Baledweyne, Somalia - Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii magaalada Baledweyne ee xaarunta gobolka Hiiraan ku toogtay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolkaas Xusseen Cilmi Ibraahim.
Dad
goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sadax dhalinyarro ah oo
ku hubeysan bastoolado weerar ku qaadeen marxuum-ka xili uu ku sii
jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada
Baladweyne.
Ciidamada
dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, inkastoo
aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka
dambeeyay.
Meydka Afhayeenkii golaha dhaqanka odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyn.
20-kii
bishan Luuuliyo ee aynu jirno ayey aheyd markii magaalada lagu toogtay
guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne Xussan Cilmi
Ciyoow.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment