Thursday, August 8, 2013

Mudaharaad Balaadhan Oo Shalay Ruxay Jidka Hormara Guriga Ra'iisal Wasaaraha Ingiriiska Ee No 10 Downstreet Lagagana Soo Horjeedo Xayiraada Adeega Xawaaladdaha + SAWIRO



Mr. Abdirashiid Duale Madaxa Shirkada Dahabshiil oo u waramaya wariye isagoo hortaagan Aqalka Ra'iisal Wasaarha Ingiriiska

London – Badhtamaha caasimada dalka Ingiriiska ee London waxa shalay ruxay dibad bax aad u balaadhan oo ay dhigayeen muwaadiniin Ingriis ah oo asalkoodu ka soo jeedo wadamo farobadan oo ka mid ah dunida seddexaad, dibadbaxan ayaa looga soo horjeeday xayiraada banigaga BARCLAY uu ku soo rogay 250 xawaaladood a oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaalidu, go’aankan oo saamayn xun ku yeeshay dadka eheladoodii lacago uga diraya dalka Ingiriiska gudihiisa iyo guud ahaan wadamada yurubta galbeed. 

Orodyahanka Caalamiga ah ee Mo Farah
Boqolaal qof oo go’aanka Bangiga Barclays diidan oo uu horkacayo orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah iyo Mudane ka tisan xisbiga Shaqaalaha ee Britain oo lagu magacaabo The Labour MP, Rushanara Ali, ayaa is hortagay guriga Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska ee David David Cameroon, si ay ugu gudbiyaan dalabkooda. 

The Labour MP, Rushanara Ali oo wariyayaal ugu waramaysa Aqalka Ra'iisal Wasaaraha Ingiriiska hortiisa
Dibadbaxayaasha ayaa dareenkooda sida ay uga soo horjeedaan go’aanka  uu qaatay Banigaga Barclays waxay ku muujinayeen Boodhadh ay siteen iyo Qoraal dalab ah (Petition) oo ay saxeexeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 25,000 oo ruux, kaasi oo ay ku faahfaahiyeen cawaaqibka xun iyo dhibaatada halaaga ah ee ka dhalanaysa joojinta lacagaha dadka ku sugan ingiriiska iyo guud ahaan Yurub u dirayaan eheladooda baahan ee ay uga soo tageen wadamda colaadaha iyo faqrigu halakeeyay oo ay ka mid tahay Somalia.

Hoos ka fiirso sawiro laga qaaday Dibadbaxayaasha oo ku sugan Aqalka Raiisal Wasaaraha Ingiriiska David Cameroon. 


































No comments: