By Mohamed Osman dhirane
Waxa ay aheyd subax Isniineed, 30kii January 1984. Xilligu waa jiilaal,
dhulka oogadiisa oo dhan waxa ku shaqlanaa dhedo iyo ciiro ay soo
jiiteen buuraha dhaadheer ee magaalada ku xeeran. Dadku nabad ayey ku
waabariisteen intooda badanina waxa ay ku foofeen hawl
maalmoodkoodii, ganacsatadu waxa ay fureen irridihii meheradahooda,
dadkuna waxa ay bilaabeen wax kala iibsi .Waxay aheyd goor ay bulshadii
miyigu iyagoo wada waxyaabihii noloshooda iyo magaaladaba lagama
maarmaanka u ahaa sida: Subagga, Caanaha, qoryaha (xaabada), dhuxusha
iyo xoolahaba ay ku soo beegnaayeen badhtamaha suuqa Waxay aheyd wakhti
intii safreysay iyo intii sagootineysayba ay is lahaayeen tusan iyo
macasalaama. Wakhtigaas ardeyda iyo macalimiintuba waxay ku hawlanayeen
dhigita iyo dhageysiga casharada dugsiga.
Cidina ma fileen wax dareen colaadeed oo ku soo fool leh. Hase yeeshee
waqti ay saacadu aheyd tobankii subaxnimo ayaa dadka qaarkii ay maqleen
guux ,dareen weyn baa galay dadka ,hase yeeshee samada waxba lagama
arkeyn oo dhedo iyo ciiro ayaa weli ku shaqlaneyd buuraha figtooda.
Guuxii waa uu soo dhawaaday dadkii oo dhamina sakati iyo werwer ayey
dhagaha la taageen, cidise ma haleelin dhaqaaq ka badan dhowr talaabo.
waxa markaliya isha lagu dhuftay oo soo kulay dadkii raxan diyaaradaha
dagaalka oo ka soo dhex baxay ceeryaantii kuwasoo soo laalaadiyey
gantaalihii iyo bombooyinkii ay xambaarsanayeen. Magaaladii oo dhan waxa
qariyey siigo, olol onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday
argagax naf iyo noloba ka quusiyey.
Isla maalintaa isniineed saacaddu markay aheyd 2:15 (labadii iyo rubuc
)ayaa Radio muqdisho warkiisii dhurnimo lagu sheegay in dayuuradaha
dagaalka ee maamulkii Mingistu ee Ethiopia ay weerar ku soo qaadeen
degmada Borama iyo tuulada Goraya Cawl oo ka tirsan degaanka gobolka
Awdal . Weerarkaas bahalnimada waxa geystay lix dayuuradood oo ah ku
dagaalka oo noocoodu ahaa miig 21 iyo miig 23. Isugeyntii dadkii ku
dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 ka mid ah ay ahaayeen
ardeydii dugsiyada hoose ee degmada Borama.. kuawsoo da,adoodu
udhaxeysay 6-14 jir iyo afar macallin oo shaqo qaran ahaa. Waxa kaloo ku
dhaawacmay 110 kale oo iskugu jira arday iyo shacbiga ba.,iyadoo isla
markaana ay burburiyeen 70 guri iyo afar dugsi oo hoose /dhexe iyo
xaruuntii xanaanada caruurta (MCH)
Intayadii warkaas dhageysatay ee xamar ku nooleyd waxan la istaagnay
naxdin iyo argagax iyadoo qofwalba oo reer Awdal ahi ka fakarayey sidii
war intaas ka faahfaasan loo heli lahaa . Waxan dabadeed tagnay boostii
Xamar ee Telefoonada halkasoo reer Awdal ay saf ugu jireen . waxa noo
suura gashay in ogaano in adeerkay oo aan guri wada daganeyn oo la
yiraahdo Maxamed Cabdilaahi mixile nasiib daro ay walaashii oo sadexani
ku jirtay dadka ku geeriyooday weerarka . waxay ilmaheeda ka soo
kaxeysay xarunta xanaada caruurta midna dhabarka ayey ku siday markii
weerarku haleelay , halkaas ayaa saddexdoodiiba ay ku dhinteen(alaa
yarxama).waxan usoo baxnay Arbacadii socdaal aniga iyo mixile iyadoo
dayaaradan ay saarnaayeen dad reer Awdal oo sidoo kale qoyskoodii
geeridu ku dhacday. waxan nimid Hargeysa oo aan markiiba dhaafnay si aan
tacsida ugaarno .Dhamaan baabuurta Hargeysa ka baxeysay waxay sideen dad
gurmad oo ka kala yimid gobolada dalka .
Dadka magaalada waxa ka muuqatay jawi geeri, argagax iyo naxdin ,inteeda
badanna waxa magaalada qariyey teendheeyooyin laga dhisay guryaha
hortooda oo lagu qabanayey tacsida.waxa se la isku gubabinayey in samir
iyo dulqaadka lagu dadaalo.Sarkaal ka tirsan bangiga degmada boorama
ayaa ii sheegay in weli uu naxsan yahay waxa uu yidhi “waxa ku jiray
bangiga mar qudha ayaa albaabadii iyo daaqadihii ay soo dhaceen gantaal
nagu dhacayna ma jirin”.
Waxa magaalada yimid wufuud badan oo ka tirsanaa xukuumadda iyo ku
shisheeha oo ka kala socday safaaradaha Masar, Mareykanka , Shiinaha,
Ingiriiska, Faransiiska iyo kiiniya kuwasoo tagay oo booqday xabaal
wadereedii (mass grave) lagu aasay dadka. iyagoo weliba ubax dhigay
taalo loo qoondeeyey in lagu xasuustoo xasuuqaasi bahalnimada ah . waxa
kaloo yimid weriyaal isku jira soomali iyo ajnabi ah . Gabadh ka
tirsaneyd wariyaasha oo ka socotay tvga magaalada Henlay oo ay Borama
mataano yihiin ayaa ii sheegtay “inay ilmeysay markii ay cusbitaalka
boorama ku booqatay dhawacii oo ku jirtay gabadh yar oo sideed jir ah oo
ku indho beeshay weerarkaas”.
Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Borama Sh Cabdillaahi Sh. Cali
Jowhar ayaa ii sheegay”in weerarkan lala beegsaday dad caruur iyo maato
ah oo aan waxba geysan (soft target) ka soo ka baxsan aadaminimada,
waxanu urajeeyey in samir iy iimaan ka siiyo dadka reer Borama intii
dhimateyna ilaahay unaxariisto “
Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey xasuuqii foosha xumaa ee
xabashida.
N° Magac (Names) Da’ (age) Fasal (Grade)
1 Ilyaas Ibraahim Maydhane 12 4
2 Ismaaciil Muuse Tubeec 13 4
3 Abadir X/ibrahim Xaaji 11 4
4 Axmed Idiris Ibraahim 12 4
5 Axmed Ibraahim X/ bookh 12 4
6 Ubax Cumar Maydhane 10 3
7 Anisa daahir Caateeye 10 3
8 Maxamuud Maxamed Daahir 10 3
9 Yaassiin Daahir Ibraahim 10 3
10 Abdi Hassan Cali 9 3
11 Abdi Ahmed Yuusuf 10 4
12 Husseen Maxamed Nuur 12 3
13 Sacaada Cabdulle Faarah 10 3
14 Maxamed Xasan Faarah 9 3
15 Nimca Maxamed Xirsi 10 3
16 Rashiid Huseen Cige 10 3
17 Cabdi Ismaaciil Xasan 11 3
18 Maxamed Aw/ Aadan Cabdi 8 2
19 Khadra Maxamed Xirsi 9 2
20 Maxamed Idiris Miicaad 8 2
21 A/risaaq SH/maxamed 10 2
22 Sahra Aaden 6 1
23 Faadumo orod ku dharag 6 1
24 Fa’isa H/Ibraahim Muusae 12 4
25 Ruqiya Maydhane Muxumed 10 2
26 Hibo Axmed Ali yey 11 4
27 Maxamed Xasan Xandulle 13 4
28 Hinda Axmed Cilmi 10 3
29 Hibo Barkhad Qayaad 9 3
30 Qayaad Barkhad Qayaad 11 4
31 Deeqa Yuusuf Cige 10 3
32 mustafe Cilmi Weyrax 9 2
33 C/laahi Nuur Cumar 14 8
34 Axmed Cabdi Barre 11 3
35 Kaltuun Abubakar Sheekh 10 4
36 Warla Cilmi Subagle 9 3
37 Sucaad Cali Obsiiye 14 7
Odhaahda qoraha:
waxan qoraalkan sameeyey 30 sanadood wakhti laga joogo markaa uu
weerrarkani dhacay waxana uu hordhac u ahaa buug aan qoray markii aan ka
noqday gurmadkaas oo magaciisa la yiraahdo Awdal 1884 soona baxay 1986.
kasoo aan si qoto dheer ugu lafo guray Awdal iyo qarnigii 19aad oo kasoo
bilaabmay 1884 markii shisheeyuhu ay arimaha dhulkeena ay faraha la soo
galeen . Wakhtigaas odayaasha Gadabuursi waxa ay ingiriiska la
seexiideen Heshiis (Anglo-Gada Treaty of 1884) inkastoo ingiriisku aanu
fulin oo uu khayaameeyey , dhulkoodiina uu bixiyey. waxa dhacdadani ay
xidheysaa hal qarni oo ku beegan (1884-1984) oo cadawgu baabiiyey
dawladnimadii Awdal iyo magaalo madaxdii xukuumadii Awdal (Seylac) oo
soo jirtay qarniyaal badan.
Waxan mar hore idiin soo bandhigay qoraalo dhowr ah oo ku saabsan
taariikhda Awdal ee qarnigii 19aad oo kusoo baxay warbaahinta.
No comments:
Post a Comment