Waa yaab! Yaabka Yaabkiis!!! Taariikhda Calanka
Soomaalidu miyey khaldantahay? oo 53 sanadood ma calan COPY ah ayaa inaga dul babanayay? Mise horaa loo caddeyey ee aniga
ayaan ka warqabin.
Waxaa la igu barbaariyey taariikhda calanka buluuga ah oo xiddigta cad oo shanta gees-leh dhexda ku leh in uu hindisay Ilaahay ha u naxariistee nin la oranjiray Maxamed Cawale Liibaan. M. Cawaale wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, ilbaxna ah aqoon dheeraadana u laha addunyada. Waxuu madax ka ahaan jiray xafiiska madaxweyne Aaden Cabdulle Cosman, kaddibna warshaddi kallunka ee Boolimoog ayuu maareeye ka noqday, ugu danbeyntiina ilaa burburkii wuxuu la taliye u ahaa goddomiyaha Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed.
Waxaa la igu barbaariyey taariikhda calanka buluuga ah oo xiddigta cad oo shanta gees-leh dhexda ku leh in uu hindisay Ilaahay ha u naxariistee nin la oranjiray Maxamed Cawale Liibaan. M. Cawaale wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, ilbaxna ah aqoon dheeraadana u laha addunyada. Waxuu madax ka ahaan jiray xafiiska madaxweyne Aaden Cabdulle Cosman, kaddibna warshaddi kallunka ee Boolimoog ayuu maareeye ka noqday, ugu danbeyntiina ilaa burburkii wuxuu la taliye u ahaa goddomiyaha Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed.
Waxaa taariikhda Soomaalidu qoreysaa in 1954 uu Maxamed Cawaale
hindisay oo sawiray calanka buluuga ah tafsiirna ku bixiyey in buluugu cirkeena
yahay xiddigta cad ee shanta-gees lahina ay ka dhigantahay shanta Soomaaliyeed
ee gumeystuhu kala qaybsaday. Sidaas baan ku rumeysannay uguna heesijirnay ilaa
wakhtigan xaadirka ah.
Hadaba goor galab ah ayaan Filin American ah oo la
yiraahdo: GODS AND GENERALS aan soo kiraystay. Wuxu Filmku ku saabsanyahay
dagaalkii sokeeye ee Woqooyi iyo Koofurta Mareykana ka dexdhacay, dagalkaas oo bilowday
April 12, 1861 dhammadayna 9 April 1865, iyada oo Gen. Robert Lee uu
hoggaminayay ciidamada Koofureed oo isku dhiibay Gen. Ulysses Grant oo ahaa Tliyaha
ciidamada Waqooyi mudo kadibna Madaxweynaha America uu noqday sanadihiii 1869
ilaa 1877.
Ciidamada Koofureed ayaa waxay wateen Calankii Soomaalida
ee buluuga ahaa oo heesa la yaab leh u qaadayey oo u micno dhaw kuwii aan u
qaadi jirnay bluglay. Yaab iyo amakaag ayaa igu dhacay markaan arkay Gen. John
Bell Hood oo ku magacdheeraa Sam Hood oo ciidankiisii oo rer Texas ahi ay
sitaan n calankeeni Buluuga ahaa. Arrintaas markaan arkay ayaan raadin ugu
dhaqaaqay bal asalkeeda iyo taariikhda calanka buluuga ah cida hindistay in aan
raadiyo.
Ciidamada Koofurta America calamadii ay kala wateen 1861.
Waxanan arkayaaa in calankeenii buluugley dhex babanayo. Waxana ay ku
magacaabayeen “bonnie blue flag”
Waxaan ogaaday in markii ugu horreysay ee Calan Buluug ah
oo dhexda ku leh xidig cad oo shan geesood leh ay ahayd 23 September 1810.
Dadkii deganaa galbeedka Florida (USA) oo Spain gumaysan jirtay ayaa
isticmaarkii ku kacay burburiyeyna wixii mood iyo noolba Spain lahayd. Waxay
dhulka soo dhigeen calankii Boqortooyada Spain iyaga oo saaray Calanka Buluug
ah ee dhexda ay uga taalo xidigta cad ee shangeeslayda ah kaasi oo aan sina uga
duwanayncalanka Soomaalida. 10 December 1810 ayaa ‘USA” la wareegtay dowladii
cusbay ee Florida, oo la oran jiray “Republic of West Florida”. Waxaana la soo
dejiyey Calankii Buluuga ahaa oo lagu badalay calankii “USA”
Muddo kaddib waqtigii dagaalkii sokeeye ee Mareykanka uu
bilaabanaayey ayaa dowlad goboleedkii Mississippi ka goostay dalka Mareykanka
lana soo baxaday “Bonnie Blue Flag” waa Calankii Buluuga ahaa oo awal meel la
isaga tiiriyey.
Dib bay u soo noolaatay Calankii Buluuga xidigta shanta
gees leh oo cadi dhexda uga taalay sanadkii 1861 halakaas oo cidamada koofureed
gaar ahaan ciidankii Texas ay wateen Calanka
Buluuga ah. Dowlad gobleedyadii koofureed markay ka bexeen wadajirkii America
waxay ka dhigteen si aan rasmi ahayn calanakooda kan buluuga ah ama siday.
Bulshada Soomaalida dhexdeeda Ilaa waqtigan xaadirka ah
waxa la isku haystaa cida hindistay calanka Soomaaliya ee Buluuga ah laakiin muran kama taagna ninkii tiriyey
heestii ugu caansaneyd ee Calanka buluuga ah loo tiriyo oo la curiyay sannadkii
1861 heestaasi oo uu alifay Mr. Harry McCarthy oo asalkiisu Irish ahaa kana
yimid gobolka Ulster.
Su’aasha muhiimka ah, ee aan u soo bandhigayo guud ahaan bulshada
Somalia ayaa waxay tahay, sidee calankan buluuga ahi inoogu yimid. Ma Maxamed
Cawaalaa hindisay calankan buluuga ah ee xidigta cad ee shanta geesle leh isaga
oo aan arag calankaan gobolo ka mid ah Maraykanka ka dul babanayay sanadahii 1810 iyo 1861? Mise wuu soo koobi gareeyay
markuu ogaaday in aan dowlad lehi aanay jirin sannadkii 1954 oo meel la isaga
tiiriyey?.
Daawo Video-gan Cadaynta ah
Qore: Abdulkadir Aden Mohamud “Jangeli”
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment