“inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah ay uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland ayaa waxan is waydiiyay oo tolow ma ILAAHII abuuray ayay Mucaaridadii Siilaanyo la gashay Boobe” .......................Gudoomiyaha HORNWATCH
Date: 22 July 2013
Subject: Press Statement
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn
u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha
Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda
markii ugu horaysay caasimada Somaliland.
“Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu Madaxwayne
Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah oo 24 saacadood 7 maamlmood ee todobaadkii
dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo nasahnaaye”
sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika
ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah uu sida fiinta uga sii qaylinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland taasi oo aan anigu is waydiiyay oo tolow ma ILAAHII abuuray ayay Mucaaridadii Siilaanyo ula gashay Boobe mise .... waxa uu ka dhex arkay .....”.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch
waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah
dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar
ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta
barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan,
waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano
xafidka mujtamaceena.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch,
waxay EEBE uga baryaysaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada iyo dhamaan cid kasta oo
hirgalinteeda kala qaybqaadatay ka hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah
dalka Somaliland in uu RABI ajar iyo xasanaad ugu bedelo, ugana dhigo sahay ay
si fudud kaga gudbaan Jidka Siraad maalinta xisaabta wayn ee Aakhiro.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch
waxay ku dhiirigalinaysaa xukuumada Somaliland in ay magaalooyinka kale ee
Somaliland ka hirgaliyaan idaacadan oo kale, sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa
Ganacsatada Somaliland in lacagtooda ku iibsadaan inta aanay dhiman ka hor
Janadda EEBE oo ay qaybo ka mid ah maaliyada ILAAHAY siiyay ku bixiyaan sidii
looga hirgalin lahaa Idaacado Quraanka Kariimka ah Gobolada iyo Magaalooyinka
dalka ee wali dhegaysiga Idaacada Quraanka Kariimka ahi aanay gaadhin.
ILAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman
Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudida
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HornWatch)
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment