Search This Blog

Saturday, June 1, 2013

Xusuusta Taariikhda Maankaaga La Kaasho: Maxaad ka Taqaanaa Heshiiskii Mingeste Iyo Siyaad Barre Ay Wada Galeen 1988-Kii

Hon. Ahmed Aden Qaybe 
Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana hada ah xubin sharaf ka tirsan golaha guurtida Axmed Aadan Qaybe ayaa ka warbixiyey heshiiskii ay siyaad bare iyo madaxwaynihii Ethiopia Mingeste Hayle Maryam ay ku galeen horaantii bishii April 1988-kii dalka Jabuuti, balse ay isku mari waayeen xiligaas oo uu ahaa safiirkii qaramada midoobay u fadhiyey Somalia, kana mid ahaa wufuudii labada dhinac  ee April 1988-kii heshiiskaasi ku kala saxeexday magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Qaybe oo laga waraystay shalay barnaamijka raad raaca taariikhtii Somalia ee idaacada BBC-da ayaa waraysigaasi uu kaga hadlay arimahaasi, waxayna u dhacday sidan oo ugu horayn la waydiiyey kulankii labada dhinac natiijada ka soo baxday, waxaanu yidhi:

“Natiijadii kulankaasi waxay noqotay waa la is mari waayay, habeenkii oo dhan markii la wada hadlayay waa la ismari waayay waxa lagu heshiiyey markii danbe 4:30 ahayd waar bal guddidii wasiirada hadana ku celino oo bal iaygii aynu nidhaahno sii wada bal inaad xal ka gaadhaan”

S: Qaybe qodobada ay isku mari waayeen ee ugu darnaa ee labada hogaamiye isku afgaran waayeen maxay ahaayeen?

J: Arrinta la isku haysan jiray ee dhulka Soomaaliyeed, taasi horta waxay tahay aasaaska waxa kale o ka mid ahaa Balan-bale iyo Gal-dogob oo Xabashidu qabsatay oo jiido aanu leenahay baanu qabsanay aduunka maqashiisay inay iyana dhul Soomaaliyeed tahay oo ay ka kacaan iyo maxaabiistii la kala haystay ayaa ka mid ahaa.

S; Markaa Itoobiyaanku qodobadii ay wateen wax ma ka xusuusan tahay ee Soomaalidu ay aqbali weyday/

J: Habeenkaa waxaan u malaynaa in laysku mari waayay, qodob kasta o la soo qado waa laysku mari waayay oo waa la kala fogaa, wakhti badan baa ka soo wareegay oo imika ma wada xusuusni lakiin arrimihii la ogaa ee aduunku-ba ogaa ee la isku hayn jiray ayuun baa laga wada hadlayay habeenkaa oo qodobadaa aan sheegay ay ka mid yihiin.

S: Maxamed Siyaad Barre iyo Mingeste Hayle Marian markii ay wada hadlayeen ee adigu aad la fadhiday ee lix saacadood aad meesha fadhideen iyaga sida ay iskula hadlayaan ama ay isku eegayaan ama siday isula dhaqmayaan xidhiidhkoodu siduu ahaa shaqsi ahaan labadooda markaad eegto?

J: Xidhiidhkooda colaadi kama muuqan ee waxa ka muuqatay laba nin oo madaxweyne oo is ixtiraamaya oo jecel inay wada gaadhaan heshiis lakiin qodobadii u dhexeeyay ku heshiin kari waayay waliba Mangiste wuxuu u eegaa nin aad iyo aad u ixtiraam badan buu iigu muuqday oo aad iyo aad Siyaad Barre u ixtiraamaya.

S: Laakiin ka sakow xidhiidhkaas wanaagsan ee ka dhexeeyay labadooda iyo siday isku xishmaynayeen waxba meesha kama soo bixin sidaad u sheegtay?

J: Waxba kama soo bixin habeenkaas waxa lagu heshiiyay in haddii aynu ku heshiin weyno inagu qodobadii oo dhaqaajin kari weynay guddidii laba geesoodka ahayd ee wasiirada aan u dayno ayaa lagu heshiiyay ujeedadii taasi ayay noqotay habeenkaa.

S; Siduu ku yimid markaa heshiiskan danbe ee dhex maray Somalia iyo Itoobiya 1988-kii ee ku saabsanaa dhinacyada kale oo dhan ka sakow in maxaabiista la isku celiyo?     

j: Waxay ahayd markii aanu waftigii Xamar ku noqonay ayaa Mangiste fariin soo diray wuxuu yidhi, waxaan rabaa inaan soo diro wafti uu hogaaminayo wasiirkiisi arrimaha dibada Burhana Bayo oo bal arrimihii habeenkaa laysku mari waayay hadana dib loogu noqdo bal in la dhaqaajin karo, markaa Maxamed Siyaad waa ka aqbalay oo Xamar bay noogu yimaadeen guddi baanu anaguna saaray waftigooda qaabila waxaana madax noo ahaa marxuumkii Axmed Maxamuud Faarax (AHN) aniguna xubin baan ka ahaa guddidaa la kulmaysay waftigaa.

S; Markaa maxay Itoobiyaanku soo kordhiyeen ama Soomaalidu ay soo kordhisay waliba maadaama taladu ay Mingeste ka timid, muxuu ka bedelay mawqifkiisii hore?


J: Wuxuu ka bedelay arrimihii aasaasiga ahaa ee wadanka Somalia ku saabsanaa waxba kama bedelin, laakiin arrimihii maxaabiista iyo arrimihii Balan-bale iyo Gal-dogob, arrimaha Jabhadii SNM taageeradii uu siinayay inuu kala noqdo ayaa ka mid ahayd waxyaabaha ay ogolaadeen.

S: Kuwaas oo ah kuwo markii Jabuuti ay joogeen ay diideen ma sidaas baa?

J: Markii Jabuuti la joogay wuu dafirayay SNM oo lahaa anigu hubna ma siiyo waxna ma siiyo iyagaa dagaalama hadalo sarbeeba ayuu ku hadlayay oo ma ogolayn inuu isagu qirto inuu isagu taageerayo SNM

S: Maxaa markaa aad u malaynaysaa ee Mingeste ku dhaliyey inuu muddo yar gudaheed uu isku bedelo oo mawqifkiisii soo dabciyo?

J: Sidaan anigu maqlay markuu ka noqday Jabuuti ee tagay Adis-ababa ayaa waxa uu ka war helay ciidankii Eritrea ka dagalamayay in la jabiyey, markaa sida la ii sheegay ama aan anigu maqlay wuxuu doonayay sagaashan kun oo ka fadhiyey Ogadeeniya inuu meesha kala baxo oo Eritrea u diro, taas ayaan u malaynayaa inay dabcisay mawqifkiisii hore

S; Markaa heshiiskii waxaad ku gaadheen magaalada Muqdisho?

J: Bishii April 3. 1988-kii ayaa heshiiskaa la kala sexeexday, Balan-bale iyo Gal-dogob waxay yidhaahdeen heshiiska la iclaaminayo ha ku darina’e maadaama aduunka aanu u sheegnay inaanu anagu meesha lahayn oo qabsanay waxa loo arkayaa imika hadaanu ka baxno khalad berigaa samaynay markaa heshiis qarsoodiya aan galo, heshiis qarsoodiga ahaa ayaanu la sexeexanay inay laabadaa meelood ka baxaan wayna ka baxeen

S: Qodobadii kale ee SNM-ta oo kale kaalmada inay ka joojinayaan heshiiskooda ma qarsoodiguu ka mid ahaa mise wuxuu ka mid ahaa heshiiska caadiga ah ee aad gaadheen?

J: Maye wuxuu ahaa heshiiska caadig ahaa ee dhinacayaga waxa la yidhi SNM Horta hubka ka dhiga, markaa wuxuu yidhi WSLF jabhadii Soomaali galbeed hubka ka dhiga, anaguna markaa SNM Hubka waanu ka dhigaynaa, markaa Siyaad Barre wuu diidiiday wuxuu yidhi qadiyadoodu waa mid xaq ah laakiin SNM qadiyadoodu xaq maaha waayo waa niman Somalia ka falaagoobay.

S: Itoobiya arrintaa ma aqbashay?

J; May aqbalin waxay yidhaahdeen hadaad taa aqbali weydaan anaguna tan aqbalimayno laakiin waxa lagu heshiiyay bal in aanu taageero siin una sheego inaanu taageero danbe siin doonin, taas ayay markii danbe aqbaleen.

S: Laakiin idinku marna maydin aqbalin inaad WSLF hubka ka dhigtaan?

J; waanu ula tagnay aniga iyo marxuumkaa madaxda noo ahaa, waar waxbaa la is dhaafsanayaaye haddii aad doonayso inay SNM Hubka ka dhigaan, WSLF Hubka ka dhig dee yeel.

S: Heshiiskaas markaad la gaadhayseen Itoobiya ma is lahaydeen marnaba SNM-Tu talaabadii ay qaadeen ayay ka door bidi doonaan intii hubka ay dhigi lahaayeen? 

J; Maya, markaa Maxamed Siyaad waxa u muuqatay anaga isaga uun baa madax noo ahaaye inuu hadafkiisii gaadhay oo SNM khadka ka saaray, ma filaynin weerarkii ay soo qaadeen.

S: Burhanu Bayo markaad heshiiskaas la gaadheen maxaa xigay Itoobiya iyo Somalia guddi ma la saaray heshiiskii hubiya dhaqan galidiisii?

J; Haa waa la dhaqan galiyey markaa Mingiste wuxuu soo diray fariin uu yidhi mar hadaynu heshiinay shirka May ka dhacayay horaanteedii OU-da iyo Maxmaed Siyaad oo aan dhawr sanadood tagin ku marti qaaday shirkaana Maxamed Siyaad wuu ka qayb galay.

S: Xaga kala bedelashadii maxaabiista labada dhinac lagu kala hayay maxaa faahfaahina ee ad nooga sheegi kartaa heshiiskaas iyo qaabkuu u dhacay?

J: Arrintaa guddi baa loo saaray oo ka shaqaynaysay iyaga maxaabiis ilaa 4000 gaadhaysa ayaa laga hayay, maxaabiista Soomaalidu may badnayn  dhawr boqol bay ahaayeen diyaarad baa la soo saaray oo Xamar bay kasoo dageen muddo yar ka baxdi.

------------------------------------

Source: Haatuf Newspaper. Wargayska Haatuf ayaa qoraalkan baahiyay April 7, 2010  

No comments: