Maamulka Puntland ayaa
xilal kala duwan u magacawday masuuliyiin u dhashay maamulka Khaatuma
qaarkoodna xilal ka soo qabtay sida madaxweynihii hore ee Axmed Karaash.
Waxaa arrintani loo
sababeynayaa dagaalka ay Puntland kula jirto maamullada la dariska ah gaar ahaa
kan Khaatuma oo ay isku hayaan dhulka.
Horay waxaa madaxweyne ku
xigeenka u ahaa C/samad Cali Shire oo u dhashay beesha DHulbahante waxaana la
sheegay in isaga iyo Faroole ay isku qorshe ahaayeen isla markaana ay isla
maleegeen qorshihii lagu weeraray magaalada Taleex ee Khaatuma State.
Labo kamid ah madaxweynayaasha Khaatuma iyo rag kale oo
maamulkaasi ka soo jeeda ayaa C/wali Gaas uu u magacaabay wasiirro, taas waxay
ka dhigan tahay in siyaasaddii dagaalka ee uu C/raxmaan Faroole wax ku
raadinayay in uusan Gaas wax ku doonin.
Labadii madaxweyne ee soo maray Khaatuma haddii laga
dhigay wasiirro maxaa xigi doona waa midda la hadal hayo maanta Soomaaliya.
Waxaa kaloo dadka
siyaasadda ku xeel dheer sheegayaan in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan oo
loo baahan yahay in lagu xumeeyo Khaatuma.
Xildhibaan Cali Khaliif
Galeyr oo dhowaan ka hadlayay munaasabaddii Khaatuma ee Nairobi ayaa sheegay in
qadiyadda Khaatuma ay tahay mid sugan oo aysan fara galin karin Puntland iyo
Somaliland halkaasoo dhiiga ku kariyay Gaas iyo Siilaanyo.
Xaalka hadda Puntland iyo
Khaatuma waa uu ka duwan yahay kii shalay ee Faroole waxaana idin soo gudbin
doonnaa Warbixinno ku saabsan labada maamul iyo dagaalka ka dhaxeeyo.
Source: http://www.wadani24.com/
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment