Sheekh Xasan Daahir Aweys |
Muqdisho - Muddo saacado ah oo ay ciidamada Sirdoonka dawlada federaalka ee soomaaliya su,aalo ku waydinayeen Xarunta Dambi baarista ayaa suuro gashay inay caawa dawladu fasaxdo Sheekh Xasan Daahir Aways oo ahaa masuul ka tirsan Xarakada Alshabaab,waxaana la sheegaya in dawladu saacadaha ay gacanta ku haysay su,aalo waydiineysay.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in saraakil cadaan ah iyagun waqti dheer la qaateen Sheekh Xasan Daahir Aways kuwaasi oo ka waramaysanay xaalada Faalagada Alshabaab,waxaana la sheegay in mudada uu xayirnaa Sheekh Xasan Daahir su,aalo la waydiinayey balse aysan dawladu xabsi gayn.
Dhinaca kale wararka qaarkooda yaa sheegaya in dawladu u sheegtey Xasan Daahir hadii uu u baahdo ilaalo inay siinayaan isla markaasna ka biixinayaan kharashaadka degaanka uu rabo inuu dego,lama oga inuu Shiikh Xasan Daahir arrintaasi aqbalay iyo inkale,waxaana la sheegayaa inuu diiday.
Arintaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii beesha Habar Gidir ee uu ka soo jeedo ay soo saareen bayaan ay dowlada uga dalbanayaan in la sii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment