Hordhac
Eray
Bixin waxaa lagu qeexaa barashada erayada iyo isticmaalkooda. Waxaa
sidoo kale Eray Bixin la yiraahdaa cilmiga micne aanuu lahaan jirin lagu siiyo
eray; ama eray micne kale oo aanu isagu lahaan jirin lagu deymiyo. Tusaale
ahaan, erayada buurbuuran ee hoose micne kale ayay lahaan jireen intii aan dib
eray bixin kale loogu samayn oon micne aanay lahaan jirin la siinin. U fiirso:
Web: waxay ahaan jirtay
guriga caaracaarada inta aan tiknoolojiyadda casriga ahi iman una bixin
mareegta wax laga daalacdo.
Virus: waxa uu eraygani
ahaan jiray hargab qandho badan oo dadka, shimbiraha iwm ku dhaca inta aan
tiknoolojiyadda casriga ahi cudur computer-ka ku dhaca u bixin.
Memory: waxa uu eraygan na
ahaan jiray xasuusta caadiga ah ee aadanaha, hadda se waa qayb computer-ka mid
ah oo wax lagu keydsho.
Sidaa
si la mid ah, marka aynu eray bixin samaynayno laba dhabbo midood baynu
qaadaynaa ama labada wadda ba waynu isku daraynaa. Waa:
1)Waddada
koowaad: Eray tiknoolojiyadda casriga ahi inoo keentay baynu mine hore u
jiray siinaynaa.
2) Waddada
labaad: Eray qalaad asaan in badan isticmaalay oo Soomaali noqday baynu u
raadinaynaa eray asal ahaan Soomaali ah oo in la isticmaalo kaga habboon.
Intaasi
hordhac ha inoo ahaatee, waxay nu qormadeena ku eray bixin doonnaa 6 eray oo
inta badan tiknoolojiyaddu inoo keentay asaynu isticmaalo. Waa kuwan ee ha u
daymo la’aan in aad isticmaasho hadda dabadeed.
CV = SAR WAJI
CV:
waxaa lagu qeexaa qoraal faahfaahinaya wax-barashadaada iyo shaqooyinkii aad
soo qabatay oo la gaysto xafiis shaqo laga doonayo.
SAR
WAJI: waa eray Soomaali ah. Sar Waji waxaa laga keeni jiray qof la soo dilay si
loo muujiyo in aanay maanta ka dib banaanayn in laga shakiyo in hebel la nebcaa
noolyahay iyo in kale. Ragga cadaawe dagaal ba’ani qolo kala dhexeeyo ku
duulaya waxaa lagu guubaabin jiray Reer Hebel inoo ka soo aara, Hebel na sar
waji ha na looga keeno haddii uu idiin soo gacan galo.
Taas
micnaheedu waxaa weeye mar haddii qofka sar waji laga keeno,
warkiisu caa cad yahay. Anoo micnehaas ka qiyaas qaadanaya waxaan u qaatay in
ay isku habboon yihiin labada eray een kor mid wal ba ku soo qeexay ee CV &
Sar Waji. CV waxa ay ka koobantahay labada eray ee Curriculum &
Vitae. Sar Waji na labada eray ee sar & waji. Haddii
CV laga soo gaabshay curriculum vitae, sar wajina waxaa
loo soo gaabin karaa SW.
Tusaale:
Qorfkii danaynaya shaqada, waxaa laga filayaa in uu ku soo hagaajiyo Sar
Wajigiisa (SW) xafiiska shaqada ee shirkadda Golis.
HAAJIRID = TOLOW
War-baahinteenu
waxa ay aalaa isticmaashaa labada eray ee haajirid & migration oo
labaduba qalaad marka ay ka hadlayaan dad meel ay asal ahaan u dagi jireen ka
soo diga rogtay iyaga oo colaad ama faqri dabada ka eryayo. Laakiin, waxaynu
leenahay eray labadaas eray ba ka mudan, Soomaali ah kagana habboon meesha la
galiyey isticmaal ahaan. Waa erayga:
Tolow:
ka guurid meel aad dhawr ab u dagganayd adoo calaad & gaajo midkood ama
labadaba ka cararaya. Eraygani waxa uu caan ku yahay sheekadii ‘Ayax Tag
Eelna Reeb’. Ayax Maxamed Dhawre waxa uu ka toloobay deegaanka Mudug
isagoo dhibsaday kaalin riixa reerihii ay ood wadaagta ahaayeen ee Reer Mudug
iyo Ceelcad.
Hadaba,
aniga oo dhaqankii hore ee Soomaaliyeed ku salaynaya dooddayda, waxay iila
ekoonaatay in labada eray ee haajirid & tolow la isku
fasiri karo.
Haajirid
= Tolow
Haajiray
= Toloobay
Tusaale:
Dad badan oo Soomaali ah oo ka soo toloobay Geeska Afrika ayaa
deggan waddanka Maraykanka.
AJNABI = QALAAD
Ajnabi: waa qofka ka baxsan
dadka aynu nahay ama naqaan. Labada jeer ba waa la dhahaa qof waa ajnabi
haddii:
1)Aanu
qoyskeena ahayn. Wiilka ka xijaabo ajnabi buu kaa yahay e.
2)Uu
meel kale ama waddan kale ka yimid. Wiil ajnabi (Kenyan) ah bay guursatay.
Qalaad: waa la mid,
laakiin, badanaa war-baahinteenu ma isticmaasho eraygan Soomaaliga ah aadkana
ugu habboon meesha ay ajnabi galiyaan.
Tusaale:
ayaamahan waxaa soo cusboonaaday in wiilal qalaadi guursadaan
gabdhaheenii Soomaaliyeed. Maxay tahay sababtu?
INTERNET = FAAL
Internet:
waa aalad qaaradaha isaga kala gooshta oo lagu xiriiro. Cilmi yaal waddan kaa
fog ayuu kuu soo xambaaraa, ama sida dhambaalkan hadda aad akhrinayso oo kale, internet-ku
waxa uu kuu keenaa wax qofka qoray aanad aqoon badan u lahayn.
Faal: in kaste oo aanu wax
wanaagsan ahayn, hadda na, waa shay hadda isticmaaliisii yaraaday. Waxa uu
ahaan jiray wax loo haysto in uu sheego waxyaabaha dadka ka dahsoon. Waxaa la
oran jiray waxaas ma faal baa sheegay? In la rumaysto
bay u badnaan jirtay waxa faalku sheego. Waxa laga eegi jiray waxyaabaha, waa
sida internet-ka maanta e, la isku qabto oo lagu heshiin waayo.
Maanta, waxa ay iila ekoonaatay caadadaas aan wanaagsanayn ee sii dhimanaysa in
magacii laga la haro oo internet loo bixiyo.
Ma
faaliyaa kuu sheegay? = Ma internet-kaad ka eegtay?
Tusaale:
haddii aad doonayso faal magaalada hoose u soo dhaadhac.
COMPUTER = FAALIYE
Computer:
waa shayga aad qoraalkan ka akhrinayso ama ka soo daabacatay. Dadka badankiisu
aqoon bay u leeyihiin. In kaste oon isticmaalkiisu internet oo
kali ah ku koobnayn, haddana, markainternet la haysto ayaa computer loo
baahdaa. Taasina waa sababta igu dhalisay in aan Computer u
bixiyo Faaliye.
Tusaale: Faaliyaha iidaar faal baan
doonayaaye. Faalku waa uu luudayaa oo khadkaa gaabinayeefaaliyehaaga
iska daaro oo isug.
HATTRICK = JARE
Hattrick:
waa saddex gool oo isku cayaartoy dhaliyo. Eraygaan waxaa sidiisa u soo qaata
oo isticmaala wariyeyaasha idaacada aalaa marka ay cayaaraha ka waramayaan.
Waxay yiraahdaan: Hebel baa koox heblaayo hattrick ka
dhaliyey.
: waxa uu eraygani ka yimid cayaarta
Soomaalidu cayaato ee shaxda. Waa cayaar badanaa markii ba ay laba qof
cayaarto. Shax weynta qofkii ba waxa uu dhigtaa 12 qori ama mir. Afarreeyda se
qofkiiba 4 mir buu dhigtaa. Waa tan midda jarehu muhiimka u yahay. Sida kooxda
hal cayaartow hattrick u dhaliyo aalaa u badiso ayaa qofkii jare dhacaa
u badiyaa shaxda afarreeyda ah. Sida saddexda gool ee hattrick-gu
isku xigaan ayaa saddexdan mir na isu xigaan. Taasi na waa sababta aan saddexda
gool ee hattrick-ga jare ugu bixiyey.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment