Sunday, July 28, 2013

Isha Qarsoon(IQ): Ma Geydo Bulshadu Yooyootanka!




Cabdilaahi Cawad Cige
W.Q.Cabdilaahi Cawad Cige

Waddani tol leh:

Siddeed saacadood oo aannu hawada ku soo jirnay ka dib, ayuu duuliyihii dayuurad nooceedu yahay 787 Dreamliner oo sharikadda Dayuuradaha Itoobiya leedahay nagu soo dejiyay garoonka Bole, ee magaalada Addis Ababa. Bahashu xajmi weynaa, qaad badanaa, qurux iyo farshaxan badanaa, duuliyuhu muxuu shaqadiisa ka jibbo keenay. Sidii awr hayin ah oo aan ix iyo ax mid na looga baran ayuu qunyar shaagagga laamiga u qabadsiiyay bahashii culayska badnayd iyo rakaabkeedii shanta kor u dhaafay.

Kolkaannu degistii u hollannay ayaa indheergarad Siciid Jaamac Xuseen oo i ag fadhiyay; “farsamayaqaankii bahashan sameeyay farshaxansanaayee” ku idhi. “Waar ma yaabtay” kuye. Waa ged lagu yaqaan Siciid, eray buu weydiinta qalinduurraha kaga warceliyaa kolka hore, yuu didin weeye, ha is dhigto oo dagnaan aad ka heshid buu uga jeedaa, waxa aad kolkaas ka filataa qeexistii weydiintaada oo badda cas ka mug weyn.

Ha sugin in badda cas mawjaddeeda Siciid soo wadaa ku liqdo ayaan is idhi oo u raacshay “Bal dirka farsamayaqaankiisu mijilis loox ah ka gungaadhay iyo dirka bahashaas abyay ee eryay ka sitee!”. “Ama gambadh” kuye. “Gambadhka ayaa ba la qaatay oo saa farshaxan baa ka muuqday, salka la dhigo na waa u naciim. Mijilisku se waa farsamo tii ugu liidatay, xitaa musbaarka uu ku tumo ka ma basrin yaqaan, waa kaas surwaalkii fannaanka salka ka jeexay” ayaan u dareershay.

Durduro kaga soo dareernay ducoqabtadii hawaartay. Socotada gudbaysa astaamihii timaamayay ku eerannay. Bas na loo diyaarshay ku boodnay. Meel kale, si kale u samaysan, tolyarahayaga oo kale laga sii daabbulo na la gee.

Saacado badan, warwareeg iyo sheeko lagu lumiyay ka dib na loo yeedh. Meel kale oo lagaga dullaali doono dayuuraddii Berbera na loo kaxee. Bartaas na ku hakannay cabbaar.

Waddani tol la’:

Bartaas intii aannu fadhinay ayaa Dr Cabdicasiis iyo anigu walaaca iyo himilada Somaliland degdeg isugu dhiibnay. Mahadhada waxqabadka iyo dedaalka dad iyo dawlad lagu hawlan yahay ayaannu dhex qaadnay. Goor aannu ka libidhnay guulahaas mooyi. “Kaaga ma warrami karo murugooyinka aan dalka kala kulmo sannad walba” ayuu igu yidhi Cabdicasiis. Midi ba tii ay ka darnayd buu ii dhiibay. Waa naftii hure, fasaxiisa cisbitaallada dalka ka shaqeeya. “Nin faalig ku dhacay ayaa cisbitaalka Hargeysa la iigu keenay” ayuu yidhi. “Baadhitaankii kolkaan u dhammeeyay ayaan dawo dhiigga dejisa, xaaladdiisa na faalig kale oo haleela ka waabisa u qoray oo xigtadiisa farta ka saaray.

Suuqa ayay ka soo iibsanayaan. Berri kolka aad soo qaadataan ha inoo ahaato ayaan ku la taliyay” Kuye. “Aroortii u imi. Dawadii meeday?” iyo “Waa tan” is nidhi. “Naxdiin baan qaq idhi kolkaan dawadii arkay” kuye. “Waxaan is idhi: malahaaga waad daallanayd oo wax kale ayaad qortay”

“Warqaddii aan dawada idiinku qoray ma haysaan ayaan weydiiyay” kuye. “Ma dawakhsanayn ee dawadii uu u baahnaa ayaan qoray”. “Waa maxay dawadani? Waa tii caloosha ee maskax iyo dhako mid na shaqo ku ma leh. Ayaan xigtadii weydiiyay” Kuye.

“Ninkii farmasiiga haystay ayaa nagu yidhi dawadan dhakhtarku idiin soo qoray ma hayo ee tan ba waa la mid oo waad qaadan kartaan” ayay iigu warcliyeen kuye.

Arrintaas Cabdicasiis wuu ka dhiidhiyay. Wasaaraddii ayuu taw ku siiyay oo arrintii nin sare, mid ka sii sarreeya, iyo wasiirkii meesha haystay uga warramay. Waa looga garaabay. Wax maxaa looga qabanwaayay farmasiiyadan dawada sidii xanjada u iibinaya ayuu ku dooday. Lacag bay u baahan tahay laye. Waa hawl ballaadhan.

Waddan tol la’:

Kulka iyo hanfiga Berbera sheekadeedu waa kun habeen iyo kow. Indhogarad iyo abaal hore ka ay doonto ha noqotee meel qabow na la fadhiisi. Qof walba sidaas loo ma galo. Shaqaalaha socdaalka Somaliland waa meelaha keli ah ee isbeddel muuqdaa ku dhacay. Si ayay u jabsan yihiin. Waa arrin aan fiiro gaar ah u lahaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyay. Waan dareemay horumarka ka jira waaxdaas.

Hal se isbeddelku ma haleelin; shandadaha iyo maarayntooda. Goobta agabkaaga lagu rogo nidaamkeedu waa madax iyo minjo isgalay. Xammaal iyo karaanni, askari iyo madax, marti iyo tagsiile, socoto iyo joogto, xisaabtii qiyaamuhu inay ka socoto ayaad mooddaa goobtaas.

In shaqaaluhu jabsamiwaayay(carbismiwaayay) iyo in wax kale si yihiin iima bixin. Madax kaa jaahil saarta oo la la hadlo na ku ma arag. Runtii tilmaanta wixii qaloocan waa aynu ka didnaa, qof ujeeddo leh ayaa loo qaataa ciddii sheegta waxaas.

Waa se arrin dhaawaceeda u leh dalka. Laba nin oo qalaalood ayaa shandad siddaha haystay, afar xammaal iyo nin shaqaale ah na dacalka kale ayay jiidanayeen. Labada nin lambarkii shandadda ayay doonayeen inay ninka shaqaalaha ah tusaan oo kiisa uu sito inuu la mid yahay ka dhaadhicinayeen. In ninku afka Ingiriisida fahmayay iyo in kale mooyi. Way tusaan, uu eegaa, ay eegaan, uu eegaa, ay tilmaamaan oo shandadda jiitaan, ay isaga iyo xammaaliintii docda kale qabsadaan oo jiitaan. Or iyo buuq ayaa kolba la isla oogsadaa.

Sawir dalxiis arko, dalka na xayaysiis looga dhigo kii ugu foolxumaa ayuu ahaa. Dal tol la’ ayaan ka dheehday goobtaas.

Bulsho tol la’:

Meel fog, badaha cas, guduudan iyo cad ba ka shishaysa aniga oo jooga ayaa qayladhaantu ii baxaysay. Guddoomiye Faysal ayaa wasiir Xirsi ku la booday, ka ma roonaan ee wasiirkii na waa soo cayntaarshay. Guddoomiyihiina waa soo rogaal celiyay. Wasiirkii na ciyaarta qaybteedii dambe ayuu wacdaro keenay. Dhinac wal ba waa lagu soo biiray. Guddi iyo golayaal cusub ayaa yimi. Odayo iyo caaqillo ayaa bitijoorro la soo baxay. Hugun iyo hayaay yaa yidhi ayay sheeko noqotay. Halkaas marka ay joogto waxa murugtay farriintii la gudbinayay, falsafaddii siyaasadeed ee bulshadu iibsan lahayd ayaa qiimo beeshay, sicirkii siyaasadda ayaa dhulka galay.

Qof iyo qof ayay noqotay, waxay se weydiimuhu yihiin:

    Waa maxay waxani, ma siyaasad baa?

    Yay dan u yihiin?

    Bulshadu ma u baahan tahay?

    Ka ba sii daran ee bulshadu ma geydaa?


Dareenka bulshadu waa la ma huraan, waa laga baqaa, loo baratamaa. Waa lagu badhaadhaa, magac iyo manfac inta ba lagu helaa. Marmarka qaarkood na waa lagu hoobtaa, waxa na u badan in cidda ku halaagantaa noqoto bulshada lafteeda.

Dareenkaasi waa inuu noqdaa mid og oo u nugul wixii danta guud tahay. Waxan socda ee lagu carinayo, loogu baratamayo in lagu kala jiito dareenkii bulshada maaha siyaasad, maaha tilmaan, tusaale iyo isqancin mid na ba.

Dan yay u tahay, cid na weeye warcelintu. Laga yaabee in garabyada is haya, maya is hayntu waa wixii muuqda ee la odhan karo waa kaas, aan idhaahdo garabyada isu muuqdaa u arkaan inay dantii dadka wadaan, waa se gef taasi.

Waa maxay danta bulshada ugu jirta aflagaadada loo geysto Dhegaweyne, Xirsi, Faysal, Siilaanyo, Maxamed Xaashi ama qof kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh? Wax ba weeye warcelintu.

Ma u baahan tahay bulshadu ayaa kolkaas la isweydiin karaa?

Haddii farshaxankii sameeyay 787 is muujiyay, gobnimadiisii ku qoray daruuraha guudkooda. Kii farshaxankaas geyay ee guuyadiisii ku helay na ku adeegto oo tolyarahayga ugu faano. Teennii na mijiliskii musbaarka ka soo taagani surwaalka kaa jeexayay uga sii gudubtay shandad labada dacal la haysto oo sumcaddii dalka foolxumo ugu filan, farmasii dawadii caloosha in maskaxda dhiig fadhiistay lagu furfuro u iibinaya, iyo tartanka aflagaadada u haysato guul: bulsho taas uma baahna weeye warcelintu.

Waxa se ka sii daran: ma geydo bulshadu, waa in la helaa xal kale, maya maan kale oo ka xariifsan, ka dhugmo iyo hilaad roon ka maanta aynu maqlayno, arkayno ee ujeedno.

Bulshadu na dareenkeeda waa inay ku kasbataa cid tol u noqon karta oo qayrkeed gaadhsiisa.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa, Somaliland
Email: edleh@hotmail.com
Isha Qarsoon©ccc2013

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment