“inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah ay uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale hadana Aakhirona meel la tago lehe Idaacadan Quraanka Kariimka ah way mahadiyeen bulshada reer Hargeysa oo iimaankoodii ayay qoysay, Boobana wuxuu kala garan wayaay mucaaradada uu Madaxwayne Siilaanyo u hayo markaasuu ILAAHII abuurtay Mucaariday, haka toobad keeno ayaan kula talin lahaa hagardaamooyinkii uu Quraanka kariimka ah u gaystay”
..................Gudoomiyaha HORNWATCH
Ku: Warbaahinta Gudo iyo Dibad
Taar: 23 July 2013
ODHAAH
SAXAAFADEED / PRESS STATEMENT
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn
u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha
Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda
markii ugu horaysay caasimada Somaliland.
“Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu
Madaxwayne Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah
oo 24 saacadood 7 maamlmood ee
todobaadkii dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo
nasahnaaye” sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga
Geeska Afrika ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo
hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah uu sida fiinta uga sii qaylinayay
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo uu geed dheer
iyo mid gaabanba u fuulay sidii caasimadu aanay u heli lahayn IDAACAD ka
haqabtirta Quraanka Kariimka ah ayaa waxan anigu is waydiiyay oo tolow ma
ILAAHII abuuray iyo Qawlkiisa QURAANKA KARIIMKA AH ayay Mucaaridada Siilaanyo Boobe
ula gashay Boobe”.[1]
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch
waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah
dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar
ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta
barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan,
waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano
xafidka mujtamaceena.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch,
waxay EEBE uga baryaysaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada iyo dhamaan cid kasta oo
hirgalinteeda kala qaybqaadatay ka hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah
dalka Somaliland in uu RABI ajar iyo xasanaad ugu bedelo, ugana dhigo sahay
ay si fudud kaga gudbaan Jidka Siraad maalinta xisaabta wayn ee Aakhiro.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch
waxay ku dhiirigalinaysaa xukuumada Somaliland in ay magaalooyinka kale ee
Somaliland ka hirgaliyaan idaacadan oo kale, sidoo kale waxanu ugu
baaqaynaa Ganacsatada Somaliland in lacagtooda ku iibsadaan inta aanay
dhiman ka hor Janadda EEBE oo ay qaybo ka mid ah maaliyada ILAAHAY siiyay ku
bixiyaan sidii looga hirgalin lahaa Idaacado Quraanka Kariimka ah Gobolada iyo
Magaalooyinka dalka ee wali dhegaysiga Idaacada Quraanka Kariimka ahi aanay
gaadhin.
ILAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman
Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudida
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HornWatch)
[1] Boobe
Yuusuf Ducaale oo Idaacadan Quraanka Kariimka ah ee umaddii caasimada ku
noolayd qaboojisay isku dayaya in uu bilowgaba suurtogalinteeda curdan dhadhiyo,
dagaalkii uu ku qaaday si faahfaahsan waxad uga akhrisan kartaa qormooyinkiisii
9, 10, 17, 18 ee taxanihiisii Magacaabistaydii iyo Maagistaydii oo aad ka daalacan
karto websitka Boobe Yuusuf Ducaale ee www.dharaaro.com
ama guji halkan:
No comments:
Post a Comment