Wednesday, August 21, 2013

Cutubada Sida Degdega Ah u Jawaaba Ee Ciidanka Amaanka Somaliland oo Xalay Hawlgal Kadis ah Ku Qaaday Guryo Burco Ku Yaal




Somaliland Rabid Reaction Forces
Burco - Cutubo ka mid ah kuwa sida degdega ah u jawaaba ee Ciidamada Amaanka Somaliland ee loo yaqaano Rabid Reaction Unit (RRU), ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal baadhiseed oo kadis ah ku fuliyay Guriga uu ka degan yahay magaalada Burco nin wadaad ah oo dhawaan laga soo daaayay Xabsiga weyn ee Guantanama ee dalka Maraykanka, warku waxa uu intaasi ku darayaa in ay ka kaxaysteen dhalinyaro uu dhalay wadaadka Guantanama laga soo daayay oo tiradoodu dhan tahay 3 balse isagii ay ka waayeen gurigiisa.

Sidoo kale Ciidanka Amaanka Somaliland cutubka sida degdega ah u jawaaba ee loo yaqaano RRU ayaa isla xalay saqbadhkii hawlgal baadhiseed oo kadis ah ku fuliyay Guriga uu ka degen yahay magaalada Burco Sheekh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Togdheer, Ciidankan ayaa si xoog ah ku galay hoyga uu sheekhu Degannaa halkaana ka kaxaystay wali ma jiro war rasmi ah oo sheegaya meesha la geeyey sheekhaas.

Ciidankan oo watay Gaadiid aad u tiro badan  ayaa la sheegayaa inay markii ay soo gaadheen Aagga uu sheekhu degenaa farraqeen rasaas xaddi badan taas oo khal-khal iyo cabsi ku abuurtay shacabkii xaafaddaas degenaa.

Xaafadaha ku dhawaa goobta ciidanku ka samaynayey hawlgalka ayaa si aad ah loo xidhay, waxana la joojiyey guud ahaanba isu socodkii xaafadaas.

No comments: