Gudida Ilaalada Xuquuqda
Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH, waxay si xoogan uga walaacsan yihiin
xadgudubyo isa soo taraya kuwaasi oo bilihii ugu dambeeyay lala beegsado
qaybaga bulshada Somaliland ugu nugul ee dhaqan ahaan ee la takooro.
Gaboodfalada qaylo dhaantani warinayso ayaa isugu jira:
Suleiman Ismail Bolaleh, HORNWATCH Chairman |
Qudhgooyo (Xaqa Nolosha); Sinnaan la'aanta Muwaadiniinta Dalka (Kala
sarreynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga); Ka Maanacaad
Helitaanka Cadaalad iyo Garsoor Dhex ah (Dambiyo Ciqaab ah oo loogu fuliyo
Gabooyaha Somaliland Hab aan Xeerka Waafaqsanayn); Haweenka ka soo jeeda
beelaha la takooro ayaa la ogaaday in ay la nool yihiin xadgudubyo ka badan
100% kuwa haleela dhigooda ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah.
Gudida Ilaalada Xuquuqda
Aadamiga Geeska Afrika ayaa tan iyo bishii Octobar ee sanadkan 2013 diiwaangaliyay xadgudubyo isa soo taraya oo lala beegsanayo haweenka bulshada Somaliland ee la takooro ee Gabooyaha.
Rabi Naxariistiisa jano haka waraabiyee waxa xaafada Daami ee caasimada Hargeysa 2dii bilood ee u dambeeyay qudha lagaga jaray 2 haween ah oo Gabooye ah kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Marxuumad Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah iyo Muluug Axmed Egeh 28 sano jir xaasley dhashay afar caruur ah.
Rabi Naxariistiisa jano haka waraabiyee waxa xaafada Daami ee caasimada Hargeysa 2dii bilood ee u dambeeyay qudha lagaga jaray 2 haween ah oo Gabooye ah kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Marxuumad Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah iyo Muluug Axmed Egeh 28 sano jir xaasley dhashay afar caruur ah.
Marxuumada 1aad: Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah - Jilibka Talaabo-cade qabiilka Muuse
Dhariyo ee Beelwaynta Gabooyaha.
waxa lagu dilay xaafada Daami taariikh 14 Octobar 2013, abaaro 3:00 a.m saac, hubka loo isticmaalay tooray uu ku dhuftay nin ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah ee dega
xaafada Daami.
Marxuumada 2aad: Muluug Axmedyasin Egeh - Jilibka Bacaylo oo qabiilka Muse
Dhariyo ee Beelwaynta Gabooyaha waxa
lagu dilay xaafada Daami taariikh 4 Dec. 2013 abaaro 11:00 aroornimo, hubka loo
isticmaalay dhagax, ay ku dhufteen
dad ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah ee la dega xaafada Daami.
Wajigabaxa ka dhacay Xusaskii iyo Dabaaldagyadii maalmaha Xuquuqda
Aadamiga adduunka oo Somaliland sanadkan si wayn looga xusay ayaan Nasiibdaro mar kali ahna lagu soo
hadal qaadin tacadiyada joogtada ah ee qaybaha bulshada Somaliland ee aqlabiyada ahi ku hayana dhibanayaasha la takooro ee laga tirada badan yahay u fiirso Marxuumad Muluug Axmedyasin
Egeh MAYDKEEDU wuxuu u hoyday 9 caano maal (4-12 December 2013) QOLKA MAYDKA ee Cusbitaalka Guud ee
caasimada Hargeysa, kadib markii xukuumadu ka baaqsatay in ay soo qabato dadkii sida xaqdarada ah ku dilay oo markaasina Gabooyaha Hargeysa daganina diideen in ay aasaan maydkeeda ilaa inta cidii dilka gaystay dawladu soo qabanayso. Tani waxay ka marag kacaysaa sida aanay qiimo badab u lahayn nafta muwaadinka gabooyaha ah ee dalkiisa Somaliland joogaa.
Mudaharaad Daami 11.12.2013 by vosomwo |
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska
Afrika waxay aad uga walaacsan yihiin dhibaatada ay bulshada la hayb sooco ee
Somaliland kala kulmaan dhinaca cadaalada iyo garsoorka dalka Somaliland. 20 kii sano ee Somaliland xoriyadeeda dib ula
soo noqotay Gabooyaha Somaliland sida inta badan dhacday mar kasta oo Gabooyaha
Somaliland dacwado ay dhan ka yihiin gasho hay'adaha sharcifulinta iyo
garsoorka waxa xaalku ku dhamaadaa iyagoo Hay'adaha Sharci-fulinta Somaliland dhalan
gadiya Dacwadaha dhibanayaasha ay ka yihiin beelaha la hayb sooco iyagoo
dhibanayaasha Gabooyaha ah ka dhiga dhibgaystayaal.
Mashaqada taasi ka sii daran
ayaa ah tacadiyada Gabooyaha Somaliland kala kulmaan Garsoorka iyo
Sharicfulinta oo mid la mid ah ay haatan kala kulmeen helitaanka adeegii
caafimaad. Dilkii ugu dambeeyay ee loo gaystay Gabadha Gabooyaha ah
4/12/2013 hawlwadeenada sare ee caafimaadka cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa
sheegay in baadhitaan ay ku sameeyeen maydka Muluug Axmedyasin Egeh ay ku
ogaadeen in aanay u dhiman dhaawac dhagaxa ah ee ku dhacay balse taasi
bedelkeeda waxay dhaqaatiirtani yidhaahdeen in ay u dhimatay xanuun dhinaca xameetida
ah iyo wadno xanuun!!!.
Mudaharaad Daami 12.12.2013 by vosomwo |
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika waxay si cad ugu sheegayaan Masuuliyiinta Sare ee Wasaarada
Arimaha Gudaha Somaliland Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Madaxda
Cusbitaalka Guud ee Caasimada in tacadiyada lagu dhalan gadiyayo xaqiiqooyinka
dambiyada lidka ku ah xuquuqda aadamiga ee lala beegsado bulshada la hayb
soocaa ay yihiin qaar ay ka dhalan karaa dambiyo aadaminimo iyo xadgudubyo
Xuquuqda Aadamiga ah oo lagu dacwayn iyaga iyadoo loo marayo maxkamadaha
caalamiga ah ee dhagaraha laga galo aadamaha.
BOORAMA OO ISU BEDESHAY
CADAABTII IFKA EE GABOOYAHA SOMALILAND
Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee
Boorama oo ka mid ahaan jirtay magaalooyinka dhifta ah ee beelaha la takooro ee
reer Somaliland ay ku noolaan jireen takoor heerkiisu ka hooseeyo kan
magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyaduna isku rogtay cadaabtii ifka ee
Gabooyaha Somaliland kadib markii 2 sano ka hor wiil beelaha tirada badan ka
soo jeedaa oo ALLE haw naxariistee lagu magacaabo Aydiid Cabdiqaadir Cali oo uu
dhalay Sarkaal Sare oo ka tirsan dambi Baadhayaasha Booliska Gobolka Awdal oo
lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali uu jeclaaday gabadh yar oo ka soo jeeda beelaha
la takooro ee loo yaqaan Madhibaanka oo lagu magacaabo Malyuun Haybe Jamaac.
Markii wiilka qoyskiisu u diideen in uu gabadha Midgaanta ah guursado ayuu
isaga laftiisu qudha iska jaray kadib markii uu is qabadsiiyay gaas iyo dab,
nasiib daro wiilka aabihii oo ah sarkaal boolis ah waxa uu xabsiga ku guray dad
tiro badan oo ka soo jeeda Gabooyaha dega Boorama kuwaasi oo ay ka mid yihin
gabartii uu jeclaaday wiilkiisu Malyuun Haybe Jaamac, aabaheed Haybe Jaamac,
wiil lagu magacaabo Bedel Cabdi Aaden oo isagu ka soo jeeda qabiil ka mid ah
Gabooyaha oo la yiraa Yibir iyo xubno kale oo Gabooye ah.
Xadhigaasi waxa barbar socday
weeraro haweenka iyo dhalinyarada qabiilka wiilku ka dhintay ku qaadayeen
goobaha ay ka degan yihiin Gabooyuhu magaalada Boorame, gaar ahaan meheradaha
ay ku ganacsadaan iyagoo burburinayay miisaska ay hilibka ku iibiyaan, rayiislayaasha,
kabotolayaasha iyo meelaha birta ay ku tumaan, taasi oo sababtay in wiigag
isxigxiga dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha Boorama in ay ka soo bixi
waayaan guryahooda.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika ayaa xiligaasi diiwaangaliyay in ka badan 150 ruux oo u badan rag
iyo dhalinyaro markii ay nafahoodii u baqeen ka cararay magaalada Boorama
iyagoo tagay magaalooyinka Hargeysa ilaa Burco qaarkoodna waxay ka talaabeen
xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo gaadhay xeryahay qaxootiga
Somalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya oo ay maamusho Hay'ada UNHCR.
Bilowgiiba dacwada waxa dambi baadhe ka noqday Aabihii
dhalay wiilka dhintay Dambi Baadhe
Boolis Mr. Cabdiqaadir Cali Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska
Afrika ee HornWatch oo si taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada
ciqaabta ah ee lidka ku ah 2 wiil ee Gabooyaha ah, ayaa ka marag kacaya in 2-da
wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan garsoor dhex ah oo cadaaladeed iyo
nidaam baadhiseed oo xaq ku dhisan, Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u
dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka
iyo xataa dhaqanka toosan.
Baadhayaasha Xuquuqda Aadamiga
HORNWATCH waxay xogogaal u noqdeen in Qareen ka tirsan Ururka Qareenada
Somaliland oo caawimi qaanuun oo lacag la'aan ah ku difaacayay Labada eedaysane
markii dad cadhaysani soo weerareen fadhiyadii Maxkamada Gobolka Awdal dacwada
oo socota isla markaasina ay dhaawaceen xubno ka mid ah eedaysanayaasha iyo
eheladooda oo Maxkamada u yimi dhegaysiga dacwada, ayuu Qareenkii naftiisa u
baqay waxanu markiiba joojiyay caawimadii qaanuun ee uu siinayay 2 wiil ee
eedaysanayaasha ah iyo qoysaskooda.
Sidoo kale Gudida Ilaalada
Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay baadhitaanka kiiskan ku ogaadeen in Qareenkii
2aad ee difaacayay eedaysanayaasha Gabooyaha ah oo lagu magacaabo Amiin Sheikh
Said Sheikh Hassan uu ku waayay Gunadii uu ka heli jiray adeega caawimada
qaanuun ee uu lacag la'aanta uu ku siiyo qoysaska Gabooyaha ah ee eedaysanayaasha
kiiskan, Gunadan oo ay siin jireen Ururka Qareenada Somaliland ee Somaliland oo
fuliya Mashruuc ay maalgaliso hay'ada Qaramada Midoobay ee UNDP. Gudoomiyihii
hore ee ururka Qareenada Somaliland Mr. Maxamed Siciid oo fulinaya codsi aan
toos ahayn oo uga yimi Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ay
qaraabo dhaw yihiin Abdiqadir Ali oo ah Aabaha dhalay wiilka isdilay, isla
markaasina ah Garsooraha haatan gacanta ku haya kiiskan oo maraya maxkamada
darajada 2aad ee Racfaanka.
Maxkamada Gobolka Awdal ee
dacwada qaadayay, ciidanka Booliska ee baadhayay kiiskan, dhamaantood waxay la
safteen Dambi Baadhaha Booliksa ah ee Wiilkiisu isdilay Mr. Cabdiqaadir Cali
maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.
Baadhayaasha xadgudubyada ee
HornWatch waxa kale oo ay baadhitaan qoto dheer ku ogaadeen in maragyadii ogaa
in wiilka dhintay isagu is dilay oo ay ka mid yihiin dukaankii gaasta uu ka
iibsaday, meheradii uu Mobilkiisa u dhiibtay iyo dad arkayay markii uu gaasta
iyo dabka is qabadsiiyay dhamaantood waxay u safreen dhinaca Itoobiya oo ay ku
maqnaayeen mudadii dacwada socotay difaaca eedaysanayaasha iyadoo horena loo
sii siiyay lacagta aya ku noolaan karayeen.
Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa
iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo qanuunka waxay dil toogasho ah ku
xukuntay labo wiil oo arday ah oo ka soojeedaha midgaha reer boorama gaar ahaan
MADHIBAAN iyo Yibraha.
Kiiskan ayaa waxa uu si ba'an u
saameeyay dhinacyada amaanka iyo nolosha guud ahaan Gabooyaha dega magaalada
Boorama iyadoo in ka badan 100 rag ah oo in la dilo ka baqay ay ka qaxeen
guryahoodii meheradahoodii oo kala ahaa timojarayaal, hiliblayaal, kabotolayaal
iyo tumaalo kuwaasi oo amaan u raadsaday magaalooyinka kale ee Somaliland gaar
ahaan Hargeysa iyo Burco, halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka u dhexeeya
Somaliland iyo Itoobiya iyagoo magangalyo waydiistay Hay'ada Qaxootiga Adduunka
ee gacanta ku haysta xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal bariga dalka
Itoobiya.
Gabood falada iyo tacadiyada ay
la nool yihiin bulshada lagu takooro gudaha dalka Somaliland codkooda cidina ma
maqasho iyaguna malaha awoodii ay ku soo bandhigi lahaayeen, faqriga iyo
saboolnimada qotada dheer ee haysta awgeed iyo iyagoo aan talo iyo tusaale
midna ka odhan karin arimaha saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda toona.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika oo isku dayay in ay ogaadaan sababta ay cid uuni uga hadli wayday
tacadiyada baahsan ee ay la nool yihiin qaybaha bulshada Somaliland ee
latakooro ayaa waxay ogaadeen xogo naxdin leh,
F
Xukuumada Somaliland
ayaa magacawday saraakiil sarsare oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxa ka
mid ah
F
hal xubin
oo ku jirta golaha Wasiirada, inkastoo magac ahaan mooyee aanu ahayn nin ka war
haya waayaha iyo duruufaha adag ee dhaqan dhaqaale oo ay la nool yihiin beelaha
uu ka soo jeedo ee la hayb soocaa,
F
La
taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dhinaca arimaha beelaha laga la hayb sooco
yahay,
F
Xubin ka
mid ah Gudida Komishanka Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyo
F
hal
sarkaal oo ku jira Ciidamadanka Asluubta
F
Sidoo kale
waxa Duqa Caasimada Somaliland dhawaan u magacaabay Gudoomiyaha Deg. Axmed
Macalin Haruun Mr. Abdilahi Hassan Digaale oo ka hor xilkan ka mid ahaa dadka
sida wayn ugu ololeeya Xuquuqda Bulshada Somaliland ee la Takooro.
Saraakiisha ugu jirta bulshada Somaliland ee la takooro
dawlada ayaa iyagu sameeya talaabo kasta oo ay ku cabudhinayaan dadkooda dulman
waxana ay aaminsan yihiin haddii tacadiyadaasi banaanka u soo baxaan amase
iyaguba ka hadlaan in ay waayayaan xilalka sarsare ee ay ku qaataan
mushahaarooyin fiican.
Dhinaca kale, habdhaqan fool xun ayaa dishooday badi hogaamiye
dhaqameedka beelaha la hayb-sooco, kaasi oo midkastaaba kan kale ka soo
horjeedo oo buranayo.
Haweenka Beelaha La takooro haddii aad u dhabo gasho nolosha iyo waayahooda
waxad ogaanaysaa in ay boqoljeer ka tacadi iyo xadgubub badan yihin tacadiyada
haleela haweenka beelaha aqlabiyada ah oo ah kuwa inta ugu badan laga maqlo warbaahinta
.
Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee haweenka ugu waawayn dalka
dhamaantood waxa iska leh Haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada ee aqlabiyada
ah, waxayna ku guuldaraysteen in ay dalahooda samafal ku soo daraan ururada
haweenka qaybaha bulshada tusaale ahaan dalada haween ee ugu wayn Somaliland oo
lagu magacaabo NAGAAD WOMEN UMBRELLA oo ururada xubnaha ka ahi tirobadan yihiin
hadana hal urur oo ka soo jeeda ururada haweenka la takooro ee Somaliland kuma
jiro, halka Gabooyaha Somaliland ay leeyihiin kaliya labo (2) urur samafal
bulsho oo aad u yaryar (Ubah Social Welfare Organization (USWO) iyo Voice of
Somaliland Minority Women (VOSOMWO) isla markaasina aan ka helin wax gacan
qabasho ah oo la taaban karo Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah, Qaramada
Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka. Maadaama Daladaha waawayn ee haweenka Somaliland
aanay u war haynin tacadiyada iyo gaboodfalada argagaxa leh ee ay la nool
yihiin haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada Somaliland ee la takooraa, had
iyo goor kuma soo hadal qaadaan marka ay xusayaan maalmaha caalamiga ah ee
Tacadiyada Lidka ku ah Xuquuqda Haweenka.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika ee HornWatch waxay ugu baaqaysaa:
1.
Xukuumada
Somaliland in Gudi Heer Qaran ah oo ay xubno ka yihiin Komishanka Xuquuqda
Aadamiga Qaranka iyo Difaacyaasha Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee Somaliland
ay Saarto Dilalka Soo noqnoqday ee lala bartilmaameedsanayo Haweenka Beelaha la
Takooro iyo tacadiyada ka haysta dhinaca garsoorka iyo cadaalada dalka.
2.
Xukuumada
Somaliland waxanu si xushmad leh ugu sheegaynaa in la macaamilka falalka tacadiyada
lidka ku ah kuwa laga tirada badan yahay ee la takooro ee reer Somaliland ay ka
fiican tahay:
a. in
xukuumadu curiso Qorshaha Qaran ee Badbaadada (QQB) muwaadiniinta dhaqan ahaan
la takooro, samaynta qorshahaasi waa in lagala tashadaa dadka la takooro
laftigooda iyo hay'adaha caalamiga ah ee takhasuska u leh ilaalinta iyo
horumarinta bulshooyinka laga tirada badan yahay ee la faquuqo si ay
xukuumadeena u siiyaan xeeldheerayaal caalami ah oo waayo aragnimo dheer u leh
mawduucan samaynta qorshaha QQB
3.
Gudoomiyaha
Maxkamada Sare iyo Guud ahaan Hay'adaha Garsoorka Somaliland waxanu ugu
baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan xaalado dhinaca garsoorka ah iyo amaanka
ah dartood looga soo wareejiyo Maxkamadaynta 2 dhibane ee Gabooyaha ah oo sifo
sharci daro ah maxkamada Gobolka Awdal ugu xukuntay Dil Toogasho ah, iyadoo
Guud ahaan madaxda Garsoorka, Cadaalada Somaliland iyo sidoo kale Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Ururka Qareenada Somaliland xogogaal u yihiin
in aanay suurtogal ahayn in labadaasi dhibane garsoor dhex ah oo cadaalad ah ku
heli karin gobolka Awdal sidaasi darteed waxanu ku baaqaynaa in
Maxkamadayntooda loo soo wareejiyo Caasimada Dalka si loogu indho bato.
4.
Wasiirka
Arimaha Gudaha Somaliland, Taliyaha Booliska iyo Hogaamada Booliska waxa aanu
ugu baaqayanaa in ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta loogu soo dhigo dadka
gaystay dilalka iyo tacadiyada lala bartilmaameedsaday beelaha laga la hayb
sooco yahay, Waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka digayaan in la
marin habaabiyo baadhitaanada dadka loo hayo iyo kuwa aan wali loo soo qaban
dilalka loo gaystay haweenka Gabooyaha si sharciga loogala baxsado, taasi oo
dhacda aalaaba marka hay'adaha sharci fulinta oo 99% ka soo jeeda beelaha tiradabadan
5.
Haddii
Madaxda Sare ee Hay'adaha SharciFulinta Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland
ka baaqsadaan sharci horkeenida dadkii dilay haweenka Gabooyaha Somaliland
taasi waxay sababi doontaa in dacwado iyaga lidku ah aanu u gudbino beesha
caalamka iyo garsoorka adduunka.
Fiiro Gaar ah:
Waxa
xafiiska HornWach aad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan labada dhibane taariikh
nololeedkoodii iyo iska hor imaado ka dhacay xaafada daami kadib markii dadkii
dilay dhiban iyo qabaa'ilkoodu ku weerareen xaafadaha ay degan yihiin dadka
Gabooyaha ahi labadii habeen ee 12/13 Dec. 2013. Ciidamada Booliska Somaliland
ayaa iska hor imaadadaasi ku xidhxidhay 30 ruux oo ka soo jeeda dadka
aqlabiyada ah ee weerarada ku haya Gabooyaha Somaliland iyo 18 ka soo jeeda
beelaha Gabooyaha. Xaalada xaafada Daami xalay way deganayd waxana xukuumadu
guud ahaan dariiqyada dhex mara xaafadaasi dhigtay ciidamo kuwa amaanka ka
tirsan oo aad u hubaysan watana gadiid, talaabadaasi oo ah mid ay difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan
Suleiman Ismail Bolalah
Gudoomiyaha HORNWATCH
No comments:
Post a Comment