Thursday, July 24, 2014

XOGHAYIHII HORE EE ARRIMAHA DIBEDDA UCID, YUSUF BUDLE OO KA HADLAY XUDUUDA DJIBOUTI EE MAANTA LA XIDHAY IYO MADAXDA SOMALILAND EE XUDUUDA DHOOBAN EE LOO DIIDAY IN AY GALAAN DJIBOUTI.



Yusuf Budle: Dalkii 60,000 oo qof u dhinteen in lagu bedesho 60 baasboor waa nasiib darro.


Yusuf Budle ayaa maanta soo dhigay barta uu ku leeyahay Face-book-ga qoraal uu kaga hadlayo aragtidiisa ku salaysan xuduuda mar labaad maanta la xidhay iyo weliba madaxda badan ee loo diiday in ay galaan Djibouti iyaga oo marka hore si rasmi ah loo casumay.

Qoraalkiisa waxa uu ku bilaabay Yusuf sidatan:

 Xidhida mar kale la xidhay xuduuda u dhaxaysa S/land iyo Djibouti ma aha mid xaqiiqada ku salaysan ee waa mid xukuumadda Ismaaciil Cumar Geele ugu talo gashay in ay ku fuliso laba ujeedo oo kala ah

1-       In ay aduunweynaha usii buunbuuniso in ayna S/land nabad ahayn, record-kana ay gasho inta goor ee dalalka deriska ahi ka xidheen xuduudahooda S/land

2-       In ay si fool xun ugu bahdisho madaxda isdaba yaacaya ee ka kala socda xukuumadda S/land iyo xisbiyada qarankaba.

Su’aasha aan dadka reer Somaliland weydiinayaa waxa ay tahay: Cidda rabta in ay Djibouti wax ka riddo ama qarxiso, waxa ay si dhib yar uga soo wareegi kartaa dhinaca xuduuda u daxaysa Djibouti iyo Ethiopia. Haddii ay dhab tahay ilaalinta nabadgelyadu maxaa loo wada xidhi waayay dhamaanba xuduudaha Djibouti ay la leedahay dalalka deriska ah? Jawaabteedu waa ay cadahay waana labada arrimood ee aan kor kusoo sheegay.

Waxa aynu ognahay in xataa haddii xuduuda la xidhay, bal iskaba dheh’e, aanay adkaateen in xuduuda Lawya-Caddo si gaar ah albaabada looga soo furo dadka madax ku sheega ah ee ka socda S/land ee sida gaarka ah loogu soo diray casumaada gaarka ah. Goorma ayaa sarkaal ama madax qaran oo lagu casumay meher yar ay jid bacaad ah u mari jireen, hadana albaabada (imika aan idhaahee xuduudaha) laga xidhan jiray, weliba kasii darane inta ay iskaga soo noqon lahaayeen ay bacaadka u jiifaan laba maalmood iyo habeen si ay u dhawraan bal in mar’uun laga furo. Bahdilaada ka weyn ee lagu samayn lahaa S/land maxay tahay?

Ugu dambayn, waxa aan u sheegayaa dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo xisbi kasta oo ay taageersan yihiinba in loo baahan yahay in laga dagaalamo bahdilaada joogtada ah ee lagu hayo qarannimada S/land. Waa in aan la xisaabtanaa dhamaanba xukuumadda iyo xisbiyada qaranka ee arrinkan u suurto gelinaya xukuumadda macangaga ah ee uu ka taliyo Ismaaciil Cumar Geele. Goorma ayaynu ogolaanay in dalkii ay u nafwaayeen 60,000 (lixdan kun oo qof) oo reer Somaliland ah lagu bedesho 600 baasboor oo weliba si gaar ah loo siiyay shaqsiyaadka ugu ladan ama ugu awooda badan Somaliland? Waxa kale oo aanay dadka inta badani ogayn in ay baasbooradanu ahayn dhalasho Djiboutian ah ee ay yihiin oo keliya baasboor ku dhaca 5 sanadood oo aan dibna loo cuboonaysiin Karin, markii la doonana lagaga qaadi karo airport-ka siddii marar badan hore u dhacday.

Waxa aanan anigu fahmin shaqsiyan oo aan jeclaan lahaa in bal la iiga jawaabo danta S/land ugu jirta xidhiidhka Djibouti? Sida aynu wada ognahay waxa uu aduunweynaha Ismaciil Cumar Geele u cadeeyay in:

1- Somaliland wax la yidhaa aanu ogolayn/ ogolaana doonin.

2- Waxa uu ciidamo nabad ilaalin ah u diray Somaliya isaga oo ku xumaynaya S/land kana shaqaynaya wixii la odhan jiray Somali weyn.

3- Hadeerto waxa uu wadaa qorshe kii hore kasii daran oo lagu rabo in aduunweynuhu ku ogolaado in ciidamo la keeno xuduudaha S/land (dhinaca bariga iyo dhinaca galbeedkaba).

Taariikh ahaan haddii aan u noqdana: Xukuumaddii Djibouti waa xukuumaddii hir gelisay heshiiskii Mingiste iyo Siyaad Barre ee aakhirkii keenay in SNM lagaga soo saaro Ethiopia. Waxa aynu ognahay oo aanay sir ahayn in haddii aan u furno dekedda Berbera in ay dadka iyo dawladda Ethiopia si xor ah wax ugala soo degaan uu dakhliga cashuurta ee kasoo gelidoona Somalilan dekedda Berbera oo keli ahi yahay 1.2 Billion Dollars (yes, I mean Billion US Dollars).

Bal marka waxa aan jeclaan lahaa in la iga jaahil tiro meesha ay salaadu ka xidhmi laadahay? Mise waxaas oo dhan waxa ka muhiimsan 600 baasboor oo Djiboutian ah iyo woxogaaga lacagta xaqal jeebka ah ee la siiyo shaqsiyaadka gaarka ah?

Waxa kale oo aan weydiinayaa madaxda xukuumadda hadda jirta iyo weliba madaxda xisbiyada mucaaridka ee rajaynaya in ay berri dalkan hogaamiyaan: Muxuu yahay qorshaha inooga yaala Djibouti. Iyada warkeedu wuu cadyahee, muxuu yahay qorshahau.

No comments: