Wednesday, November 12, 2014

ABWAAN XASAN CABDILAAHI "XASAN GANEY" OO SOO GAADHAY DALKA JARMALKA




ABWAAN XASAN CABDILAAHI "XASAN GANEY"
Bonn Germany - Wararka laga helayo dalka Germany ayaa xaqiijiyay in uu dalkaasi Soo Gaaray Magaalada Bonn ee dalka Germany Abwaanka wayn ee caanka ka ah dhamaan dhulka ay Somalida Degto Abwaan Xasan Cabdilaahi 'Xasan Ganey'.

Abwaanka Xasan Ganay ayaa waxa uu si toos ah uga yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa oo isaga iyo qoyskiisu ku nool yihiin.

Waxana si diiran ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradahu soo cagodhigtaan ee magaalada Bonn Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Germany iyo guud ahaan Qaarada Yurub.

Abwaan Xasan Ganay ayaa isagoo ku sugan garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Bonn waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay in ujeedada uu u yimid dalka Germany ay tahay arimo la xidhiidha adeegyada caafimaad ee dalka Germany maadaama oo uu xanuunsanayo, waxana uu ILAAHAY ka baryay in uu caafimaaad buuxa ka siiyo adeegyada isku daawaynta ee dalkan ayuu yiri abwaan Xasan Ganay.

Badaha suugaanta Abwaan Xasan Cabdilaahi 'Xasan Ganey' qalin laguma soo koobi karo qaybo ka mid ah waxad ka daalacan kartaa http://hawraar.net/maxaad-ka-taqaan-abwaan-xasan-xaaji-cabdilaahi-xasan-ganay/# iyo http://so.wikipedia.org/wiki/Xasan_ganay

EEBE WAXANU KA BARYAYNAA IN UU ABWAAN XASAN GANAY SIIYO CAAFIMAAD BUUXA. Sidoo kale waxa laga codsanayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan 'Ducada Maqanaha' in uu EEBE caafimaad buuxa siiyo Abwaankeena Xasan Cabdilaahi 'Xasan Ganay'.

ABWAAN XASAN CABDILAAHI "XASAN GANEY" mudada uu joogo dalka Germany cidii doonaysa in ay soo booqato waxa ay kala soo xiriiri karaa:

Guriga Xaali Cabdi Yaasin
Taleefoonka Guriga Waa 0049228 88684042 Bonn

No comments: