Warar
isa soo taraya oo ka soo baxaya qaabkii Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay
Hargeysa ayaa sheegaya in ay sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay bilowday in ay
Fiisayaal ku bixiso baasaaboorka E-passport-ka Somaliya kaasoo aanay hore u
bixin jirin.
Sadexdii
Maalmood ee u danbeeyay waxa Xarunta Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay hargeysa
buux dhaafiyay dad sita Baasaaboorkaasi sida ay waaheen u xaqiijiyeen ilo
wareedyo u dhuun daloolay dhaqdhaqaaqa Dadkaasi, waxaanay ku sababeeyeen
ogolaanshaha ay Qunsuliyaddu ogolaatay in ay Baasaaboorka Somaliya Fiise ka
siiso Hargeysa.
Ilo
wareedyaddu waxa ay ku sababeeyeen Ogolaanshaha Qunsuliyadda Hargeysa ay ku
bixinayso Fiisaha baasaaboor Somaliga Qunsulkii Itoobiya u fadhiyay Maamul
Goboleedka Puntland oo u soo wareegay hargeysa, kaasoo ku bixinaya Hargeysa
gudaheeda Fiisayaasha Passport-ka Somaliya.
Bixinta
ay Qunsuliyaddu Fiisayaasha ku siinayso Passport-ka Somaliya ayaa u muuqda inuu
ka dhex abuuray Qunsuliyadda iyo Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland dareen ah
in ay Somaliland diidan tahay talaabadan cusub, waxaanay warar dheeraad ah oo
Waaheen helaysaa sheegayaan in ay Cabsi wayn ka qabaan in Amaanku wiiqmo
maadaama aanay Somaliland ogolayn Passport-ka Somaliya ee E-passport-ka.
Ma
jiro war cad oo labada dhinac ka soo baxay oo ay Qunsuliyadduna ku ogolaatay
ama ku sharaxday Nidaamka cusub ee ay ku bixinayso Fiisayaashan Passport-ka
Somaliya, dhinaca Somaliland-na ilaa hada ma jiro wax talaabo ah oo muuqda oo
ay arintan ka qaaday, hase yeeshee waxa soo baxaya warar tibaaxaya in xafiiska
Socdaalka Somaliland ee Wajaale qab qabtay dad dhinaca Somaliland ka baxayay oo
sitay Baasaabooro Somaliya ah oo Fiisayaal ka qaatay Qunsuliyadda Itoobiya ee
Hargeysa.
Qunsulka
Itoobiya u fadhiya Hargeysa Mr: Berha oo Wargeyska waaheen xalay khadka
Telefoonka kula xidhiidhay ayaa u sheegay inaanay jirin Fiisayaal ay Baasaaboor
Somaliga siinayaan, waxaanu ku dooday Xafiiskoodu kaliya inuu ku kooban yahay
Baasaaboor Somaliland-ka.
Sidoo
kale, wargeyska Waaheen oo saaka booqday Xafiiska Qunsulka ayaa kula kulmay
barxada hore dhalinyaro farabadan iyo Dad kale oo u socdaali lahaa Itoobiya
kuwaas oo ka cabanaya in culays farabadani ka jiro bixintii Fiisayaasha,
waxaanay qaarkood ku doodeen in ay safaaradu soo kordhisay in ay Fiisayaal
siiso baasaaboorka Dawladda Federalka ah ee Somaliya taasoo keentay in dadka Fiisa
doonka ahi bataan.
Mid
ka mid ah dhalinyarada Fiise doonka ah oo aan weydiinay halka uu ka yimi iyo
baasaaboorka uu sito ayaa Waaheen u xaqiijiyay in uu ka yimi Garowe isla
markaana uu sito baasaaboor Somali, waxaanu xusay in safaaradii Garowe arrimo
dhinaca Amniga ah ay Itoobiya usoo xidhay isla markaana ay Ogeysiiyeen Hargeysa
in ay usoo doontaan Fiisayaasha ay ku galayaan Itoobiya.
Somaliland
iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u maarayn jiray hawlaha shaqo ee ay qabanyaan
isla markaana ula socon jiray dhaqdhaqaaqa dhinac xuduudka labada Dal si isku
mid ah taasoo keentay in ay labada Dalba ku qanacsanaayeen ilaalinta iyo
hubinta dadka isaga gudbaya, basle arrintani waxa ay Somaliland ku soo
kordhisay shaki ah in ay ugu soo dhex dhuuman karaan dad aanay aqoon u lahayn
oo xorriyad u hela in ay ka samayn karaan dhaqdhaqaaq dhaawici kara amaanka
labada dal gaar ahaana ka Somaliland oo ka feejigan tabaha iyo Xeeladaha
kooxaha kacdoonada ka wada Mandaqada.
Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka
weydiino ayaa ka gaabsaday arrintan, waxaanu ku af-gobaadsaday haddii ay jirto
in ay kala xidhiidhi doonaan Qunsuliyadda isla markaana wax ka qaban doonaan.
Taliyaha
Laanta Socdaalka Somaliland ayaa isna ka gaabsaday inuu macluumaad ka bixiyo
arrintan, waxaanu xusay wali in ay ku jiraan baadhitaan la xidhiidha dhabnimada
Warkan.
No comments:
Post a Comment