisa ayuu mala-awaalayaa, waayo wax daliil ah muu sheegin, marka laga reebo ila-wareedyo dalqada wax ka arka oo M/weynha Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibebada ka ag dhaw oo aanu magacaabin. Wuxuu illoobay in dunidu maanta isku wada dalooshan tahay oo cidna marti looga ahayn warka.

Waa dacaayad rakhiis oo muddoo dheer la soo adeegsanayey oo Barako beeshay. Waa baali. Markaa wargeyska  maanta adeegsanaysaa eyni u kordhay mooyee aqli uma siyaadin.  Waxaan leeyahay dacaayadaa rakhiiska ah, aniga oo cuskanayaa murti sannadeedkii, iyo hadalladii dhaxal-galka ahaa ee ka soo maaxday masgaxda baaluqday ee Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, M/weynaha JSL : “uf , uf, uf , cankag, cankag iyo cankaga,  weedhadu waa  cuuc iyo caac”.

Anigu Taxanaha Cabdiraxman Yusuf Ducaale ee uu ka diday Wargeyska Haatuf, warbaahinta kalana ku indho kuulato,  balaayo kuma arag, kamana filayo

Ilaa hadda, Faa’iidooyinka taxanaha Boobe waxaa ka mid ah, beelaha qaarkood ayaa ka raystay  warbaahinta  qaarkood oo si toos ah u maagi jiray, aflagaaddeyn jiray, gaar ahaan beesha M/weynuhu ka soo jeedo iyo wasiirradeeda.  Warbaahintii aflagaaddooyinkaa ku qadhaaban jirtay, war-beeleedyada daajin jirtay, alleyleh Boobe wuu ka ciideeyey oo dib looguma arag baalasha wargesyada.

Waxaan hadalkii ku soo gunaanadayaa waaryaa inna dantii sheeg, dadku maahaa kii shalay waxkastood duddubisaan, duuduub ku liqi jiray, doorkan waxay hubsanayaan, dirxi in uu ku hoos jiro dacayadaha rakhiiska ah een looba awr deyin iyo ila-wareeyada  aan sal, raad iyo magactoona lahayn, ee lagu andacoodo iyagaan ka soo xigtay.

Sir culus, qarsoodi iyo war-daddabo sanduuq dunidu way ka gudubtay. Waxaan dillo iyo daliil loo hayn waqti laguma daayaco. Warku waa  Daahir yaa shamis, waana elektiroonik.

Waryaa ina dan sheegow, dillaal iyo mallaalow, ma adigaa dib u celin kara dadkan soo  baraarugey, murti dhaadhiyada, qallimaanta fiiq-fiiqan.

Cabdillaahi Jawaan Gudoomiye Xigeenkii Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee ugu horeeyay oo ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo



Siyaasiga caanka ah ee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) oo ahaa guddoomiye xigeenka guddigii doorashada ee u horeeyay, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanada ee dalka ka dhacay.
           

Cabdillaahi-Jawaan oo isagoo jooga dalka Ingiriiska, u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay mudaraadadii ka dhacay Hargeysa ee keenay dhimashada iyo dhaawaca. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Muddooyinkan masraxyada siyaasada laguguma arag Cabdilaahi, waxaanad ku sugantahay dalkaas Ingiriisaka miyaad ka faaruqday masraxa siyaasada Somaliland?

Runtii siyaasada ninba nooc buu u yaqaanaa, dadkeenuna siyaasada qalad ayay ka fahansan yahiin, siyaasada macnaheedu waa talada umadda qofkuna inta uu noolyahay  ee uu miyir qabo kama baxo meel kasta aad kaga aadanaatide,waad ku jiraysaa, markaas kama aan baxin.

Dalku wakhigan doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ayuu ka soo baxay, rabshado iyo murano badan oo gobalada dalka inta badan wada saameeyayna waa ay ka dhaceen, sidaad u aragtaa adigu doorashadii siday u dhacday?

Anigu doorashu sida ay u dhacday qof ahaan waan dhaliilayay oo dhaliilo waa ay lahayd, duruufo badanina waa ay jireen oo guddoomiyaha gudiga doorashooyinku uu ka hadlay, anagu markaanu gudiga doorashada ahayn waxii shaqadayada ah marka sharcigeedu noo yimaado cidna kala maanan tashan jirin, xukuumadana waxaanu uga baahan jirnay dhaqaale qudha, wasiir baanan u ogalaan jirin inuu soo dhex galo madaxweyne ayaanan u oglaan jirin inuu soo dhex galo, mid waliba sida uu sharcigu yahay ayuun buu ku eekaa, xumaana may ahayne waxay ahayd sidaad xilkiina u gudataan anagana kaayaga noogu daaya, markaa runtii waxii dhaliila ah ee ay leedahay iyo waxii wanaagaba komishankii markaas jiray ayaa ku shaqo lahaa allena waa uu inagu guuleeyay oo saddex doorasho ayaanu qabanay.

Sidaad u aragtaa doorashadan u danbaysay dhimashada iyo dhaawac badan ee ay keentay maadama oo aad ahayd komishaneer wakhti dheer arimaha doorashada ee dalka ku dhax jiray?

Aad iyo aad ayaan ugu xumahay arintaasu inay dhacdo oo Somaliland sumcad xumaan ku keentay, marka hore waxaan leeyahay Alle dhammaanteen samir iyo iiimaan haynaga siiyo intii dhimatay inta dhaawacana hashaafiyo, waa wax ku yimi qadarka alle oo lama baajin karo, laakiin canaana lama waayo oo meesha ay wax ka dhacaan cida u ehel ah ayuunbaa lagu canaantaa.

Dadkeenu qalad ayay ka fahan san yahiin mudaharaadka waxa ay  sameeyaan wax la gubo iyo dhagax la tuuro iyo waxyaabo aan loo baahnayn, sida adduunka mudaharaadka loo sameeyaa waa inaad soo qorto waxaad doonayso  si nabad ahna aad u martaa wadooyinka ama xafiiska aad doonayso aad isku hortaagtaa, adiga oo aan wabxa tuur ruurin, laakiin markay taasi dhacday ciidankiina halay budh iyo ul isticlaami lahaayeen xabad  nool ayay isticmaaleen wax loo baahan yahayna may ahayne khasaaraha iyo dhimashada taas ayaa keentay, waxaan  anigu u arkaa aqoondaro ku timi dadka banaan baxaaya iyo booliskaba, xukuumada iyo ciddii dadka laysana waan ku dhaliilayaa, dadkana waxaan u soo jeedinayaa mudaharaadka ay dhigayaan inay ka dhigaan mid salmi ah.

Markaad arimaha kala gurayso adiga oo khibarada aad u leedahay maamulida doorashooyinka isticmaalaya, qaladaad caynkee ah ayaa doorashda ka dhacay aayad odhan kartaa?

Waxaan u arkaa inay ku dhex jirtay faro galin dhanka xukuumad ah, waxaad arkaysay wasiir goobaha doorashada dhex ordaayay, kaanbaynka marka lagu jiro waa loo ogal yahay mudadaas cida xisbiga taageersan inay dhex orado oo ay gobalada tagto, laakiin maalinta ay doorashadu dhacayso dhaq dhaqaaq waxa loo ogal yahay gudiga doorashda iyo cidii la shaqaynaysay,waxa intaas soo raaca wax yaabaha daruuriga ah, wax la arkaayay wasiiradii oo doorashda dhex socda taasina waa waxa dhibaatada keenay, waxa la arkayay meel dhibaato ka dhacday oo la leeyahay madaxweyne hebal ayaa tahay ama wasiir hebal looma baahnayn inay tagaan, waxay ahayd inay komishanku tagaan  oo dadka qanciyo meeshii ay wax ka jiraana uu arko, qalad haduu arkana  uu talaabo ka qaado taas ayaa loo baahnaa, markaas doorkaas ayaa meesha ka maqnaa.

Waxa haatan soo baxay sadex  xisbi qaran oo  middi uu  inagu cusub yahay, waxaana jirta xifiltan haatan ka dhex oogan labada xisbi mucaarad halkii ay ku jehaysan lahaayeen dheeli tirka xukuumadda, sideed u aragtaa xisbiyada soo baxay iyo gaar ahaan arintaas?

Runtii labada xisbi wax xifiltan ah kama dhaxeeyaan ee labada guddoomiye ayaa xooga xurguf ah ay ka dhaxaysay markaan arinka mucaaradka ku horeeyo, waatii hore lay waydiiyay markii ay UCID isku qabteen ee lay doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aan anigu idhi waxaan door biday inay iyagu heshiiyaan ama ay maxkamad ku kala baxaane ee anigu dhex gali maayo, imikana waxaan qabaa haddii ay xurgufi jirto waa mid ku eeg labada gudoomiye ee kama dhaxayso labada xisbi.

Labada gudoomiyana waxaan leeyahay xilka aad umada u haysaan ka dhex saara waxii idinka idiin gaar ah, oo raaca shuruucda xisbiyadiina u dajisan iyo xeerarka dalka is haysa-shadiinu umaday dhib u keenaysaaye. Labadooduba arimhaas haka tanaasuleen is weerarna looma baahana, mucaarad iyo muxaafidba waxa laysku dhaliili karaa umada shaqadii loo qabanaayay ee cid muxaafka ah ay ka gaabisay, wax ka reeban laakiin cay iyo canbaarayn sharciya marnaba dhaqanka siyaasadu ma ogala, waxaanan ku talinayaa inay isaga yimaadaan ama ay ka gaabsadaan waxii dadka u tusaaya inay madaxa iskula jiraan, xisbiyo mucaarada oo nadiifana ay noqdaan oo saxa qaladaadka xukuumada oo umaduna ay hadhaw kalsooni ay ku siin karto  inay hogaaminta dalka qaban karaan, waxaana lagu qiimaynayaa siday noqdaan taasna inay wadadeeda maraan ayaan u soo jeedinayaa.

Sidee aad u aragtaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wakhtigan xukunka hayay  in lagu qiimayn karo hoggaankiisa?

Intuu madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka hayay waan ka maqnaa, qaylo badanina waa ay jirtaa, wax badan oo la qabtayna waa ay jiraan, dadkeenuna waxay dhaqan u leeyahiin wax kastaaba ha yimaadeene inaynu eedaynta aad u badino, wax walbana loo sibir saaro hoggaanka markaas jira.

Anigu wax aan ku dhaliilay xukuumada waa ay jirtaa oo waa siyaasada dibada, sida safaaradaha  oo kale,  baasaboorka Somaliland meel walba waa uu ka socon jiray markii hore, imika meelahii uu ka socon jiray oo dhan waa uu ka soo oodmay, waxaynu go?aansanay markii aynu Somaliya ka go?aynay ee aynu joognay Burco in Somaliland iyo Somaliya ay labadoodu wada hadlaan,  laakiin shirarka caalamiga ah ee loo qabanaayo Somaliya in aynaan dhex galin oo aynaan ku milmin, qodabkaasna xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo waa ay ka talaabsatay guurtidiibaa sharciyaysay oo qarankii oo dhan ayaa isku raacay, aniga oo shaqsi ahn ma odhan karo hala joojiyo, laakiin waxaan u arkaa wadadii aynu goosanay hore ee danta Somaliland ku jirtay in ay dhibaato u keenayso, xukuumadan Somaliya joogtaa dhawaan waata lagaga cabanaayay baasaboorkii Koonfurta Sudaan ay dadkeenu ku joogeen, meel walba oo ay Somaliland dhaq dhaqaaq ku lahayd cagta ayay saareen, waxaanay ahayd nin haddaad wada hadlaysaan in aanu kula dagaalamin oo waxa kuu  socda ee kuu jira aanu burburin, haddii uu kalu dagaalmayna waa inaad jawaabteeda mid mudan siisaa, oo aad tidhaadaa waxaasu waa qalad ee iga daa.

Waxaan ogahay in markii imika labada wasiir ee arimah dibadu ay halkan Ingiriiska joogeen ay  meel wada joogeen, xukuumadda inay marti u wada ahaayeen, in la qaban qaabinayay shirka bisha shanaad la qabnaayo waxii ka soo baxi lahaa, marka dadka la?la hadlaayana waxa la odhanayaa waxba kama jirin iyo ma ogalin sidaas.

Mawqifka meesha yaala waa in la fahansan yahay waxa laga wada hadlaayo, waanu wada hadlaynaa waa uu sii soconayaa, maxaa sii soconaaya, lixdankii inagaa midnimada doonay oo gaynay imikana inagaa kala soo noqonay  dadka iyo hoggaanku waa inay wada socdaan, waxa laga wada hadlayaana waa inay cad yahiin, laba dal baynu nahay oo Burco waxaynu ku gaynay in laga wada hadlo sidii laysku aqoonsan lahaa iyo waxii inaga dhaxeeyay sidii loo kala guran lahaa  iyo sidii is kaashi loo yeelan lahaa, maantana iyana waa ay ina sheeganayaan  adna naga tag iyo muran ayaad la soo taagan tahay, hadana waxa lagu leeyahay  meel wanaagsan ayay arintu maryasaa, markaas anigu waxaan leeyahay ma cada arintaasu, waxa laga wada hadlayaa waa inay noqdaan ma midnimadaynu  ku noqonaa mise waynu kala baxnaa oo waynu is aqoonsanaa, waxaan leeyahay wax huursan oo da?dan arinkeedu ma cada umadan fikradeeda ma waafaqsana?

La soco waraysigan qaybtiisa 2aad

U.S. Recognition of Government of Somalia for First Time in 20 Years

Posted by  on Friday, January 18th 2013 

For over two decades, Somalis have been known as stateless. They have been associated with piracy, terrorism, and continued lack of law and order. Yesterday, the U.S. government formally recognized the Government of Somalia for the first time in 20 years. To me, this recognition brings back the dignity of a people who have endured so much. As a Somali-Kenyan, this recognition is meaningful to me. In the Horn of Africa, we are all Somalis regardless of our citizenship.

Over the years, my greatest areas of concern in Somalia have been increasing access to basic services and economic opportunities for the most vulnerable, and strengthening Somali women’s contributions to politics and leadership. With a recognized Somali Government, I believe these hopes will become realities in the near future.

At USAID, our work spearheads the long-term development the country needs, and we will work in close partnership with the Somali Government to achieve this. Somalia will benefit from USAID’s support, capacity building and expertise as a respected development agency. I hope that by taking USAID’s lead, other governments and financial institutions will also be more likely to directly partner with the Somali Government.

A Somali woman who has gained economic opportunities as a result of USAID's Transition Initiatives for Stabilization program, which brings communities and local governments together to realize immediate benefits of peace. Photo credit: USAID
The Somali people are hardworking, innovative and very hospitable. They have already started rebuilding the country and diaspora members are returning. Somalia is a beautiful country with the most serene white beaches boasting the longest coastline on the Indian Ocean at more than 3600 km. It has a rich history and diverse groups of people; it is rich in livestock, agriculture, minerals and marine resources. Once you visit, you are hooked for life! I look forward to seeing how development in Somalia will enrich life even more for the Somali people.

Visit our website to learn more about USAID’s work in Somalia.

Nasri Hussein is a Program Management Specialist for USAID/East Africa’s Transition Initiatives for Stabilization

UNHCR Says over 1 Mln Somali Refugees in Horn of Africa

2013-01-20
There are 1.1 million Somali refugees in the Horn of Africa region as of Dec. 31, 2012, a UN refugee agency said on Saturday.

The UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) said Somali refugees in the Horn of Africa region included 532,660 in Kenya, 219,057 in Yemen, 214,167 in Ethiopia, and 29,603 in Uganda among other countries, the UNHCR said in its latest Somalia Factsheet released in Nairobi on Saturday.

The agency said a total of 23,086 Somalis or 21 percent of total migrants who arrived in Yemen in 2012 were Somali, a significant 15 percent decrease in migration from the previous year.

According to UNHCR, there were 107,698 individuals registered in Kakuma refugee camp as at the end of December 2012, representing a 4 percent increase in population from the previous month.

A local newspaper report attributed the increase in population to the registration of 3,000 refugee arrivals to the camp from Sudan in November and December of 2012.

"The refugees cited growing insecurity in Sudan as well as interest in educational opportunities in the camp as the reason behind their migration," UNHCR said in the latest report.

The Kenyan government in mid December of 2012 stopped registration of refugees and asylum seekers mainly from Somalia in urban areas with immediate effect due to insecurity incidents across the country.

Acting Commissioner for Refugee Affairs Badu Saro Katelo also ordered officials to close down all registration centers in the urban areas, saying such exercise will be undertaken at the refugee camps in northern Kenya.

Katelo said all asylum seekers/refugees will be registered and hosted at the refugee camps. They are ordered to report to Dadaab refugee camps in northeast Kenya while asylum seekers from other countries should report to Kakuma refugee camp in northwest Kenya.

The east African nation is also hosting nearly half a million refugees from Somalia and has delayed their repatriation until the security situation in the country improves further.

According to UNHCR, the Somali community now comprises 46.5 percent of the Kakuma camp population in northwest Kenya. South Sudanese comprise 31.8 percent of the total camp population.

The UN refugee agency said the current total population has surpassed the camp's original capacity of 100,000 and there are on- going talks between UNHCR and the government to establish a second camp near the original camp.

The UNHCR said due to the increased generalized insecurity towards members of the Somali community in Kenya, there are reports of the return of Somali refugees and migrants living in Kenya to Somalia.
"Most of the returns are of urban refugees who can afford to return by air as many of the roads are still unsafe for travel in Somalia," the refugee agency said.

Given the rising insecurity for urban and other refugees in Kenya, there has been increased repatriation of refugees to Mogadishu,. Flights between Nairobi and Mogadishu were and continue to be fully booked since December.

"Refugees are seeking and getting travel documents from the Somali Embassy in Kenya; however there has not been any effective monitoring of the returns and the scale of return is still unknown, " it said.
Returnees interviewed by International Organization for Migration (IOM) cited the growing insecurity in Kenya as a reason for return.

According to UNHCR, the population of Dadaab refugee camp as of Dec. 31, 2012 was 449,815, a 4 percent decrease in population compared to the previous month when the population was 468,770.

"The difference in numbers of refugees who have left is quite significant at close to 18,955 refugees," the UN refugee agency said.