Friday, December 12, 2014

DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND OO KU EEDEEYAY GUD. WAKIILADA SOMALILAND DAMBIYO KHIYAAMO QARAN AH IYO MIJO XAABINTA DIMUQURAADIYADA S/LAND



MAWDUUCA:   MILICSIGA WAAYAHA DUMUQURAADIYADA & XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND SANADAKA 2014

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee ay isku aragtida yihiinba waxanu la qaybsanaynaa dareenkayaga aanu xusayno Maalinta Xuquuqda Aadamaha Adduunka 10 Dec. 2014.

XUSKA XUQUUQDA AADAMIGA ADDUUNKA IYO DIINTA ISLAAMKA:

Maanta waxanu xusaynaa 28 qodob oo ka mid ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga adduunku (Universal Diclaration of Human Rights 'UDHR') kuwaasi oo aan ka hor imanayn Diinteena Islaamka. 2 Qodob ee kale waxay sheegayaan in qofku marka u doono uu diintiisa ka bixi karo marka uu doonana ku soo noqon karo iyo aadamigu marka ay gaadhaan da'da guurka (18 sano jir) way is guursan karaan iyadooaan loo eegin luqad, midab iyo diin, 2dan qodob waxa naga reebtay xuskooda diinteena Islaamka.

BEESHA CAALAMKU MAXAY KU QIIMAYSAY
XORIYADAHA IYO MADAXBANANIDA SAXAAFADA SOMALILAND:

Sanadkan 2014 ee sii dhamaanaya Jamhuuriyada Somaliland waxa ay wali ku sii naaloonaysaa in ay noqoto guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika dalka ugu wanaagsan helitaanka xoriyadaha rayidka, siyaasada warbaahinta iyo xaqa ra'yi dhiibashada sida ay ka marag fureen Warbiximaha Sanadlaha ah ee seddexdii sano ee ugu dabeeyay ay soo saartay Hay'ada Caalamiga ah ee Freedom House dhibcaha ay Somaliland ku hogaaminayso dalalka IGAD ayaa ah dhinaca xoriydaa madaxbanaanida oo Somaliland lagu qiimeeyay 4.5 dhibcood, xoriyada rayidka lagu qiimeeyay 5 dhibcood, xoriyada siyaasadana Somaliland lagu qiimeeyay 4 dhibcood, taasi waxay daboolka ka faydaysaa in Somaliland ugu horayso heerka ku dhaqanka xuquuqaha, xoriyaadka aasaasiga ah wadamada Mandaqada Bariga iyo Geeska Afrika.

Sidoo kale Xoriyada Madaxbanaanida Saxaafada Madaxabanaan ee Gaarka Loo leeyahay ayaa Somaliland 20 sanadood ee ugu dambeeyay ahayd dalka ugu fiican Geeska Afrika oo wadamada ku yaal aanay ka jirin saxaafad madaxbanaani tusaale Itoobiya, Sudan, Eritiria Djibouti.  Tan macnaheedu maaha in aanay Saxaafada Madaxabnaan ee Somaliland ku dhicin wax xadgudubyo ah, Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay diiwaangaliyeen sanadkan 2014, suxufiyiin xukuumadu xidhxidhay, qaar Maxkamadaha dalku ku xukumeen ciqaab ah xadhig iyo ganaac lacageed, sidoo kale sanadkan Maxkamadaha dalku waxay xayireen labo ka mid ah Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay oo kala ah Hubaal Media Network, iyo Haatuf Media Network, kadib markii xukuumadu ku eedaysay in ay ku xadgudbeen arimihii ka reebanaa saxaafada oo ay ka mid yihiin xogaaha la xidhiidha ciidanka iyo eedo kale oo ah faafin warar been abuur ah iyo sumcad dilid.

KHATARTA WARBAAHIN AAN SHURUUC IYO ANSHAX HAGA LAHAYN:

Iyadoo Warbaahinta Madaxabanaan ee dalku kaalin wax ku ool ah ka soo qaadatay dhismihii dalka iyo hirgalintii nidaamka dimuqraadiga ah hadana Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin lafdhabarka in Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland iyo tan xukuumadu labaduba in 23 sanadood ee ugu dambeeyay ay warbaahinta Somaliland ay ku shaqaynaysay nidaam bilaa sharci ah. Taasi oo sababtay in Saxaafada Dalka Somaliland noqoto mid aan lahayn birmagaydo oon aan ilaalin karin anshaxa saxaafada xorta ah iyo oo aan lahayn aqoontii lagama maarmaanka u ahayd saxaafad dal Dimuquraadi ahi leeyahay. 



Waxa kaloo ay sababtay in warbaahinta dalkeenu noqoto tan ugu liidata marka la barbardhigo saxaafada ka jirta adduunka, waxana si joogto ah warbaahinta dalku dhibaato, xadugubyo iyo meel ka dhacyo u gaystaan xoriyadaha aasaasiga ah iyo xuquuqdda bulsho iyo qofeed ee muwaadiniinta iyo hantidooda, sidoo kale waxa bushada werwer ka qabaan waxyeelada warbaahinta Telefishanada Gaarka ahi ku hayaan akhlaaqda iyo qiyamka toosan ee Islaamka.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan u aaminsan in hadaan sida ugu dhakhsaha badan Somaliland ugu samayn warbaahinta dalka Siyaasad Qaran iyo shuruucdii, anshaxii iyo xeer tilmaamayaashii lagama maarmaanka u ahayd in ay yeelato Saxaafad dal xor ah, taasi haddii la waayo waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland aad uga werwersan yihiin in Saxaafada maanta Somaliland ka jirtaa in ay mijo xaabin karto nidaamka dimuquraadidga ee curdinka ah iyo nabadgalyada, Sidoo kale waxyeelada ay warbaahinteenu ku hayso akhlaaqada Diinta iyo Dhaqanka Suuban mar hore ayay bilaabantay. Golaha Wakiilada Somaliland waa in uu sida ugu dhaqsaha badan u sameeyaa shuruucda iyo xeerarka ay yeelanayso saxaafad dal dimuquraadi ah ka shaqaysaa taasi oo suxufiga dalka ku hagta mihnada aasaasiga ah ee saxaafada isla markaasina bulshada ka ilaalisa tacadiyada saxaafada gaysato isla markaana ilaalisa xuquuqda saxaafada xorta ah ee dalkeena.

Caqabadaha Golaha Wakiilada Somaliland ku Hayo Geedi Socodka Dimuquraadiyada Somaliland iyo Dambiyo Culus oo uu ku Kacay Gud. Wakiilada Somaliland:

Sanadkan 2014 waxa uu markii ugu horaysay dibada u soo baxay falal maamul xumo, wax is dabomarin iyo musuq uu ku kacay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, falalkaasi oo ay ka dhalanayaan dambiyo khiyaamo qaran. Nasiibdaro halkii falalkaasi lagu xalin lahaa qaanuunka iyo shuruucda dalka Golaha Guurtida ayaa meel mariyay qaraar dambi ka dhawrsanaan siinaya  masuuliyiintii gaysatay falalka maamul xumada, wax is dabomarinta iyo musuq ah.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan in ay tahay Golaha Wakiilada Somaliland barta ay Dimuquraadiyada Somaliland ka dhutinayso ee had iyo goor sababaysay in  doorashooyinka Wakiiladu dib u dhacaan isla markaana muran joogto ah uu ka dhex qarxo hay'adaha dastuuriga dalka, tusaale Gud. Golaha Wakiilada Somaliland uu xidho dhawr shaadh oo dastuuri ah Mar waa Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Sharcidajinta isla markaana waa Gudoomiye mid ka mid ah xisbiyada siyaasada Somaliland, wuxuu laba xil oo is hubin lahaa ayuu hal ruux ku wada fadhiyaa, iyadoo ruuxaasina uu 10kii sanadood ee ugu dambeeyay uu hortaagnaa in Golaha Wakiilada aanu hor imanin xeernidaamiye ama xeer hoosaad awoodihiisaasi is khilaafaya lagu xalin karo.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaraaro uu ku xaliyay Golaha Guurtida Somaliland khilaafyo Golaha wakiilada ka dhex curtay oo salka ku haya Khiyaamooyinka Qaran ee uu ku kacay Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland in ay yihiin qaar dambi ka dhawrsanaan siinaysa masuuliyiinta ku kaca Khiyaamo Qaran oo ay ka mid tahay mijo xaabinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dalka is hortaagyo faro badan oo uu isku hortaagay in dalka Somaliland yeesho xeerarkii iyo shuruucdii kobcin lahayd dimuquraadiyada, kal qobqobnaanta awoodaha iyo xilalaka sarsare ee Qaranka oo ilaaliya xuquuqda aadamiga iyo xoriyaadka dastuuriga ah ee muwaadiniinta dalka. Qaraarada Guurtidu waxay mijo xaabiyeen isla xisaabtankii iyo ku dhaqanka shuruucdii dalka.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada rayidka ah ee Dimuquraadiyada Somaliland waxay si wadajir ah Xuska Munaasibada Maalinta Xuquuqda Aadamiga Adduunka awgeed ula socodsiinayaan  Gudoomiyaha Golaha  Wakiilada Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi 'Ciro' oo caadaystay falal dhabarjab ku noqday geedi socodka dimuquraadiyada dalka isla markaana uu isagu masuul ka yahay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiilada oo haatan mudo dhaaf ah 5 sanadood.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan beesha caalamka iyo daneeyayaasha dimuquraadiyada Somaliiland, Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha caalamiga ah la dagaalama musuqmaasuqa, maamul xumada iyo ku tagri falka masuuliyadaha qaran, in ay qaadaan talaabooyin ay dalka Somaliland kaga badbaadinayaan caqabadaha adadag ee golaha wakiilada Somaliland ku keenay habsami u socodkii dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

Saamaynta Xun ee Go'doominta Beesha Caalamku ku hayso Dalka Somaliland ay ku yeelatay in Shacbigu helaan Xuquuq iyo Xoriyadaha Aasaasiga ah:

Inkastoo Xaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee sanadkan dhamaanaya 2014, uu hoos u dhac ku yimi falalka xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee dalkeena ka dhacaa marka loo eego xadgudubyada la diiwaangaliyay sanadihii 2011 - 2013. Hadana waxa aan la difiri karin go'doonka dalka Somaliland kaga jiro caalamka iyo aqoonsi la'aantu in ay ka dhigtay dalka Somaliland ku ku xidhan Xabsi Wayn oo Beesha Caalamku ku hayso 23 kii sanadood ee ugu dambeeyay, go'doonka dumblamaasiyadeed ee somaliland ay la nooshahay waxay wiiqday oo saamayn xun ku keentay horumarka xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha dimuquraadiyadu siiso dadka ku dhaqma.


Sidoo kale waxay Xabsiga 23 sano Somaliland beesha caalamku ku haysaa wuxuu ka dhigay nidaamka dumuquraadiyadeed iyo xoriyaadka shacabka Somaliland haystaan kuna dhaqmaan mid u nugul in ay burburiyaan kooxaha islaamiga ah ee xagjirka ah oo iyagu weeraro joogto ah oo dhinaca fikirka ah ku haya haweenka iyo da'yarta dalka.

Bulshada Somaliland takoorka qotada fog ee dhaqanka ah:

Bulshada Somaliland ee la takooro ayaa waxay madiidin u yihiin Takoor soo jireen ah oo dhinaca dhaqanka ku salaysan, waxana kale oo ay dibada ka yihiin nidaamka cadaalada iyo Garsoorka Somaliland, oo aanay sida qaalibka ah helin, Beelaha Somaliland ee laga tirada badan yahay kuma laha xubno iyaga ka soo jeeda ciidamada kala duwan ee amaanka, iyo hawlwadeenada garsoorka iyo Xafiisayada Xeer Ilaalinta degmooyinka dalka,

Inkasta oo Madaxwayne Siilaanyo dadaal wayn u galay sidii Beelaha la haybsooco iyo haweenku ugu yeelan lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland, Nasiibdaro waxa gaashaanka ku dhuftay dadaalka Madaxwaynaha hogaanka iyo xubnaha Golaha Wakiilada, oo had iyo goor caqbad ku ah geedi socodka dimuquraadiyada dalka.

DALKA EE DHINACA TAMARTA WAXA KU LAMAAN KHATARO LAGA HORTAGI KARO

Sanadka 2014, waxa kor u si kacay Maalgashatada Caalamiga ah ee raba in ay maalgashi ku sameeyaan dalka, gaar ahaan shirkadaha baadhista shidaalka iyo kuwa macdanta oo badankoodu ka kala socdaan wadamada reer Galbeedka iyo dalka Shiinaha. Sidoo kale waxa xukuumada Somaliland wadahadalo gabogabo ah kula jirtay sanadkan 2014 shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo rabtay in ay maalgashi baaxad leh in ay ku samayso Dekeda Caalamiga ah ee magaalada Berbera iyo dhismaha tareen ku shaqeeya quwada korontada oo isku xidha caasimada Itoobiya iyo magaalo Xeebeeda Berbera.

Sidii loo xaqiijin lahaa habsami u socodka hawlgalada sahaminta iyo baadhitaanka shidaalka Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray qaraar uu ku aasaasayo Ciidamda Ilaalada Shidaalka Oil Protection Unit, kuwaasi oo laga soo xuli doono ciidamadii dalka ee hore u jiray isla markaasina hoos tagi doona Wasaarada Arimaha Gudaha. Ciidamadan ayaa waxa maalgalinaysa shirkada wayn ee Genel oo sheegtay in ay tabobarka qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka ilaalada shidaalka ay ku bixin doonto adduun gaadhaya 25 milyan oo dollar.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay hoosta ka xariiqayaan in xukuumada Somaliland qaado talaabooyin ay talada badhkooda ka siinayso bulshooyinka ku nool deegaanada laga fulinayo sahaminta Shidaalka iyo macdanta. Si taasi loo suurtogaliyo waa in:
-     Xukuumada Somaliland barnaamuj wacyigalin ah oo si taxadar badan ay u wada diyaariyeen una fuliyaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, la taliyayaal caalami ah oo takhasus u leh mawduuca, Shirkada Shidaalka/Macdanta, bulshada iyo indheergaradka deegaanka baadhista laga fulinayo
-     Waa in xukuumada Somaliland ka hortagtaa in cid kale qabsato maskaxaha shacabka Somaliland.

CABASHADA CIIDANKA KA HORTAGA ARGAGIXISADA SOMALILAND IYO FAAIIDOOYINKIISA

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka Somaliland waxay soo dhawaynayaan abuuritaanka Hurinta Ciidanka Booliska ee Degdega u Jawaabta (Rapid Reaction Unit 'RRU'), inkasta oo ay xisbiyada siyaasada ee mucaaridka ahi ay dhaliilo culus u jeediyaan ciidamadan sida gaarka ah u tabobaran, kuna dhaliilaan in ay gaystaan xadgudubyo xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee aadamaha.

Taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo ururada bulshada rayidka ah waxay qirayaan in abuuritaanka ciidanka RRU uu kordhay amaankoodii isla markaana tan iyo markii ay hawlgaleen ciidankan RRU ay istaageen hanjabaado mobilada loo soo marin jiray oo loogu hanjabayo in ay ka waantoobaan hawlaha xuquuqda, haweenka, caruurta iyo shaqooyinka ay ka hayaan hawlwadeenada ururada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen tan iyo markii ay ciidanka RRU bilaabeen hawgalada ay ku sugayaan amaanka waxa hoos u dhacay shirqooladii kooxaha argagaxisada ahi ka fulin jireen dalka Somaliland inkastoo taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay diiwaangaliyeen in ay kor u kaceen dadka loo xidho tuhunada argagaxisadu tan iyo markii ciidanka RRU ka hawlgaleen dalka.

Waxana aan la dabooli karin doorka muhiimka ah ee ay RRU ka qaateen sugida amniga qaranka iyo ka hortaga dambiyada abaabulan iyo argagixiso.

Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay soo dhawaynayaan taageerada wax ku oolka ah ee Dawlada Ingiriisku ku bixiso tabobarada, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka RRU ee Somaliland iyadoo  markii hore khibrada, aqoonta iyo qalabka hay'adaha amaanka Somaliland uu aad u hooseeyay.

Sanadka 2014 waxa si xoogan dalka uga socday dhismaha Mashaariic Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka oo muhiim ah, Sida lala wada socdo dalka Somaliland tan iyo markii uu madaxbanaanidiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska Muwaadiniintiisu may helin fursado ay dalkooda kaabyaashiisa dhaqaale ku dhistaan, waxan Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland u arkaan in uu Madaxwayne Siilaanyo nasiib u yeeshay in uu noqdo Hogaamiyihii dalkiisa ka hirgaliya mashaariicdii ugu waxtarka iyo aayaha badanaa intii Somaliland jirta kuwaasi waxa ka mid ah bilowga dhismaha wadada MIDNIMADA Somaliland ee ERIGABO ILAA BURCO. Iyo wadooyin faro badan oo halbowle u ah isku socodka ganacsiga iyo bulshada oo ay ka mid yihiin jidka Hargeisa ilaa Berbera, Ka Kalabaydh ilaa Boorama, Ka Kalabaydh ilaa Wajaale, 2da Jid ee Hargeysa ku xidhaya Baligubadle iyo Salaxley iyo Wadada Halbolaha ah ee Dawgacad oo deegaano go'doon ka ahaa dalka oo dhinaca xeebta ah ku xidhaya xarumaha maamulka dalka.

MASHAARIICDA KAABAYAASHA DHAQAALAHA DALKA IYO WAXTARKA AY U LEEYIHIIN XUQUUQDA AADAMAHA

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee wadooyinku in ay kor u qaadayaan helitaanka bulshada ee baahiyaha aasaasiga ah, oo uu ugu horeeyo adeegyada amaanka iyo garsoorku, iyo helitaanka gargaar caafimaad xiliga loo baahan yahay. Waxana ay ku bogaadinayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ku dhiirashada iyo hirgalinta mashaariicda hirgashay ee Wadooyinka Dalka, Waxa kale oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan Midowga Yurub oo markii ugu horaysay si toos ah u taageeray dhismaha wadooyinka dalka.

JAADKA/QAADKA IYO KHATARO MUUQDA EE AMAANKA QARANKA

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ka walaacsan yihiin saamaynta xun ee balwada cunista jaadku ku yeelatay Hay'adaha sharci fulinta Somaliland oo u xilsaaraa sugida amaanka muwaadiniinta, u kuurgal taxadir ah oo kormeerayaasha xadgudubyada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku sameeyeen falal amaan daro oo ka dhacay gudaha xabsiyada dalka kadib markii maxaabsiitii dambiyada culus ku xukunaa saraakiishii iyo ciidamadii asluubta ee ilaalinayay ay gacanta u galiyeen hub iyo rasaas.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ku rumaysteen xogogaalnimada falalkaasi dhaawaca wayn ku ah amniga qaranka ee ka dhacay xabsiga ugu ilaalinta adag dalka oo dhan in ay sababta koowaad ee ku kaliftay in askartu iyo saraakiisha Ciidanka Asluubtu Maxaabiistii ay waardiyaynayeen ay tahayd baahida balwada qaadka oo ka ku kaliftay in ay ka iibiyaan hubkii ay ku waardiyaynayeen jeelka iyo maxaabiista ku xidhan. Qabatinka Balwada Qaadka ee xubnaha ciidamada sharcifulinta Somaliland waxay Amaanka Qaranka ku keeni karaan falal dhabarjab ah oo waxyeeladoodu ay qoto dheeraato.

Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mud. Siilaanyo si xoogan uga codsanayaan qaylo dhaantooda ku aadan aafadan qaran.
Mud. Madaxwayne dalka jaarka aynu nahay ee Qaadku inooga yimaado Xukuumada ka jirtaa ciidamadeeda ma qorto ruux balwada jaadka leh balse ruuxa caba khamriga ciidankooda way u qaataan. Taasi waxay daliil u tahay in uu Jaadku khatar badan ku yahay Amaanka Wadanka, Sidoo kale waxa Mudane Madaxwayne aad ka war haysaa in dhawaan Baarlamaanka dalka Ingiriisku in uu dalkiisa ka xaaraantinimeeyay qaadka in lagu cuno ama laga ganacsado, iyadoo darooga heerka 3aad ay ku qiimeeyeen khubarada dalkaasi.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mudane Madaxwayne maadama oo aad mudadan aadka u kooban ee aad hogaaminaysay Qaranka Somaliland aad ku dhiiratay isla markaasina aad suurto galisay EEBE idadmkii mashaariic aan xataa muwaadiniintu ku riyoonaynin in ay suurtogali karto, waxa ka mid ah Idaacada Cusub ee Radio Hargeisa, Idaacadaha Quraanka, Darajooyinka Ciidamada, Mushahar kordhinta shaqaalaha iyo Ciidamda dalka 100%. Waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka oo la'cag la'aan aad ka dhigtay, yagleelida xafiisyadii qaranka oo ahaa sidii uu gumaysigii ingiriisku kaga tagay, Furistii Axsaabta Siyaasada iyo Tirtiridii Gudiyadii Nabadgalyada Qaranka, iyo ku qancinta shacbiga dalku in aanay sugin gacan shisheeye oo ay aaminaan in ay isku tashadaan oo dhistaan wadooyinka ceelasha dugsiyada iyo caafimadkooda. Guud ahaan Taariikhda Duuga ahi way qori in aad sababahooda lahayd guulahaa maguurta ah.

Mud. Madaxwayne waxanu si naxariisle kaaga codsanaynaa in aad soo saarto qaraar madaxwayne oo aad ku xaaraantinimaynayso in shaqada dawlada iyo ciidamada kala duwan loo qaato ama la qoro ruux muwaadin ah oo leh balwada qaad cunista. Sidoo kale Mudane Madawxayne qorshaha mudo xileedkaaga 2aad ee soo socda ku darsto in aad dalka ka suurto galiso mashaariic lagu nacsiinayo cunista jaadka bulshadeena si acmaasha wanaaga ah iyo qaad cunistu ay aad u kala fogaadaan, tusaale in Maxkamdaha dalku marag aanu ka furi karin ruux cuna jaadku iwm.

Waxa hubaal ah oo Mudane Madaxwayne hadii taladan aad naga qaadato aad seeska u dhigaysaa in dalka Somaliland u horseeday jiilal gacmahooda lagu aamino. 

AASAASIDA URURO BULSHO OO AY SAMAYSTEEN HAWEENKA LA HAYBSOOCAA

Gabogabadii Munaasibada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka qaybgalayaasha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Haweenka Beelaha la takooraa waxay kaga dhawaaqeen 2 urur bulsho oo ay samaysteen Muwaadiniin ka soo jeeda bulshada la hayb sooco ee Somaliland waxan la kala yiraa 2 urur bulsho Hanoqaad Mirgnilized Minority Women Development organization iyo Ururka Horumarinta Waxbarashada Caruurta Laga Tirada Badan Yahay

END

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment