Thursday, February 6, 2014

Shirkadda Hormuud oo gebi ahaan Hakisay Adeega Mobile Internet

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa maanta oo khamiis ah gebi ahaan hawada ka saartay adeega Internet-ka ee mobile-ka.
Dadweynaha Muqdisho ee ku xirnaa adeegaan ayaa inoo xaqiijiyey in tan iyo maanta aanu shaqeynin adeegaan iyadoo Shaqaale ka tirsan Shirkadda ay xaqiijiyeen hakinta adeegaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo soo saaray Bayaan ay ku amrayaan Shirkaddaha bixiya Internet Mobile in ay ku joojiyaan adeega haddii kale talaabo laga qaadi doono, waxaana uu goor sii horeysay ka dhaqan galay gobolada Koonfureed oo ay ka taliso kooxda.
Qaar kamid ah Shaqaalaha Hormuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay duruufo awgii u hakiyeen adeegaan balse ma aysan sheegin si cad in ay la xiriirto amarkii kasoo baxay Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa hore uga digtay Shirkaddaha in ay fuliyaan amarka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay sheegtay in talaabo ka qaadi doonto haddii ay joojiyaan adeega. Weli masuuliyinta kama hadal arrintaan.
Shacabka ayaa si weyn uga dhiidhiyay amarka Al-Shabaab kuna tilmaamay mid caburis ah maadama ay si weyn ugu xirnaayeen adeegaan oo ay kula xiriiri jireen qoysaskooda iyo asxaabtooda ku kala nool dunida.
Horseed Media

No comments: