Mugadisho - Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa
sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaal ka socday
beesha Habar Gidir ayaa ayaa kulan socday shalay galab illaa xalay ku qaatay
xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ku yimi codsiga Madaxweynaha Somalia ayaa
waxa lagaga hadlaayey arinta ku saabsan Xasan Daahir Aweys oo ku jira mid ka
mid ah xabsiyada ciidamada Nabadsugida dowlada iyo dhibaato dhowr habeen ka hor
loo geystay waxgaradkii beesha Habar gidir ee ka keenay degmada Cadaado oo
iyagu sheegay in looga baxay balan ay la galeen dowlada.
Madaxweynaha ayaa ka raali galiyay Nabadoonada beesha
Habar Gidir xad gudubkii loo geystay xiligii ay garoonka Diyaaradaha Aadan
cadde ka soo dajiyeen hogaamiye Xasan Daahir Aweys kaasoo ay kula kaceen
ciidamo ka tirsan nabad sugida dowlada. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay
odayaasha uu la kulmay inuu isago qaadanayo shaqsi ahaan masuuliyada dhibaatada
loo geystay oo uu xusay iney aad uga xun yihiin, taasoo la sheegay in odayaasha
ka qeyb galay kulankaas ay si wanaagsan ugu qanceen.
Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa xusay
in madaxweynuhu u sheegay Xasan Daahir inuusan aheyn maxbuus hase ahaatee ay
amaankiisa sugayeen markii ay la wareegayeen.
?Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Xasan Daahir uu
wanaagsan yahay aysan jirin cid ku xad gudubtay ama dhibaato u geysatay, aana
booqan karno xiligii aan doono eheladiisana ay booqan karaan? ayuu yiri mid ka
mid ah waxgaradkii beesha Habar gidir ee madaxweynaha la kulmay.
Madaxweynaha
Somalia ayaa sidoo kale kulankaas ka sheegay in Xasan Daahir Aweys todobaad
gudihiis ah loo duulin doono sadex dal midkood oo isaguna uu ogol yahay inuu ku
noolaado kuwaasoo kala ah Norwey, Qadar iyo Turkiga.
Wararka ayaa sheegaya in safiirka Turkiga u fadhiya
Somalia oo Xasan Daahir ku booqday xabsiga ay dowladu u xilsaartay inuu la soo
tashado dowladaha Qadar, Norweyn iyo dowladiisa Turkiga ayna keenaan go?aan
mideysan oo sadexdaas dal midkood uu magangelyo ku siinayo Shiikh Xasan Daahir
Aweys.
Nin la dhashay Xasan Daahir oo la yiraahdo Cubeyd Daahir
Aweys ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu si hoose ula socdo xaalada Shiikh
Xasan Daahir iyo caafimaadkiisa inta laga dhoofinayo dalka.
Ilo dibolomaasiyadeed ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay
iska deysay qorshe markii hore ay ku talo gashay oo ahaa in Xasan Daahir ay
maxkamadeyso, kadib markii xiisad kulul ay ka dhalatay xarigiisa taasoo ay ka
baqday iney abuurto khal khal dhinaca amaanka ah, iyadoo ka dibna go?aansatay
in Xasan Daahir ay iska fogeyso oo la geeyo dal kale si uusan arrimaha gudaha
saameyn ugu yeelan.
Odayaasha ka qeyb galay kulanka madaxweynaha ayaa
magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo dowlada kala shaqeeya arinta Xasan
Daahir Aweys iyo sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa.
Dad ka careysan Xariga Shiikh Daahir Aweys oo isku
abaabulay qaabil ayaa maalmo ka hor ka dhigay qaar ka mid ah wadooyinka
Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay, arintaaso dowlada ku abuurtay dareen
feejignaan leh oo ku saabsan in arintu ay yeelato waji qabiil.
Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab
ayaa labo todobaad ka hor ka soo baxsaday degmada Baraawe ka dib markii uu
khilaaf gaaray heer gacan ka ah uu dhexmaray saraakiil ka tirsan kooxdaas oo
isagu uu ka mid ahaa iyo hogaamiyaha Al-shabaab.
Isagoo la socda dooni uu kaga soo baxsaday degmada
Baraawe ayaa Xasan Daahir iyo saraakiil la socotay waxay ka degeen xeebaha
gobolka Mudug, waxaana gacanta ku dhigay maamulka Ximan & Xeeb oo ugu
dambeyntii ku wareejiyey dowlada Somalia oo uu hadda gacanta ugu jiro.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment