Wednesday, August 7, 2013

War degdeg ah Dawlada Gana oo u magacawday Drs. Muha Farah Jireh, Safiirkeeda Hawlaha Bili’aadanimo - Daawo+akhriso Warbixintan




Drs. Muha Dahir Farah Jireh

Ghana - Xukuumada dalka Ghana ayaa u magacwday Safiirkeeda dhinaca Arimaha Bili'aadminimada Drs Muha Daahir Faarax Jire oo u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland. Munaasabad ay ka soo qayb galleen madaxda haayadda u qaabilsan dalka Ghana arrimaha bini’aadminimada gudaha iyo dibadda ee CAT loo yaqaano, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka dibadda u fadhiya magaalada accra iyo masuuliyiin kale ayaa warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay, kana soo dhex iftay arrimaha warbaahinta iyo gudbinta wararka ee qaaradda Afrika.

Afhayeen u hadlaysay waaxda gargaarka bini’aadminimada dalka Ghana ee CAT ayaa sheegtay in xilkani ay dawladda Ghana usoo bandhigtay xidigtani yar ee qaaradda Afrika ka soo dhex baxday, iyadoo muujisay karti, iyo hawlkarnimo isla markaana markii shanaad hadda ku soo noqotay dalka Ghana “waxay noo tahay sharaf weyn in Drs Muha Daahir Faarax Jire ay xilkani naga aqbasho, waxaana ay u tahay farxad weyn CAT iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana” ayaa ay ku tidhi warsaxafadeedkaasi.
 
Xoghaye Dibadeedka Maraykanka John Kery ooo ka jawaabaya su'aal ay waydiisay Drs Muha Dahir Farah Jireh
Mrs Muha Daahir Faarax Jire oo iyaduna munaasabadda lagu magacaabay hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay inta karaankeeda ah dhabarka u ridan doonto hawshani loo xil saaray “Ghana waa iftiinka dimuqraaidyadeed ee qaaradda Afrika, waxay ii tahay sharaf weyn inaan markii shanaad imaado Accra isla markaana booqdo meelo badan oo dalka Ghana, waxaanan weligay iloobayn soo dhawaynta, iyo wanaaga ay dadka reer Ghana iyo xukuumadda madaxweyne Mahamma ay ii muujisay muddadii aan halkani joogay, xilkani maaha mid fudud la i saaray, waxaan isku dayi doona inaan ka shaqeeyo la dagaalanka faqriga iyo sidii caruurta agoomaha ah ee qaaradda Afrika ay u heli lahaayeen gacan iyo taageero” ayey tidhi Drs Muha Daahir Faarax Jire.


Ka Dib markii la magacaabay ayey Drs Jire ka qayb gashay munaasabad ay qaramada midoobay iyo haayadda CAT ugu qaybinayeen cunto iyo daawooyin xarunta agoomaha ee magaalada Accra, iyadoo furtay goobtaasi isla markaana hawshii qaybinta raashinka iyo daawooyinka ka shaqaynaysay. 
 
Drs. Muha Dahir Farah Jireh oo Gacanqaadaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Waa markii ugu horaysay oo qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland xil diblomaasiyadeed looga magacaabo dal ka mid ah dalalka dunida gaar ahaana hormoodka qaaradda Afrika.

Dr. Muha Daahir Faarax Jire ayaa muddo toban sanno ku dhaw waxay ka hawl gallaysay xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo horana u noqotay madaxii suxufiyiinta qaaradda Afrika, sannadkii 2011-kii ayaa guddoomiye ku xigeenkii midawga Afrika wuxuu guddoonsiiyey shahaadada Doctorate PHD, wixii intaasi ka danbeeyeyna waxay iskaga dab qaadaysay dhammaanba qaaradda Afrika.

Drs. Muha Dahir Farah Jireh iyo Xoghaye Dibadeedka Maraykanka oo hawgal shaqo ku gudo jira.




No comments: