Search This Blog

Wednesday, February 12, 2014

Wareegga Labaad ee Hawlgal Khubaro Caalami ah ku Baadhayaan Xabaalo-wadareedyada Xasquuqii Somaliland oo la Bilaabay



Wareegga labaad ee hawlgal khubaro ajaanib ahi ku baadhayaan xasuuqii nidaamkii Siyaad Barre ee Soomaaliya ka gaystay Somaliland sannadihii sideetamaadkii, ayaa laga bilaabay xabaalo-wadareedyo ku yaal xaafadda Badhka ee degmada Axmed Dhagax ee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Baadhitaankan oo ay samaynayaan khubaro ka socota hay’ad magaceeda la yidhaa EPAF oo ku takhasusay baadhitaannada xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo dadka sida wadajirka ah loo laayo, taas oo xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay inay muddo shan sannadood ah baadhitaan ku sameeyaan xasuuqii Somaliland uu ka gaystay Taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo wejigii hore ee baadhitaankooda ku sameeyey laba xabaal-wadareed oo ku yaal xaafadda Badhka ee Hargeysa sannadkii 2012-dii oo ay ka soo sareen lafaha 38 qof oo ku jiray, waxaannay si rasmi ah wareegga labaad ee baadhitaankooda u bilaabeen shalay.

Bilowga wareegga labaad ee baadhitaanka oo lagaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay shalay goobta ay ku taal xabaal-wadareedka saddexaad ee hawlgalkan, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad), madaxda xafiiska baadhitaanka xasuuqa Somaliland, culimo ka socday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo khubarada baadhitaanka fulinaysa.

Guddoomiyaha Xafiiska Baadhista Xasuuqa Somaliland Mr. Khadar Axmed Like oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in wareeggan labaad ee baadhintan ay samaynayaan khubarada ka socda hay’adda EPAF laga fulin doono xabaashii saddexaad ee ay ku jiraan dadkii xasuuqa loo gaystay, isla markaana ay hayaan warbixintii labadii xabaal-wadareed ee hore.


Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isna sheegay in ujeeddada baadhitaankani tahay sidii adduunku u ogaan lahaayeen xaqiiqda dhabta ee xasuuqii Somaliland loo gaystay oo ah mid aannu shaki ku jirin.

“Hawlgalkan oo laga fulinayo xabaal-wadareedkan ka mid ah kuwa badan oo Hargeysa ku yaal, kana sii mid ah uun xabaal-wadareedyo fara badan oo guud ahaan dalka ku jira, in khubaradan nooga timi caalamku inay baadhaan oo ay xaqiijiyaan sababtii dadkaasi u dhinteen,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa isna ka warramay dhacdooyin uu goob-joog u ahaa oo lagu xasuuqay dad badan oo Somaliland u dhashay, isagoo sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsanayey beel ka mid ah kuwa Somaliland

Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sida diinta Islaamku dhigayso dadka la xasuuqay xaq u leeyihiin in si sharaf leh loo aaso, iyagoo halkaasina uga duceeyey maytida ku jira xabaal-wadareedyada baadhitaanka laga samaysanayo.

No comments: