Friday, February 7, 2014

6 ERAY OO SI CASRI AH LOO FASIRAY Qalinkii Cabdirisaaq Baraag



Hordhac

Eray Bixin waxaa lagu qeexaa barashada erayada iyo isticmaalkooda. Waxaa sidoo kale Eray Bixin la yiraahdaa cilmiga micne aanuu lahaan jirin lagu siiyo eray; ama eray micne kale oo aanu isagu lahaan jirin lagu deymiyo. Tusaale ahaan, erayada buurbuuran ee hoose micne kale ayay lahaan jireen intii aan dib eray bixin kale loogu samayn oon micne aanay lahaan jirin la siinin. U fiirso:

Web: waxay ahaan jirtay guriga caaracaarada inta aan tiknoolojiyadda casriga ahi iman una bixin mareegta wax laga daalacdo.

Virus: waxa uu eraygani ahaan jiray hargab qandho badan oo dadka, shimbiraha iwm ku dhaca inta aan tiknoolojiyadda casriga ahi cudur computer-ka ku dhaca u bixin.

Memory: waxa uu eraygan na ahaan jiray xasuusta caadiga ah ee aadanaha, hadda se waa qayb computer-ka mid ah oo wax lagu keydsho.

Sidaa si la mid ah, marka aynu eray bixin samaynayno laba dhabbo midood baynu qaadaynaa ama labada wadda ba waynu isku daraynaa. Waa:

1)Waddada koowaad: Eray tiknoolojiyadda casriga ahi inoo keentay baynu mine hore u jiray siinaynaa.

2) Waddada labaad: Eray qalaad asaan in badan isticmaalay oo Soomaali noqday baynu u raadinaynaa eray asal ahaan Soomaali ah oo in la isticmaalo kaga habboon.
Intaasi hordhac ha inoo ahaatee, waxay nu qormadeena ku eray bixin doonnaa 6 eray oo inta badan tiknoolojiyaddu inoo keentay asaynu isticmaalo. Waa kuwan ee ha u daymo la’aan in aad isticmaasho hadda dabadeed.

CV = SAR WAJI

CV: waxaa lagu qeexaa qoraal faahfaahinaya wax-barashadaada iyo shaqooyinkii aad soo qabatay oo la gaysto xafiis shaqo laga doonayo.

SAR WAJI: waa eray Soomaali ah. Sar Waji waxaa laga keeni jiray qof la soo dilay si loo muujiyo in aanay maanta ka dib banaanayn in laga shakiyo in hebel la nebcaa noolyahay iyo in kale. Ragga cadaawe dagaal ba’ani qolo kala dhexeeyo ku duulaya waxaa lagu guubaabin jiray Reer Hebel inoo ka soo aara, Hebel na sar waji ha na looga keeno haddii uu idiin soo gacan galo.

Taas micnaheedu waxaa weeye mar haddii qofka sar waji laga keeno, warkiisu caa cad yahay. Anoo micnehaas ka qiyaas qaadanaya waxaan u qaatay in ay isku habboon yihiin labada eray een kor mid wal ba ku soo qeexay ee CV & Sar Waji. CV waxa ay ka koobantahay labada eray ee Curriculum & Vitae. Sar Waji na labada eray ee sar & waji. Haddii CV laga soo gaabshay curriculum vitaesar wajina waxaa loo soo gaabin karaa SW.

Tusaale: Qorfkii danaynaya shaqada, waxaa laga filayaa in uu ku soo hagaajiyo Sar Wajigiisa (SW) xafiiska shaqada ee shirkadda Golis.

HAAJIRID = TOLOW

War-baahinteenu waxa ay aalaa isticmaashaa labada eray ee haajirid & migration oo labaduba qalaad marka ay ka hadlayaan dad meel ay asal ahaan u dagi jireen ka soo diga rogtay iyaga oo colaad ama faqri dabada ka eryayo. Laakiin, waxaynu leenahay eray labadaas eray ba ka mudan, Soomaali ah kagana habboon meesha la galiyey isticmaal ahaan. Waa erayga:

Tolow: ka guurid meel aad dhawr ab u dagganayd adoo calaad & gaajo midkood ama labadaba ka cararaya. Eraygani waxa uu caan ku yahay sheekadii ‘Ayax Tag Eelna Reeb’. Ayax Maxamed Dhawre waxa uu ka toloobay deegaanka Mudug isagoo dhibsaday kaalin riixa reerihii ay ood wadaagta ahaayeen ee Reer Mudug iyo Ceelcad.
Hadaba, aniga oo dhaqankii hore ee Soomaaliyeed ku salaynaya dooddayda, waxay iila ekoonaatay in labada eray ee haajirid & tolow la isku fasiri karo.

Haajirid = Tolow

Haajiray = Toloobay

Tusaale: Dad badan oo Soomaali ah oo ka soo toloobay Geeska Afrika ayaa deggan waddanka Maraykanka.  

AJNABI = QALAAD

Ajnabi: waa qofka ka baxsan dadka aynu nahay ama naqaan. Labada jeer ba waa la dhahaa qof waa ajnabi haddii:

1)Aanu qoyskeena ahayn. Wiilka ka xijaabo ajnabi buu kaa yahay e.
2)Uu meel kale ama waddan kale ka yimid. Wiil ajnabi (Kenyan) ah bay guursatay.

Qalaad:  waa la mid, laakiin, badanaa war-baahinteenu ma isticmaasho eraygan Soomaaliga ah aadkana ugu habboon meesha ay ajnabi galiyaan.

Tusaale: ayaamahan waxaa soo cusboonaaday in wiilal qalaadi guursadaan gabdhaheenii Soomaaliyeed. Maxay tahay sababtu?

INTERNET = FAAL

Internet: waa aalad qaaradaha isaga kala gooshta oo lagu xiriiro. Cilmi yaal waddan kaa fog ayuu kuu soo xambaaraa, ama sida dhambaalkan hadda aad akhrinayso oo kale, internet-ku waxa uu kuu keenaa wax qofka qoray aanad aqoon badan u lahayn.
Faal: in kaste oo aanu wax wanaagsan ahayn, hadda na, waa shay hadda isticmaaliisii yaraaday. Waxa uu ahaan jiray wax loo haysto in uu sheego waxyaabaha dadka ka dahsoon. Waxaa la oran jiray waxaas ma faal baa sheegay?  In la rumaysto bay u badnaan jirtay waxa faalku sheego. Waxa laga eegi jiray waxyaabaha, waa sida internet-ka maanta e, la isku qabto oo lagu heshiin waayo. Maanta, waxa ay iila ekoonaatay caadadaas aan wanaagsanayn ee sii dhimanaysa in magacii laga la haro oo internet loo bixiyo.

Ma faaliyaa kuu sheegay? = Ma internet-kaad ka eegtay?

Tusaale: haddii aad doonayso faal magaalada hoose u soo dhaadhac.

COMPUTER = FAALIYE

Computer: waa shayga aad qoraalkan ka akhrinayso ama ka soo daabacatay. Dadka badankiisu aqoon bay u leeyihiin. In kaste oon isticmaalkiisu internet oo kali ah ku koobnayn, haddana, markainternet la haysto ayaa computer loo baahdaa. Taasina waa sababta igu dhalisay in aan Computer u bixiyo Faaliye.
TusaaleFaaliyaha iidaar faal baan doonayaaye. Faalku waa uu luudayaa oo khadkaa gaabinayeefaaliyehaaga iska daaro oo isug.

HATTRICK = JARE

Hattrick: waa saddex gool oo isku cayaartoy dhaliyo. Eraygaan waxaa sidiisa u soo qaata oo isticmaala wariyeyaasha idaacada aalaa marka ay cayaaraha ka waramayaan. Waxay yiraahdaan: Hebel baa koox heblaayo hattrick ka dhaliyey.
: waxa uu eraygani ka yimid cayaarta Soomaalidu cayaato ee shaxda. Waa cayaar badanaa markii ba ay laba qof cayaarto. Shax weynta qofkii ba waxa uu dhigtaa 12 qori ama mir. Afarreeyda se qofkiiba 4 mir buu dhigtaa. Waa tan midda jarehu muhiimka u yahay. Sida kooxda hal cayaartow hattrick u dhaliyo aalaa u badiso ayaa qofkii jare dhacaa u badiyaa shaxda afarreeyda ah. Sida saddexda gool ee hattrick-gu isku xigaan ayaa saddexdan mir na isu xigaan. Taasi na waa sababta aan saddexda gool ee hattrick-ga jare ugu bixiyey.

No comments: