Search This Blog

Saturday, February 28, 2015


February 28, 2015 - Written by editor


Hargeysa (BGM) Culimada Diinta ee Somaliland, Xukuumadda iyo Dhakhaatiirta ayaa si isku mid ah bulshada ugu sawiray dhibaatada Caafimaad, dhaqaale iyo axlaaqeed ee uu ku hayo Cunista Qaadku, waxayna ku taliyeen in meel looga soo wada jeedsado sidii ummada reer Somaliland uga waantoobi lahayd isticmaalkiisa.


Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah hal-doorka culimada Somaliland iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada neerfaha ku dhaca ayaa khudbado ay ka jeediyeen Munaasibad habeen hore lagu daah-furay urur ka shaqeyn doono la dagaalanka Mukhaadaraadka, ayaa iftiimiyey dhibaatada Qaadka, halka Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland-na uu sanadkii hore sheegay in cunista Qaadku tahay Xaaraan marka la eego sharciga iyo danaha bulshooyinka caalamka.



Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo halkaasi ka jeediyay Muxaadaro dheer oo ku taxaluqda dhibaatada uu Qaadku ku hayo bulshada, ayaa xusay in waxyaabaha layaabka leh ee ay ka mid tahay in maalin walba dhaqaale gaadhaya 700.000 doollar lagu cuno qaad isla-markaana loo diro dalka Itoobiya, taasi oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in sanadkii Qaad lagu cuno adduun dhan $ 252 Milyan oo dollar.
Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan isku dayey inaan ogaado lacagta maalintii inagaga baxda Qaadka, waxayna maalintii ku dhawaatey ilaa $ 700.000 dollar, sanakiina waa $ 252 Milyan oo dollar, haddii meel kale loola baydho waa lacag samayn karta waddo 1400KM ah”
Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo Muxaadaradiisu dheerayd ayaa ku taliyey in shacabku ka waantoobo cunista Qaadka.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo isaguna halkaasi ku faahfaahiyey dhibaatada uu Qaadku u leeyahay caafimaadka ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka uu dadka u keenay ay ka mid tahay xannuunada dhanka Dhimirka.
Dr. Gaboose waxa kale oo uu wax ka taataabtey dhibaatada uu Qaadku u geysto jidh dadka cuna, gaar ahaan afka iyo ilaha, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in bulshada Somaliland fahamto dhibkiisa isla-markaana ka fogaato “Qofka Qaadka cuna ee uu maalin walba kordhinayey garaaca wadnihiisa, aakhirka wuxuu yeeshaa Wadne Xanuun. Xididdada ayaa xumaanaya, dhiigga ayaa Xinjaro ku samaysmayaan oo xidhmaya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaadku wuxuu door weyn ku leeyahay xanuunka Faaligga ee dadkeenna aad iyo aadka ugu soo badanaya”
Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isagu hore meel adag iska taagay qadiyadda cunista qaadka lagaga wacyi-galinayo bulshada, waxaanu kulan ay wasaaradda shaqadu soo qaban-qaabisay ka sheegay in cunista Qaadku tahay Xaaraan, loona baahan yahay in dadku ka fogaadaan “Balwadda ina ragaadisay ee QAADKA la yidhaahdo xaqiiqadu siday tahay iyo sharciyanba waa Xaaraan oo toban jeer bay Xaaraan tahay, isaga iyo lacagta ka soo baxdaaba waa xaaraan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Culimada Islaamku shirkii ugu dambeeyay ee ay ku qabteen Magaalada Madiina 1402-dii (Taariikhda Hijriga) oo ah ilaa 31 sano ka hor, waxay culimadu wakhtigaa ku dhameeyeen (Isku Raaceen) in QAADKU xaaraan yahay, oo aan loo baahnayn in dadka lagu dhex faadhiyo”
Wasiirku wuxuu sheegay “Go’aamadii shirkaa ka soo baxay waxa ka mid ahaa in dadka Qaadka cuna la xidho, taasina waata keentay in Sucuudigu qofka Qaadka iibiya iyo ka cunaya uu qaarkood dil ku xukumo…”ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

No comments: