Annagoo ah dhammaan cuqaasha, aqoonyahannada, culumada, dhalinyarada,haweenka
iyo ganacsatada u dhalatay Beesha Sacad Muuse gaar ahaan Cabdalla Sacad oo
muddo qarniyaala ku nolayn dhulkaan Jubbooyinkakuna siganay in nala xudumo
siibo, nasiib wanaagse ay ka ab ka ab noo hayeen awoowayaasheen nasabadaan ku
abtirsanno ee Subeer awal ayaa maalinka maanta ah waxaan isla garanay inaan u
qaylo dhaansano tolkayo oo aan maqalnay inay shirweyne qabsanayso tolweynaha
Sacad Muuse ee Somaliland.
Walaalayaal waxaan si xushmad leh idinka codsanaynaa
inaad ajendayaasha shirka lagu daro Sacad Muusaha Jubbooyinka waayo sidaad la
socotaan waxaa Jubbooyinka ka socda Ethnic cleansing oo dad ka soo qamaamay Puntland,
Kilinka5aad iyo Gaarisa ayaa raba inay na moora doogaan oo dhulkaan hantiyaan.
Beeshayadu waa beel balaaran oo seddexda gobal ee Jubada Hoose,Jubada dhexe iyo
Gedoba degta una badan xoolo dhaqato oo xitaa Ugaaskayaga markii la caleemo
saarayay duleedka Kismaayo bartamihii 80aadkii, waagaas tolweynahii u badnaa
Isaaq ee ka soo qaybgalay weerahoodii waxaa ka mid ahaa Yurkud iyo Luuq baan
idinku maqli jirnee ileyn geeliinu waxuu daaqaa Kismaayo iyo carro Waamo.
Walaalayaal waxaan dhib iyo dheef wadaag nahay tolkayo
kale ee Dir gaar ahaa Biyomaal, Gaadsan, Sure, Mandaluug iyo Madexweyne Dir,
waxaan qarniyaal daris wanaag wiil iyo abti xidid iyo xigaalo ahayn Mareexaan iyo
Digil & Mirifle waana ku qanacsanayn. Nolasha caynkaas ahayd maanta ma ahayno
waxaa dhulkii yimmid yay aan dad iyo duunyo kala reebayn, hal tulid kama hayno
geelii daaqayay carro waamo iyo duleedka Kismaayo waxaa bililiqaystay nimankaas
soo galootiga ah ee la magac baxay Kablalax Tri-angle.
Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa ' tol aad hiil
waydiisatay tol ma ahan afadaada aad oon waydiisatayna afo ma ahan', Tolow
maanta hiil baan idiinka baahanay oo xitaa afkuba waa hiile noogu hiisha oo
nimankaas gaalada Kikuuyu noo soo wadatay ee dhul boobka ah nagala qaybgala
iska
dhicintooda. Tol waynaha Isaaq seddex nin baa wax af
noogu hiiliyay haynaa nin waa Faysal Cali Waraabe oo mar walba runta ka sheega
oo yiraahda anaa uga sokeeya Jubbooyinka nimanka sheeganayay oo baabuurta uga
banjartay markii la eryoonay, ninna waa nin mar noogu yimid
Muqdisho oo la yiraahdo Boqor Raabi waxaa nagu maqaalaa
Hargaysaa lagu xiray tolbeelay! ninka seddexaad waa nin ka tirsan xukuumadda
Xasan Sheikh mana doonayno inaan xusno magaciisa arrimo xasaasiya awgeed, sidaas
darteed annagoo taagan tabtii aad soo marteen ee ahayd inaad marti ka noqataan
Hargaysa, Burci iyo Berbera qolyana hawaystaan inay sheegtaan ayaan maanta
marlabaad codsanaynaa in ilgaara nagula eego war xitaa wax naga yureeya
Faroolaha ciidamada ka soo guraya Puntland waa u baahanahay.
Ugu dambeyntii waxaa fajac iyo amakaag nagu noqotay
Cuqaal u dhalatay Awdal oo taageertay boobka Axmed Madoobe, si kastaba waa u dhirindhirinay
waxaan ka badan waynay inay nimaankaas iska gadayaan Ina Cabdi Iley waayo dadka
ay ka hiilinayaan waa dadkoodii kuwa ay u hiilinayaanna waa kuwii waligood iyo
waaqood dhacayay. Waxaana leenahay Axmed iyo Faroole waa iskaga filanahay ee
waa inta aan meel saarayno Kikuuyaha Kenya. Cuqaasha rer Awdalow ku
digashadiinu waa halkii waagii
1990 bilihii dambe markii la xasuuqayay rer Somaliland
Maslax Maxamed Siyaad Barre riwaayd iyo heeso loogu dhigayay Boorame,maantana Indeginouskii
Waamo Sida Biyomaal, Shiikhaal,Warday, Gaal Jecel, Digil & Mirifle iyo Cawramaleh
ayaa qoranayaa taariikhdaas mugdiga ah ee aad dhigteen, annagoo hubno beeshaas
sharafta mudan inayna idin la qabin oo horintiinaas saxaafadda ka muuqata keli
idinku tahay.
Dadka ku hadlaya magaca Cabdalle Sacad jubbooyinka
1. Caaqil Muuse Xasan Ildalab
2. Eng. Mohamed Cilmi Dhicis
3. Gacan Cabdi Jeerin
4. Faadumo Muunin Ali
5. Saacid laadeer faarax
5. Madina Xasan Koalan
6. Saciid Cali Xabiib
7. Caaqil daauud shiikh Qaasim
8. Dr. Khaled Aden Macalin
9. Layla xasan
10. Cabdi khadar Maxamuud dhaaye
EMAIL: abucubayda367@hotmail.com
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment