Waftigii Somaliland oo Gaadhay Turkiga Bilaabayna Wadohadalo Googoos ah
Waftigii Somaliland uga qayb gelaayey Wareega 4aad Shirka Wado Hadalka Somaliland iyo Somalia Oo Gaadhay Dalka Turkiga, Kulamo Googos Ah Oo Bilaabmay.
Waftigii Somaliland u matalaayay shirka wadahadalka oo ah wafti miisan
culus, ayaa gaadhay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, Waftiga
Somaliland ayaa sidiiran loogu soo daweeyay garoon diyaaradaha ee
Magaaladda Istanbul, iyadoo lagu nasiyay qolka Madaxda caalamka lagu
qaabilo ee VIP-da. Waxaana soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda
arrimaha dibadda Turkiga, iyo Madaxda Xafiiska Baratakoolka Raysal
Wasaaraha Turkiga.
Waftiga Somaliland ka socday ayaa loo soo galbiyay Hotel ay u sii diyaarisay Xukuumadda gogosha shirka fidisay ee Turkigu.
Saaka salaadii hore waxaa Hotelka ay deganyihiin ku soo booqday
kaliyaasha Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, iyadoo kulan kooban la
qaatay Waftiga Somaliland. Intaas kadib waxaa galabta kulan ballaadhan
oo hordhac u ah furitaanka Shirka bari furmaaya, la yeeshay labada
dhinac ee wadahadalku u socdo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Turkiga.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen badi Saxaafadda dalka Turkiga iyo
mida caalamiga ahba, wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Turkigu uga mahad
celiyay labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, siday u soo
ajibeen isla markaana uga soo baxeen wakhtigii loo qabtay inuu qabsoomo
shirkani, Sidoo kale wuxuu Wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in isagoo
ku hadlaaya afka Raysal Wasaaraha Turkiga, in dawladiisu ku
faraxsantahay sii socodka wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Bari oo Axad ah waxaa jira kulamo badan oo shirka labada dhinac lagu soo
anbaqadaayo, jawagi kulamada ayaa degan, in kasta oo qodobada laga
wadahadlaayo ay xasaasi yihiin, dhinaca kale dawladda Turkiga ayaa si
weyn looga dareemaya dadaalka iyo kulamada ay labada dhinacba la
qadanayso, iyadoo shirkani uu ka adagyahay saddexdii shir ee hore.
— Kulanka Turkiga
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment