Hargeysa (CYN) Lixdamaadkii ayaa idaacadda Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed laga qaadi jiray heestaasi, markii Soomaali-weyn loo jibaysnaa. Dhowaan markii ergooyin ka kala socda Xukuumaddaha Soomaaliya iyo Somaliland ay ku kulmeen shir ay ku wadahadlayeen oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa arrimo xiisa lihi ka dhaceen oo i xasuusisay heesta kor ku xusan oo Reer Djibouti aanay jeclayn hore iyo gadaaltoona.
Shirka waxa ka qaybgallay Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud. Ergay ka mid ah qoladii reer Soomaaliya, ayaa isaga oo ka dayrinaya
gooni-isu-taagga Soomaaliland yidhi; "Ma oggolin kala go’a, waxa qalad
ahayd in la oggolaado inay Djibouti go’do.” Qoladii Reer Djibouti waa baa u
beryey. Tolow qolada Kenya iyo Itoobiya ma ogyihiin in sheekadii Soomaali-weyn
inaanay Shabaabka keli ku ahayn ee qolada Damu-jadiid ay la qabaan.
Waxa kale oo dhacday in qolada ergada reer Soomaaliya
laga reebay qoladii Daarood, si ay u dhacdayba, deeto ay ku baaneen markii ay
la hadlayeen Reer Somaliland, ‘Waxaynu isku nahay Irir ee dalka ha kala
go’ynina ee aan is-garabsanee nagu soo biira oo Dawladda nala yeesha.’
Waxay moodayeen in ergada ay la hadlayaan ay wada Isaaq
iyo Gadabuursi tahay, may filayn in laba Dhulwarsan ihi ay ku jiraan (Baashe
Maxamed Farax iyo Siciid Jamac Cali) oo ah labada Guddoomiye-ku-xigeen ee
labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, war la’aan ayaa Wadaadada hoday.
Waxa la sheegay in waaggii Dawladdii Siyaad Barre ka
Madaxda ahaa uu soo booqday Muqdisho wefdi Reer Djibouti ah oo uu hoggaaminyey
Xasan Guuleed. Markii la sheekaysanayey ayaa Siyaad Barre Xasan Guuleed ku
yidhi; ‘Iska illaali kuwa Isaaqa ah.’
Waftiga Reer Djibouti waxa ku jiray Wasiir Jibriil
Abokor, Xasan ayaa markaas yidhi; ‘Wasiirkan wafdigayga ka mid ah ayaaba
reerkaas ah.’ Af kala qaad ayey noqotay, maanta tii oo kale ayaa dhacday. Waar
qoladan Reer Djibouti ee Canfar, Carab iyo Qowmiyado kale iyo beelaha kala
duwan ee Soomaaliyeed ka kooban ee haddana nabadda ku wada nool, maxaa yaab ka
haysta qolooyinkan reer Soomaaliya ee kadeedan.
Sannadka cusub ee maanta bilawday ayaa loo ballansan
yahay in wada hadalkii dib-u-furmo, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay,
heestii Marxuun Maxamed Suleeebaan Tubeeec ayaynu ku soo dhoweynayanaa sannadka
cusub.
Heestaasi waxay soo baxday bishii Jan.1964, muddo hadda
laga joogo 51 sanno. Sannadkaas loo heesay waxa dhacay dagaal dhexmaray Dalka
Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.Meelaha xuduudaha, sida Togwajaale,
Dabagorayaale. Ina guuxaa, Feerfeer iyo Doolo ayaa dagaallo ka dhaceen.
Dagaalkaas waxa Togwajaale ku dhintay Askari Xalane la odhan jiray, kaas oo
loogu magac-daray xerada weyn ee dhowaan Shabaabku weerareen ee ah Xarunta
Ciidammada Amisom ee dalalka Afrika iyo xaafado badan oo magaalooyinka Soomaaliya
ka mid ah.
Waxa isla waqtigaa dagaalku dhacay socotay doorashadii
Baarlamaanka ee u horaysay ee labada dal ee midoobay (Somaliland iyo Somalia)
ka wada dhacda. Waxaan ka mid ahaa shaqaalihii goobaha doorashada. Waxa aan ka
hawlgalay meel cidlo ah oo geed hoostii ah oo teendho laga dhisay, waxaannu
ahayn saddex arday iyo macallinkayagii oo la odhan jiray CABDULLAAHI CALI AXMED
oo ahaa Reer Sheekh, dhawr askari iyo raadiyihii Booliska. Meeshu waxay ahayd
laasas xooluhu ka cabaan oo la yidhaahdo XADHAN.
Dadka la rabay inay codeeyaan duniba wax kalama socon
annaga qudhayadu wax kama garanayn siyaasadda iyo hawlaheeda. Dhibaatadu ilaa
maanta jirtaa waa aqoon la’aanta dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ha joogee.
Waxa la soo bawsaday oo aanay garanayn, xitaa kuwa wataa ayaa shanta loo
geliyey.
Nasiib-wanaag, si nabadgelyo ah ayey noogu dhamaatay oo
aan Ceerigaabo ugu soo noqonay. Ilaa maanta sidii ayaa loo wadaa oo weli lagama
fekerin sidee wax loogu kordhiyaa ama loo beddelaa hawshan geedka hoostiisa iyo
dadka tabaalaysan ee waxba ka warhayn waxa la kala macaashayo mararka
qaarkoodna la isku dilayo.
Haddaba, sidee baa habkan wax looga beddela lagama wada
hadlo ee waa la isku maagaa haddii la soo qaado. Runta marka la sheego
magaalooyinka waaweyn ayuunbaa codayni ka dhacdaa, inta kale sanaadiiqda ayaa
la soo buuxsadaa, sidaa darteed miyaan marna laga fekerin in bal lagu koobo
diiwangelinta iyo codaynta magaalo madaxyada degmooyinka keliya ee Saldhigga
Booliska iyo dugsiyada iyo maxkamadaha leh.1964 waxa Wasiirka koowaad ka ahaa
Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Marxuun Cabdirashiid Cali Sharmaake, ninka maanta
Soomaaliya ka ah Wasiirka koowaad ee Cumar Cabdirashiid Aabbihii
Qoladan Reer Soomaaliya waxay keeneen sheekadii reer
Maraykan ee Bush 1, iyo Bush 2, Sharmaake 1,Sharmaake 2 iyo Caydiid 1, Caydiid
2 Shariif Sakiin 1 iyo Shariif Sakiin 2 laga barayba laga badi goorma ayey
Soomaalilaandna ka bilaabmi doontaa sheekadani.
Doorashadaas waxa ku guulaystay SYL oo tuulooyinkii
sanaadiiqdu dhirta hoosteeda tiilay soo buuxsatay. Magaalooyinka waaweyn waxa
ku guulaysatay xisbiyadii mucaaradka ahaa sida SNC iyo SDU. Gaar ahaan SNC oo
ahaa xisbi uu sameeyey Marxuun Cigaal oo Waqooyi iyo Koonfur isugu jiray.
Marxuun Cigaal 1962 ayuu iskaga tegay Xukuumaddii Cabdirashiid,
deeto waxa uu tegay dalka Ghana ee Galbeedka Afrika ku yaal oo uu madax ka ahaa
Halyeeygii, Qoraagii, Halgamaagii dadka madaw Kuwame Nkruma oo ay saaxiib
ahaayeen.
Nkruma lacag lagu sheego mar laba milyan marna saddex
marna milyan iyo badh oo doolar buu soo siiyey Marxuun Cigaal, lacagtii waxa uu
ku dhisay xisbigaas oo uu u bixiyey Somali National Congress. Sida madaxda
qaarkood bankiyada dibadda kuma shuban guryana uma iibin reerkiisa, sidii uu
lacagtii Aabbihii ina Xaadhxaadhato iyo guryahiisii uu Xisbigii SNL u geliyey
ayuu lacagtanna u geliyey siyaasadda.
Wasiir uu Cigaal jeclaa oo uu dhawr jeer xil weyn u
dhiibay dhinacan Somaliland ayuu ku arkay isaga oo wax qaadqaadaya, dabadeeto
uu ku yidhl "Adeer, siyaasadda lacag lagama tabcado ee waa la geliyaa,
xilkii waa kaa qaaday ee mashruuc lacageed soo samayso aan wax kaala qabtee
adiga oo siyaasadda dibadda ka jooga.”
Waxa iyana waxyaalihii sannadkan galbaday agteena ka
dhacay ka mid ahaa doorasho ka dhacday waddan Carab ah oo Afrika Waqooyigeeda
ku yaalla. Waddanka Carbeed ee Tuunis ayaa doorasho Madaxweyne uga dhacday si
nabadgelyo ah oo xor ah dhowaan.
Waxa ku guulaystay doorashadii nin dawladihii kala
dambeeyey ee waddankaasi yeeshay ee kala ahaa 1- dawladii uu madaxweynaha ka
ahaa Xabiib Burqiiba (1957-1987) 2- iyo dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Ben
Cali (1987-2011) ee dalkaas labadaba wasiir ka noqday oo da’diisu tahay 90
sanno.
Ku-quuso qudhaanjo dhalintii loo soo dhigayay,
Ruug-cadaagii soo rogaal celi. Dadyewga Afrika iyo Asiya way xurmeeyaan da’da
oo xigmad ayey u yaqaanan. Qolada Khawaajiyaashu si kale ayey u arkaan bal
sheekadan Marxuun Cigaal eeg. Marxuun Cigaal ayaa isaga oo ah Madaxweynaha
Somaliland booqday Dalka Maraykanka sannadkii 1999 bishii October isaga oo ay
dalkaasi ugu dambaysay sannadkii 1969 bishii October, markaas oo uu ahaa
Wasiirka koowaad ee dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Markii uu soo laabtay ayuu Golaha Wasiirada ka warramay
socdaalkiisii waxa uu yidhi waxaan Mareykan ka raadiyey nin madax ahaa oo aan
isniqiinay. Markaan telefoon kula hadlay ee aan is-waraysanay ayuu igu yidhi;
"Waar Cigaal anigu waxaan ku jiraa guri lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee
yaa adiga da’dan Madaxweynaha kaa dhigtay.”Si weyn ayaa loogu qoslay
arrintaasi.
Marxuunku waxa uu caan ku ahaa kaftanka weliba isaga ayaa
is xanaakadayn jiray iyo weliba beesha reer Saaxil. Maalin isaga oo khayriyada
ka hadlaya ayaa waxa meeshii uu taagnaa u soo baxay daayeer, deeto askartii iyo
hawlwadeenadii ayaa ku yaacay daayeerkii. Marxuun Cigaal ayaa dhawaaqay
makarafoonkii oo furan, "Waar daayaa ninku waa igaranayaaye,” dadkii
dhegaysanayey ayaa wada qoslay. Dadka kudhacaas lehi waa dadka isku kalsoon ee
dulqaadka leh kuwaas ayaa isku yidhaahda wixii lagu odhan lahaa.
Waddada Berber iyo Sheekh u dhexaysa intaan laamiga laga
dhigin, waxa baabuurtu mari jirtay meel buur ah oo la odhan jiray Gol-ceebeed.
Baabuurta waqtigaas la haystay oo ahayd mid liidata, ayaa wax dhici jirtay inay
dib uga soo cararto buurtaas oo ka bixiweydo jiifta, qaar badan ayaa ka dhici
jiray. Kirishbooyga ayaa marka halkaasi la marayo kariirad la barbar carari
jiray oo u dhigi jiray marka uu hakado baabuurku.
Maanta waxa halkaa maraysa Somaliland oo ka baxaysa
Gol-ceebeed. Laba doorasho ayaa sugaya, waxa la sugayaa inay ka baxdo ama dib
uga cararto Gal-ceebeed. Mudda kordhintu waa kariiradda Dawladda waxa loogu
talagalay inta baabuurka la kicinayo inay sii hayso oo aanay dawladnimadu
dhicin, hawshaas oo Guurtida loo xilsaaray, hase yeeshee ma beddelayso
doorashada oo ah dalcad ka bixidda iyo gaadhitaanka berri amaan.
Waa ku-meel-gaadh inta la cilad saarayo baabuurka
doorashada. Dad ayaa u hadla sidii ay tahay hab barbar socda doorashada oo la
tartarsiinayo oo la kala dooranayo. Waa fadeexad haddii kal doorashadii
timaadaba muran ka dhaco.
Prof. Maxamed Siciid Gees.
No comments:
Post a Comment