MUSUQMASUQA AY MUWAADINIINTA SOMALILAND KALA
KULMAAN ADEEGYADA AY BIXISO WAAXDA SOCDAALKA SOMALILAND
CILAD AY SHEEGEEN IN AY KU TIMID QALABKII CUSBAA EE LAGU
SAMAYNAYAY BAASAABOORKA CUSUB SOMALILAND E-PASSPORT
Qalinkii Suleiman Ismail Bolaleh
Sida
uu ii xaqiijiyay Madaxa IT-ga Waaxda Socdaalka Somaliland Seddex Xidigle Mr.
Kimiko "Waxa maanta (shalay) ciladi gashay mashiinkii macluumaadka
galinayay jaldiga Baasaaboorka cusub ee E-Passport, sidaasi darteed inkasta oo
aan kula balamay maanta in aad qaadato Baasaaboorkiigaa cusbaa hadana
dhibaatadaasi ayaa dhacday waana nasiibkaa" ayuu igu yidhi Seddex Xidigle
Kimiko. Waxan su'aalay cilada xiliga la saarayo waxanu madaxa IT-ga Waaxda Socdaalku
iigu jawaabay in gacanta lagu hayo balse aanu garan karin xiliga ay qaadan
doonto.
Dhawrkii
maalmood ee ugu dambeeyay oo aan ku noqnoqonayay xarunta Waaxda Socdaalka
Somaliland, waxa kale oo aan indhahayga ku arkayay ceebo badan oo ku lamaan
adeega ay muwaadiniintu u doontaan Waaxda Socdaalka Somaliland.
Dadkan
Baasaabooka Cusub ee Somaliland E-Passport u doonta Xafiiska Waaxda Socdalka
Somaliland ayaa u badan qaar qaba xanuuno adadag oo dalka gudihiisa lagu
dabiibi kari waayay iyo xubnaha qoyasaskooda ee sii kaxaynaya, kuwaasi oo 99% u
safraya dalka Itoobiya gaar ahaan caasimadiisa Adis Abbaba.
Nasiibdarada
aan ku arkay Waaxda Socdaalka ayaa ah in dadkaasi lagu kala fadilo wajigarasho,
iyo qaraabo kiil. Dadka qaar qadar miridho ah oo aan saacad gaarin ayay ku
qaadataa in ay helaan Baasaaboorka cusub ee Somaliland E-Passport, halka
qaarkoodana 2 maalin oo kali ah ayay ku qaadataan, tusaale sida 2 muwaadin oo
aanu shalay codsiyadayada baasaaboorka cusub wada xaraynay ayaa si ay u qaataan
isla shalayba waxay ii sheegeen in ay u soo kaxaysteen gabadh ka mid ah
shaqaalaha Madaxtooyada oo aanan jeclayn in aan magaceeda halkan ka xuso balse
maxkamad horteed aan ka cadayn doono, waxana u suurto gashay in isla markiiba
iyaga la siiyo labadoodii baasaaboor.
Sida
qaalibka ah kuyuuga dadka bukaanka ah ee doonaya Baasaaboorka cusub ma galaan
dadka garanaya mid ka mid ah madaxda Waaxda Socdaalka Somaliland iyaga si toos
ah ayaa loo galiyaa gudaha loo sawiraa kadibna sida ugu dhaqsaha badan ayay u
qaataan baasaaboorka. Halka inta ugu badan Muwaadiniinta Somaliland ee adeega u
doonta Waaxda Socdaalka Somaliland ay ku qaadato ugu yaraan 7 maalmood in ay ka
helaan Baasaaboorka cusub ee Somaliland.
Dhinaca
kale waxa layaab igu noqday ciladaha ku yimid Mashiinkan cusub ee lagu sameeyo
Somaliland new E-Passport iyadoo dhawaan ay ahayd markii dalka la keenay
qalabka cusub ee Baasaaboorka cusub lagu sameeyo iyadoo uu xadhiga ka jaray
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo'.
Dadka
dhaliila xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa farta ku fiiqeen in dad gaar ah
lagu naasnuujiyay soo iibinta qalabka cusub ee Mashiinada iyo Qalabka lagu
samaynayo Baasaaboorka cusub ee Somaliland E-Passort, kuwaasi oo ay yiraahdeen
xataa shirkad ganacsi oo hore ma ay lahayn balse markii ay qandaraaskaasi
xukuumadu siiyay ayay samayteen shirkad cusub.
Inkasta
shaqsiyan aanan hubinin jiritaanka dhaliishaasi, balse ciladaha degdega u
fadhiisiyay Mashiinadii cusub ee malaayiinka dollar la soo siiyay ayaa daaha ka
faydaya in tayadoodu aad u liidatay markeedii horeba.
Dadwaynaha
Somaliland ee Waaxda Socdaalka Somaliland u soo doonta Baasaabooradan Cusub
ayaa lagu qiyaasaa in ay yihiin in ka yar 3% muwaadiniinta dalka, markaa
Mashiinada xumaaday iyagoo tiradaaasi yar ee baasaaboorada ah lagu sameeyay
waxa taasi daliil u tahay in aan cidi ka hubinin soo iibintii iyo keenistii
dalka qalabka E-Passports-ka lagu sameeyo.
Anigu
waxa igaga baxday Lacag adag oo gaaraysa $200 in aan samaysto new Somaliland
E-Passort, inkastoo aan hore u haystay Baasaaboor Soomaali aan ka soo qaatay
dhawr sano ka hor Garoowe oo ay igaga baxday $100. Damiirkayga ayaa igu khasbay
in aan xogtan la wadaago shacabka iyo masuuliyiinta Qaranka Somaliland, xataa
haddii ay madaxda Socdaalka Somaliland cadho ka kaci doonta qoraalkaygan iigu
diidaan Baasaaboorka aan xaqa dastuuriga ah u leeyahay ama dib u dhac intaa
hadda ka badan igu sameeyaan.
Ciil
maan qabeen haddii ay saraakiisha iyo hawlwadeenada Waaxda Socdaalka Somaliland
ay u wada jajaban yihiin haweenka, balse taasi bedelkeeda maalmo yar oo kooban
ayaan ku ogaaday cida hawl si fudud uga dhamayn karta xafiiskaasi in ay yihiin
haweenka da'da yar ee marka ay xafiiskaasi tagayaan aad isku sii qurxiya siina
gashada labisyo qurxoon. Bal ogow waalidka hooyooyinka iyo ayeeyoonka ah ee
xanuunsanaya oo ah kuwa ugu badan ee adeega xafiiska Socdaalka u soo doonta
iyaga indhaha Saraakiisha iyo Hawlwadeenada Waaxda Socdaalka Somaliland ma
arkaan sida ay ugu raxleeyaan kuwaa aan soo xusay uguma raxleeyaan balse hadalo
qalafsan ayay u gaystaan.
Haddii
aad tagto Xarunta Guud ee Waaxda Socdaalka Somaliland oo aad hawl kaaga xidhan
awgeed labo seddex maalmood aad ku noqnoqoto muwaadin adba waad ila arki
arimahan aan sheegay dhamaantood ama qaarkood haddii aan Qaadiru RAXMAANKU
quluubta wiilasheenaa inoo soo xoolo barkhadayn.
Saaka
ayay ahayd mar uu telefoonka igala soo hadlay nin suxufiya oo ay dugisga
Shaqaalaha Dawlada wada dhigtaan Sarkaalka IT-ga u qaabilsan Waaxda Socdaalka
Somaliland Mr. Kimiko shalay galinkii danbe u sheegay in aan saaka ahaan ku
kalaho xafiiska Socdaalka si aan u soo qaato Baasaaboorkii aan maalmahanba ka
sugayay waxanan abaaro 8:30 subaxnimo ugu tagay xarunta Waaxda Socdaalka
Somaliland markiiba waxan la kulmay wiilka dheemanta u ah dadka baasaaboorada
doonaya ee lagu magacaabo KIMIKO kaasi oo ii sheegay baasaabooradii xalay la
daabacay in ay la yaalaan Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland ina Cambaro si
uu u saxeexo.
Mudo
ku dhow 2 saacadood ayaan xafiiska uu fadhiyo aan dul taagnaa waxa xafiiska ku
wehelinayay Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska mudadaasi taliyaha Ina
Cambaro dadkii u galay isagoo dagaalansan ayuu dib u soo celinayay balse waxa
uu si fiican u qaabilay 2 hablood oo aanan jeclayn halkan in aan ku sheego
magacyadooda kuwaasi oo adeega ay u doonteen uu ahaa in ay helaan foormka
macluumaadka uu ku qoro ruuxa Baasaaboor cusub doonayaa maalinta koowaad ee uu
yimaado Xarunta Waaaxda Socdaalka Somaliland.
Qalinkii
Suleiman Ismail Bolaleh
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment