Thursday, August 8, 2013

Casuumadii Ruuxda: Qalinkii Maxamed Cabdi Ilig



Maxamed Cabdi Ilig
Markaad Casuumad maqasho waxay Naftu Xasuusata Cunto kala duwan, oo leh waxkasta oo ay leedahay Casuumadaha Saxiibada, Madaxda, Ehelka, Ganacsatada ay isku Casuuman.

Casumadu waxay micno ku leedahay Saxiibada kala dheeraday ee isku boholyoobay, muddo dheer War aan kala helin, balse iskugu yimid dalka iyo wadamada qalaad waxaana ka dhacda is xog waraysi nololeed, tariikh hore ,mid imika taagan Qoys, Caruur, Shaqo, Waxbarsho, Masuuliyad iyo waxyaabaga kale ee la hal maala.

Hadaba akhriste Casuumada Ruuxda waxay ahayd, Maalmo kooban, oo leh saamayn Aduunyo iyo Mid Aakhiro, waxay kulmisay Umad badan oo kala duwan, waxay fursad siisay dadwayne aan hore u heli jirin fursada ay ku tagi lahayen Casuumadani, waxay furtay Albaabka Samirka ee aan laga degdegayn, Macaanka ay leedahay, waxa ku dhex jiray Xikmad aan lahayn koobnaan balse lahayd iftiimin balaadhan, waxa intaa dhex socday hadalo kaftan iyo laxan u ah nuxurka ay xambaarsanyd  Casuumadani.

Gadhwadeenka Casuumada, waa nin Ilaahay u dhaliyay xikmad, waa aqoon yahan ku xeel dheer Dastuurka Xaqiiqda Ah ee dunida Ilaahay ka koryeelay, waa Qaari fahan u leh hab nololeedka Aadamaha, waa dhakhtar daweeya laabaha Warwarka iyo walbahaarku daashaday, waa Macalin wax bara Ardayda cilmiga u ooman, waa Mufti leh karaamo iyo Sharaf, Xishood iyo halkarnimo, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Diriri Ilaahay ha ka Abaal mariyo heeganka uu ugu jiro bislaynta ruuxda Bulshada kala duwan ee Somalida meelkasta oo ay joogto.

Waxa waxa uu isku dayay muddo 30 cisho ah oo ay bisha barakasyan ee Ramadaan lagu jiray inuu wax badan ka iftiimiyo fa’idada nololeed ay bishani Xambaarsan tahay, waxa uu malinkasta casharo Xambaarsan Dahirinta Nafta iyo Ka fa’idaysiga bishani ku siinayay Masjidka Rusheeye waxaanu isku dayay inuu bulshada ka dhaadhiciyo habkii ay u noolan lahayeen.

Waxa taasi sii dheera Habeenkasta wakhtiga Tarawixda waxa Cashar socda 15 daqiiqo oo ka hadlaya hadaba Quraanka lagu tukinayo Salada Tarawixda uu siinayay kumananka qof ee helay fursada ay kaga qayb gali lahayeen bixinta Casharada Casuumadu ka koobnayd, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir qodobada aan ka dulmari karno ee ay ka koobnayd Casuumadiisu waxa kamida:-

1-     Faidada Soonka
2-     Axkamta Soonka
3-     Cida loo baneeyay
4-     Ka aan lo banyan
5-     Waxyabaha jabiya
6-     Sababaha u ku jabo
7-     Siyabaha loogu baneyay qofka afuraya
8-     Fa’idada quraanka
9-     Afurka iyo xiliyadiisa
10- Suxuurta faidadeea
11- Barashada quraanka
12- Wakhtiga sakada
13- Fa’idada sadaqada
14- Joogtaynta saladaha
15- Xasilinta nafta
16- Wakhtiga sakada
17- Salatul laylka
18- Danbi dhaafka
19- Nimcooyinka soonka
20- Abaalmarinta soonka
21- Xaaranta iyo soonka
22- Laytul qadriga
23- Sunihii Rasuulka NNKH iyo 10 ka danbe
24- Ciida iyo waxyabaha la ogol yahay
25- Joogtaynta Cibaadada
26- Shaqada la qabto Ramadan kadib.

Dedaalka ka socday Masjidkasi Rusheeye ee uu Sheekh Maxamed khadiibka ka yahay waxay dadku ku diirsadeen Fa’iidada fahanka nolosha ee ay heleen iyo sidii ay u joogtayn lahayeen Camalka wanaagsan ee ay la kulmeen.

Casuumada Arwaaxdu waxay daaran tahay in 360 maalmood gudahood ay timaado bil barakaysan, oo wadata Abaalmarin aan lagu sheegin aduunyada oo ilaahay uu bixinayo oo kaliya Malinta Aakhitiro.

Dardarankii Casuumada.

1-     In Cibadada la joogteyo
2-     In danbi dhaaf laga helayo
3-     In ilaahay la caabudo
4-     In ilaahay ku jeclaado
5-     In yaqiin aad lahaato
6-     In Macaasida ay ka dherayso
7-     In khatumada ilaahay khayr kugu khatimo

Dhaman qodobadaasi waxay ka mid ahayeen Dardarnkii Casuumadii Ruuxda iyo Sheekh maxamed sheikh Cumar Dirir oo muddo ka badan labatan sandood u ban baxay sidii uu bulshada uga badbaadin lahaa khatumo xumada, una tusi lahaa jidka toosan ee lagu gaadhayo Casuumada Ilaahay ee Janatul Fardawsa.

Lasoco qaybta labaad Diblomasiyadii iyo Kalmadihii Sheekhu u adeegsanayay fahanka Nolosha oo ku xikmadaysan kuwa suuqdiga ah ee manta Bulshadeenu isticmaasho.

Maxamed Cabdi Ilig

No comments: