Sunday, July 14, 2013

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa wuxuu maalintii labaad uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyay in ninkii geystay uu baxsaday.

Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu bambo gacmeyd uu ku weeraray Isgoyska Suuqa Bakaaraha, xilli ay buuxeyn dad rayid ah, sidoo kalana ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Dowladda.

Qaraxaan ayaa waxaa inta la’ogyahay ku dhintay seddex ruux oo shacab ah, halka 10 kalana ay ku dhaawacmeyn, iyadoo dhaawacyada qaarkood la sheegay inay culus yihiin.

Ciidanka Dowladda ayaanu wax yeelo ka soo gaarin qaraxaan, sidoo kalana nin dhalinyaro ah oo bambadaan ku soo tuuray, ayaysan gacanta ku soo dhigin Ciidamada Dowladda.

Dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxaan ayaa waxaa la geeyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, mana jirto cid ka hadashay qaraxaan.

No comments: