Friday, November 21, 2014

DHOOF NOOLI KULANTEE - Waayo Aragnimada Runta ah ee Nolosha Qurbaha

(Waayo Aragnimada Runta ah ee Nolosha Qurbaha)


Qalinkii Mr. Ali Ali (dadaal)




Gabadh ama nin baa sharci qof kaga iibsatay lacag u dhaxaysa $20,000 ilaa $30,000 oo doolar.

Ma u malaynaysaa in ay lacag intaa leeg markale qofkaasi hal mar heli karo? 

Qadarka Allaah waa meeshiisa, se waaqicu waa, wili xaas maaha, afka dalka aqoon buuxda uma laha iyo waxbarashadiisa ama aqoonba uma laha. Wax xirfad ahna oo lagaga shaqaysto dalakanna mahaystaan. 

Ugu yaraan hadii ay sharici sugaan waa 7 sanadood oo ugu yaraan intaas oo imtixaan mid kumbuutar mid afka ah iyo mid aqoonta dalka ah oo muwaadinnimadaada la eegayo lagaa doonayo iyo qiimaha sharciga oo lacag u dhiganta $2000-3500 bixinayso waa hadii aad sharci saxa oo aan lagaa qaadayn marka aad dalka soo galayso lagu siiyo hadiise aanad sharciya haysan oo aan lagu siin ama ka aad wadatay laguu dayn, Aqal lama siinayo lagamana bixinayo kiro, wax gunno ah oo lasiinayaana ma jirto walow hay'ado khayri ah oo dadka u dawartaa jiraan. Wax barasho ma helysid. 

Allaah ha kuu naxariisto waayo waa adi iyo nasiibkaa, dad baa ilaa imika 21 sano bilaa sharciya, qaar baa 5, 6, 10, 15 sanadoo billaa sharciya. wax barashana waa hadi ay jaamacad doonto 8 sanadood oo sanadkiiba ugu yaraan yahay hadii UK ay yimaadaan ugu yaraan $15000, hadii aad deyn ku qaadataan ribadii kuu sii saaraan waxayna bilaabmaysaa wakhtiga qofkaa qalin jabiyay shaqo bilaabo. Hadii uu qofku bilaa sharci noqdo Shaqo waa kuwa suuliyada xafiisayda ama iskulada maydha 7 cishaba hadii ay shaqastaan oo qof kaliya kaba soo qaad in qofkaasi $5000 beekhaansado sanadkii. 

Qofku hadii uu is yidhaa guurso oo Reer iyo Ubad yeelo ma isleedahay ileen lacagta intaa leeg bay ku soo kharash gareeyeene in ay heshiinayaan ma is leedahay ileen midkooda baa bilaa sharciya labka ama dhadiga mise mushkilad iyo khilaaf baa iman kara khuseeya dhinaca maalka isida badanaaba dalkan uk ka dhacda xiitaa iyaga oo labada qofba sharci dhamaystiran haystaan hadan waxa badanaaba lagu kala tagaa waa lacag la shaqaystay ama lacagta dawladu caruurta lagu siiyo. 

Tusaalahani waa tusaalaha qaabkaasa. Waxaaba imika ka sii daray ku naftoodii halaagay ee badda inta aan la gaadhinba jidh dil iyo kufsi lab iyo dhadig la dhaafayn horta sida ay ka sheekeeyaan dadka badbaaday inta dumar kufsi ka badbaaday waa faro ku tiris, ragana si loo mooraal jabiyo inta kale iyagana waa la kufsadaa sida ay sheegeen kuwa soo bad baaday wiliba kufisgu rab iyo dumarba qarsoodi maaha waa dadka hortiisa si niyadda looga dilo. 

Marka ay doonta gaadhaana inataa doonta la meel fog la geyn bay dadka dawakhiyaan wixii uurkooda ku jiray oo dhan inata ay ruxaan isku wada dul hunqaacaan wax kasta oo aysitaana laga daadiyaa ama tuuraa si doontu u cuslaan jidhdilkaa uga daran iyaga oo sakaraada qaarkoodna haraad iyo gaajo u dhinteen baa inta soo hadhay oo daashay oo doonta sagxadooda taal ama is wada dul jiifaana meel aan dhulka u dhaweyn lagu wada daadiyaa xitaa hadii ay dabaasha yaqaanaan ma dabaalan karaan waayo waa la soo jidh dilay dhowr cisho biyo iyo cunto afka may saarin marka sidaa loogu wada daadiyo ama way kuwada dhintaan ama qofqof baa ka badbaada. 

Waa halaag iyo is biimayn hadii qofku sidaa isaga oo og uu sameeyo ugu yaraan meesha u deegaanka ahina aamin in uun tahay oo uu qofkani wadada halaaga doorto kuna dhinto Aakhiro Alaan khayr uga rajeynayaa lkn waa isdil Islaamkana isdilku waa naar uun iyo qaabkaa uu isku dilay. 

Masuuliyadda ugu waynina waxay saarantahay dadka dalkaa ka taliya ee maamula min madax weyne ilaa xildhibaan xiitaa shacabka iyo ganacsatada iyo saxaafada,

Waxa kale oo aan ka baxsanayn dadka qurbaha hore u tagey ee dhulka dadka ku qaaliyeeyay, lacago hagbado ha ku dhistaan ama, mid ay shaqaysteen ama tii caydha ama mid xalaala ama xaaraanba siday doonto ha noqotee inta ay guryo ayna galayn dhistaan marka ay yimaadaana dhabta ku noolaanayn ama ka sheegayn nolosha ay ku noolyihiin in caydh iyga iyo ubadkooduba qaataan xisaabsanyihiina dadka ugu liita ee la yaso meelaha ugu xunxuna degenyihiin dadka dalka iska lihina ku caayaan sida ahaynu dadka kale ee dalkeena inala degen ku yasno ma ku cayno ee aynu nidhaahno wadankii bay nagu cidhiidhyeen. 

Cid suaal aakhiro ka baxsanaysaa ma jirtaan u malaynayaa waayo dawladda jirtaa 100% waa in ay dadkeeda sidii ay u daryeeli lahayd ka fikirto gaar ahaan dhinaca shaqo aburka halka iygu ka shaqo abuuranayaan lagana yaabo ubadkoodii iyo reerahoodiina qurbe wada joogaan Allow na astur madaxdayadana dadkooda u soojeedi iyo ganacsatadaba. 

Qoraalkani wuxuu khuseeyaa dadka dhoofka imika ku talo jira.

No comments: