Ref: HW/O24/2014 Issued on
11 Feb. 2014
Ku: Guud ahaan Shacabka
Somaliland - Gudo iyo Dibadba
Ku: Mudanayaasha Golaha
Wakiilada Somaliland - Xarunta Barlamanka
Og: Mudanayaasha Golaha
Guurtida Somaliland - Xarunta Barlamanka
Og: Mudane Ahmed Mohamed
Mohamoud 'Siilaanyo'Madaxwaynaha JSL
Damiirka Aadaminimo iyo
kan muwaadinimo ayaa nagu khasbaya in aanu u soo bandhigno Madaxwaynaha,
Mudanayaasha Golayaasha Sharci Dajinta iyo Shacabka Somaliland xogaha qarsoon
ee ku lamaan qalaasaha ka oogan aqalka hoose ee baarlamaanka Somaliland.
Anagoo ah Difaacayaasha
Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada
Somaliland oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ururada bulshada oo ka dhisan
guud ahaan gobolada dalka Somaliland.
Anagoo si taxadar badan
leh ula socona guud ahaan dhacdooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee
dalkeena gudihiisa iyo dibadiisaba ka, isla markaana xogogaal u ah xaalada iyo
duruufaha u gaarka ah ee dalkeenu uu la nool yahay dhinaca xidhiidhka caalamiga
ah ee hoos taga nidaamka Qaramada Midoobay iyo kuwa qaaradeed ama goboleed (AU,
IGAD).
Kuna baraarugsan marxalada
haatan dalkeenu marayo, qabyada jirta iyo wuxuu daaran yahay qalalaasaha ka
oogan Aqalka Hoose Ee Sharci Dajinta.
Difaacayaasha xuquuqda
Aadamiga Somaliland waxay si xoogan uga walaacsan yihiin in ay ogaadaan ilaa
xad heerka Khatarta badan leh ee Qalalaasaha Golaha Wakiilada Somaliland uu si
toos ah ugu gaystay mustaqbalka iyo danaha qaran ee dalka Somaliland. Taasi oo
ah tan maanta aanu qaylo dhaantan u jeedinayno. Natiijooyinka uga soo baxay
baadhitaano ay sameeyeen Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Bulshada Rayidka ah ee
Somaliland waxa aanu ku ogaanay in Qalalaasaha Wakiiladu in uu ka gun dheer
yahay mid ku kooban tartan dhinaca awooda ah oo u dhexeeya Axsaabta Qaranka
BILOWGA QALALAASAHA WAKIILADA IYO WAREEGII 5AAD EE
WADAHADALA SOMALILAND & SOMALIA
Dhinaca Somaliand dhawr
arimood ayay kaga kaga duwanaayeen wadahadaladii ugu dambeeyay ee magaalada
Istanbul ku dhexmaray ergooyin ka kala socday Somaliland iyo Somalia 16-19
Janaury 2014. Ergada Somaliland waxa aan la soconin Madaxda 2da Xisbi Mucaarid,
dhinaca kale xubnaha Ergada Somaliland oo ay ka wada muuqdeen beelaha
Somaliland ayaa dhinacyada farsamada iyo diyaargarowgaba ka horumarsanayd marka
loo eego wareegyadii hore.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxanu aaminsan nahay
in Wadahadalada Somalia iyo Somaliland ay la mid yihiin Wadahadaladii
badhtamihii sanadkii 1960 magaalada London ku dhexmaray Boqortooyada Ingiriiska
iyo Ergo ka socotay Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland Protectrate ku waasi oo
kala ahaa - RABI NAXARIISTIISA JANO HAKA WARAABIYO DHAMAANTOODE:
Mohamed Ibrahim Egal,
Garad Ali Garad Jama, Ahmed Hajji Duale (Keyse), Hajji Ibrahim Nur, U fiirso
ergadaasi waxay ka koobnaayeen dhamaan beelaha wada dega dalkeena. Ergadan oo
London u tagay in ay soo dhiraandhiriyaan Xoriyad Maxmiyada Somaliland ka hesho
gumaysigii Ingriiska, waana ay ku soo guulaysteen.
54 Sanadood waxa haatan
Somalia iyo Somaliland u socda wadahadlo la miisaan ah kuwii ergadii beelaha
wada leh Somaliland ay 1960kii la galeen boqortooyada Ingiriiska ee Xoriyadii
26 June 1960kii aynu qaadanay sababay.
NASIIBDARADA HAATAN DHACAY
MAXAY TAHAY: Wareegii ugu dambeeyay markii uu ka socday Istanbul ergooyinkii
Somalia iyo Somalialnd oo miiskii wadahadalka wada fadhiya ayaa Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI
ayuu hordhigay mooshin dhabarka lagaga tooganayo xubno ka mid ah Ergada u
matalaysay dalkeena WADAHADALADA ujeedkoodu yahay Xidhiidhka Mustaqbalka ee
Somaliland iyo Somalia. Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ah
darwiish/ Mudane Baashe Maxamed Farax oo ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka
culus ergada Somaliland marka loo eego dhinaca deegaanka iyo wadajirka
midnimada shacabka Somaliland ayuu Gudoomiye Ciro mooshin lagu sadqaynayo
golaha wakiilada duuduub kaga ansixiyay.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan
talaabadaasi Gudoomiyaha Wakiiladu qaaday gantaal lagu naafaynayo karaamada
ergada Somaliland iyo mid lagu dhantaalayo midnimada shacabka Somaliland. Anaga
(Bulshada rayidka ah ee Somaliland) waxa aanu si xoogan u aaminsanahay
miisaanka culus ee Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Mudane
Baashe Maxamed Farax uu kulahaa ergada Somaliland in ay la mid ahayd MIISAANKII
iyo DOORKII Rabi naxariistiisa jano haka waraabiyee Marxuunkii/Darwiish Garad
Ali Garad Jama, uu ku lahaa ergadii 54 sano ka hor bishii May 1960 Mustacmarkii
Ingiriis wadahadaladii xoriyada Somaliland ku keentay.
Dhinaca kale, Ergadii ka
socotay Xukuumada Federaalka Somalia iyagoo miiskii wadahadalada fadhiya ayaa
Dawlada Federaalka Somalia xilal cusub u magacowday qaar ka mid ah ergadoodii
oo labo (2) ka mid ah u magacaabeen xilal wasiiro ah. Halka xubno ergada
Somaliland kuwii ugu Miisaanka culusaana golaheena wakiiladu ay dhabarka ka
tooganayaan.
Talaabadan
ayaa noola muuqata mid uu Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ku kala
fogaynayo midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland wada leh, isla markaana ah weerar si toos ah uu ugu mijoxaabinayo wadahadalada misiirka dalka Somaliland.
Xogta taasi ka sii yaab
badan ee aanu shacabka u sheegayno ayaa ah mid ka dhexmuuqata wax ka bedelka
xeer hoosaadka iyo isku shaadhaynta gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada
Somaliland, isagoo awoodahiisa u gaarka ah isticmaalaya Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland wuxuu u magacaabay gudiga ugu
miisaanka culus gudi hoosaadyada golaha wakiilada gaar ahaan gudoomiyaha gudida
joogtada ah Xildhibaan Mahdi Buubaa oo xubin qoyskiisa ka tirsani Ismail Buubaa
ka mid yahay Ashkhaasta faro-ku-tiriska ah ee Dalka iyo Umada iyo Distoorka
Somalilandba KHIYAAMEEYAY hadh iyo habeena DHAGARAHA u soo maleega. Inkasta oo ay labo shaqsi ay kala yihiin loona nisbaykarin Gudoomiyaha cusub ee Gudida Joogtada ah uu u magacaabay Abdirahman Ciro Gudida Joogtada ah, hadana amaanada amaanka Qaranku (National Interest) mar kasta waa in ay ku jiraan gacmo aamin ah.
FARIINTA DHAQDHAQAAQYADA DIMUQURAADIYADA SOMALILAND U DIRAYAAN GUDOOMIYAHA GUDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA GUURTIDA
Anagoo u hayna ixtiraam farobadan kuna dabo taagana amaanada culus iyo kaalinta wax ku oolka ah ee Golaha Guurtidu kaga jiro dhismaha Qaranka Somaliland, waxanu si buuxda u taageersanahay ergada Guurtida ee uu hogaaminayo Aabaha Nabada Somaliland Mud. Xaaji Abdikariim Xuseen waxana aanu EEBE uga baryaynaa in uu ku guuleeyo.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay aaminsan yihiin in ergada golaha guurtida ee khilaafka golaha wakiilada gacanta ku haysaa in ay awoodooda isugu geeyaan sidii Golaha wakiilada Somaliland ugu sii shaqayn lahaa nidaamka dimuquraadiga ah ee uu ku dhisan yahay isla markaasina lagu soo doortay. Talaabo kasta oo lagu muquuniyo tirada badan (Majority) waxay dhaawac halis ah ku tahay nidaamka dimuquraadiyada ee dalkeena iyo distoorkeenu jideeyay.
DHAQAN KU CUSUB DALKA: RAG KU BAAQAYA IN UU DHIIG KU
DAADAN DOONO DALKA
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay xogogaal u
noqdeen rag Muqdisho dhexdeedana todobaado ka hor kaga jiray olole ay ku rabaan
xilal in ay u magacawdo Xukuumada Federaalka Somalia, markii ay ku soo
hugoobeena maalmahan u dambeeyay Caasimada Somaliland Shirar Jaraa'id ku
qabanayay oo ku goodiyay in dhiig sokeeyo ay ku daadan doono.
Falalka noocaasi ah
dhaliisheeda waxa iska leh Xukuumada Madaxwayne Siilanyo gaar ahaan Wasaarada
Arimaha Gudaha iyo hay'adaha sharci fulinta.
KHATARO HORLEH OO SOO
FOODSAARAY GEEDISOCODKA DIMUQURAADIYADA SOMALILAND
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay bulshada caalamka
iyo dalalka ka taageera dimuquraadiyada dalkayaga Somaliland la socodsiinayaan
werwerka aanu ka qabno dhaqdhaqaaqyo dhinaca siyaasada Somaliland ku soo xoogaysanaya kuwaasi oo aanu u aragno caqabadaha ugu waawayn ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba ka hor imanaya geedi
socodka nidaamka dimuquraadiyada Somaliland waxana ka mid ah:
Koox la baxday Madasha
Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay xubno ka yihiin Rag ay Mujaahidiin ay u yaqaanaan beelaha dhexe ee
Somaliland ayaa qaarkood ay Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku diiwaangaliyeen dhagaysiyo dacwado argagixiso oo
Maxkamadaha Somaliland ka garnaqayeen laguna soo bandhigay cadaymo muujinaya
shir qarsoodi ah oo dhexmaray xubin muhiim ah oo ka tirsan Madasha Wadatashiga
Qaranka iyo wakiilo dhinaca Mirataniga ah oo ka tirsan Xarakada Alshabaab
ujeedkooduna ahaa Inqilaab lagu afgabiyayo xukuumadii tan maanta jirta ka
horaysay oo shacabka Somaliland si dimuquraadidga ah ay u soo doorteen, iyadoo tan iyo markii ay xogtaasi soo baxday aanay cida ay khusaysay si cad uga hadlin ama u beenin.
Soo galintaanka Siyaasada dalka kooxo Islaamiyiin ah oo reer Somaliland ah kuna suntanaa Golihii Maxaakiimta Islaamiga oo horaantii iyo badhtamihii sanadkii 2006 qabsaday badi
koonfurta iyo badhtamaha Somaliland, xogtan oo waafaqaysa xog kale oo ku jirtay
warbixin ay qoreen koox ka tirsan Kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii
ugu dambaysay ee Golaha Deegaanka Somaliland kuwaasi oo kormeer hordhac ah oo
ay ku qiimayn ah ku yimi dalka ka hor doorashadii golayaasha Deegaanka ee
dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay.
Warbixintaasi waxay hoosta
ka xariiqday in urur siyaasadeedkii kali ahaa ee islaamiga ahaa oo doorashii
deegaanka ku hadhay uu la midoobay XISBIGA WADANI.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland ayaa diiwaangaliyay
badhtamihii sanadkii 2006 ashkhaas iyo kooxo isugu jiray ururada diinta ee
xagjirka ah iyo hogaamiye dhaqameedyo ay samaysteen ayaa dalka ka waday
dhaqdhaqaaqyo xoog u abaabulan oo ku baaqaya in isku xukunka shareecada islaamka
lagaga dhaqmo Somaliland dadkaasi oo shirar abaabulan u qabanayay beelaha
Somaliland iyagoo dalka ka kiciyay duufaano khalkhal galiyay nidaamka kala
dambaynta iyo ku dhaqankii distoorka Dimuqraadiga ah kuwaasi oo haatan ka mid
ah Xisbiga WADANI.
SAAMAYNTA XUN EE NIDAAMKA DAWLADNIMO &
DOORASHOOYINKA UU KU LEEYAHAY KHILAAFKA XISBIGA KULMIYE DHEXDIISU
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan
mushkilad qaran khilaafka ka jira gudaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE
ilaa xad waxanu dareensanahay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu caqab wayn ku
yahay socodsiinta hawlaha qaran ee ay Xukuumada dalku qaranka u hayso iyadoo
dalku marayo marxalad xaasaasi ah oo u baahan in nidaamka dawladnimo uu si
buuxda u shaqeeyo ayaa khilaafka KULMIYE oo gaadha in uu markasta dibada iyo
warbaahinta u soo baxo taasi oo curyaamin karta habsami u socodka hawlaha
qaranka.
Sidoo kale waxa uu gaadhay
in uu markii ugu horaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE fursado siiyo cadowga Somaliland
iyo in Wakiiladii Somaliland meel mariyaan Mooshino dhabarjab ku ah qaranimada
Somaliland.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ugu baaqayaan
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Somaliland
Mud. Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo" in ay sida ugu dhaqsaha badan u
qaadaan talaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE
ragaadiyay oo haddii xal kama dambays ah ay u heli waayaan saamayn fool xun ku
leh qaranka Somaliland.
DIIWAANGALINTA MUWAADINIINTA IYO TAN CODBIXIYAYAASHU
LABO ISKU CADOW AH.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka faaiidaysanaya
waayo aragnimadii Somaliland ka heshay diiwaangalintii muwaadinimada iyo tii
codbixiyayaasha oo hore hal mar looga wada qabtay dalkeena taasi oo fashilaad
ku dhamaatay.
Isla markaasina anagoo og
muhiimada aan la qiyaasi karin oo ay dalka Somaliland u leedahay sugida
diiwaangalinta muwaadiniinta u dhalatay dalka oo si habsami ah u qabsoonta kana
wada hirgasha dhamaan deegaanada Jamhuuriyada Somaliland.
Xogogaalna u ah Kaalinta
wax ku oolka ah ee suurtogalinta diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay u
leedahay dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo horumarka arimaha bulshada
caafimaadka, waxbarashada iyo maalgashiga
Waxanu ugu baaqaynaa
Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Siyaasada, Dalalka iyo Ururada caalamiga ah ee
inaga taageera hawshan, golayaasha qaranka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland
in loo hawlgalo sidii ay u kala madaxbanaan lahaayeen Diiwaangalinta
Muwaadiniinta iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaashu, oo haddii hal mar la wada
qabto sida ay dhawaan dhinacyada arimahani khuseeyaan ku heshiiyeen aan lagu
guulaysan doonin in la sameeyo diiwaangalimo sax ah oo muwaadinimo iyo mid
codbixiyeyaal.
Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay waxay rumaysan
yihiin in Axsaabta Siyaasada Somaliland aanay danaynaynin Ahmiyad Culus ee
diiwaangalinta Muwaadiniintu u leedahay dalka iyo dadka Somaliland balse taasi
lidigeeda ay danaynayaan kaliya sidii doorsho ay talada dalka ugula wareegi
lahaayeen.
Hadii hal mar la wada
qabto Diiwaangalinta Muwaadiniinta iyo tan Codbixiyayaasha Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ka
digayaan in natiijo la aamini karo oo saxi ahi ka soo baxaynin sababtoo ah
waxanu aaminsahay in xamaasad iyo olole gobalaysi, deegaan iyo mid
qabyaaladeedba xisbiyada Siyaasada Somaliland galin doonaan hawshaasi sidaana
tacab wakhti iyo miisaaniyad badani kaga khasaari doonto Qaranka Somaliland.
Suleiman ismail Bolaleh
Afhayeenka Difaacayaasha
Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland
xuquuq@gmail.com,
hornwatch@yahoo.com
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment