Search This Blog

Friday, July 5, 2013

Boqorka Sucuudiga oo taageeray Inqilaabka Militariga Masar.

Riyad - Qoraal kasoo baxay xafiiska Boqorka dalka Sucuudiga ayaa lagu soo dhaweeyey inqilaabkii xukunka looga tuuray Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi.

Boqor Cabdullahiga dalka Sucuudiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu salaan diiran u diro ciidamada iyo Saraakiisha Militariga Masar uu istaagay inay badbaadiyaan Qarankooda.

Hadalka kasoo baxay Sucuudiga ayaa kamid ah jawaabaha ay hogaamiyaasha Carabta iyo kuwa caalamka ka bixinayaan Inqilaabkii Xalay xilka looga tuuray Madaxweynaha lasoo doortay ee dalka Masar.

Hadalka kasoo baxay dalka Sucuudiga ayaa muujinaya sida ay hogaamiyayaasha Carabta iyo Reer Galbeedka ay cabsi xoogleh uga qabaan awooda soo koreysa ee xisbiga Akhwaan Muslimiinka oo faraxyo kala gedisan kuleh wadamo badan oo Carabta ah.

No comments: