Hargeysa - Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa laga sii daayay goordhawayd Gudoomiyiha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftirihii Wargeyska Hubaal Xasan Keefkeef.
Siidaynta madaxda Wargayska Hubaal ayaa imanaysa kadib markii Maxkamada Gobolka Hargaysa shalay ku xukunktay Maxamed Axmed Jaamac 1 Sanno oo xadhig ah iyo 1 Milyan oo ganaaxa halka Tafatire Xasan Keefkeef isna lagu xukumay 2 sanno oo xadhig ah iyo 2 milyan oo ganaax ah, kadib markii Maxkamadu sheegtay in ay ku heshay dambiyo kala duwan oo ku xidhiidhsan war been abuur ah oo ay ka faafiyeen safaarada dawladda Itoobiyo iyo aflagaado Madaxda Qaranka Somaliland. Sidoo kale waxay Maxkamadu diiday in xariyaada laga qaado wargayska Hubaal.
War Saxaafadeed ay soo saartay maanta markii xabsiga laga sii daayay 2 masuul ee Wargayska Hubaal kadib ayaa u dhignaa sidatan:
"Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay shaacinaysaa inay ku Guulaysatay maanta in Damaanad lagu sii daayo Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatiraha Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (keef-keef) oo maalintii shalay Xabsiga loo taxaabay.
Labadan
Wariye ayaa maanta Damaanad ay ku sii daysay Maxkamada Racfaanka
Gobolka Maroodijeex, ka dib markii Saxaafada Madaxa banaan ay Racfaan ka
Qaadatay Xukunkii ay shalay Maxkamada Gobolku xubnahaasi ku riday.
Saxaafada
Madaxa banaan ee Somaliland waxay u mahad naqaysaa Gudoomiyaha
Maxkamada Racfaanka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duuraan)
oo aqbalay in Labadaasi suxufi ay Damaanad Xasbiga kaga baxaan
Racfaankooda la dhagaysto iyaga oo dibada jooga.
Saxaafada Madaxabanaan waxay sidoo kale u mahad naqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed
Daahir (Cukuse) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo
ka qayb qaatay sidii xal loogu heli lahaa xadhiga Suxufiyiintan.
Ugu
dambayntii Warbaahinta Madaxbanaan iyada oo ku Baraarugsan Xilka Qaran
ee Saaran iyo xaalada Guud ee Somaliland waxay ay sii wadaysaa
Wadahadalada ay kula jirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si Xal waara loogu helo is
af-garanwaaga taagan, loona Sugo ku dhaqanka Sharciga iyo Sugnaanta Dumuquraadiyada Somaliland.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment