Saturday, July 6, 2013

Nicholas Kay oo si cajiib ah uga hadlay arinka Xasan Daahir Aweys



Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si cajiic ah uga hadlay arinka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda gacanta ugu jira.

Waxa uu sheegay in marka hore ay aad usoo dhaweynaayaan talaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay inay xabsiga dhigto Sheekha si wax badan loo baaro.
 
Sheekha ayuu ku sheegay inuu ku jiro Liiska argagaxisada, waxaana uu ku tilmaamay in dowladana ay sheegtay aqoonsi balaaran inay u hayso Qaramada Midoobay Sharciyadeeda.
 
Dhanka kale guul usoo hoyatay dowladda ayuu ku sheegay in wadaadkaan uu is soo dhiibo, laakiinse hadalkiisa ayaa u muuqda mid u muuqda in la doonaayo in lasii gudbiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment