Muwaadin Somaliland ah oo Qabrigiisa Laga Helay Dalka Shiinaha |
Magaalo ku taalla bartamaha dhulka Shiinaha oo lugu magacaabo Jiyo-Jaan, ayaa waxaa ka dhacday arrin filan waa ku noqotay dadkii maqlay iyo kuwi arkayba kaddib markii Jaamacad halkaasi ku taalla oo dhismaheeda laballaarinayey lagu arkay qabri nin Somaliland ah oo kudhawad 100 sano ka hor halkaasi lagu duugay,sidaa waxaa sheegatay warbaahinta.
Markii la arkay qabrigaasi, lana akhriyey qoraaladii ku qornaa dhagxaantii daboolka u ahayd qabrigaasi waxaa la xaqiijiyey qofkii halkaasi ku duugnaa in uu ahaa Soomaali, lana aasay 1916-kii, iyadoo la hakiyey dhimihii Jaamacadda, doodna ka dhalatay sida laga yeelayo.
Mid ka mid ah Ardayda wax ka barata dalkaasi oo lagu Magacaabo Cabdalla Maxamed Cabdi Horeeye oo la hadlayey raadiyaha ayaa sheegay innay Qabriga dul-tageen ay ku arkeen erayo Qoran 89-sano.
Wiilkaan Ardayga ah ayaa ka mid ah guddi loo xil saaray innay baaritaano ku sameeyaan Meydka Qofka Somalilander ah ee la aasay 1916-kii,kaasoo aasan 89-sanno.
Qabriga waxaa kale oo ku qornaa sidaan:-
Taariikhda la aasay:-1916-kii
Magaca:-Dhoodaan Macalin Axmed
Deegaan:-Berbera Somaliland.
Dowladda China ayaa baaritaan ku wada Meydka Ninkaan,waxaana la ogaanayaa sidii uu u geeryooday,waxaana haddii la dilay ay noqonaysaa in China ay dhul ballaaran ka siiyo dalkeeda Somaliland.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment