Search This Blog

Sunday, June 16, 2013

Xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo itoobiya waa muqadas - Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

BIYO XIDHEENKA Grand Ethiopian Renaissance Dam
Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si buuxda u taageersan yihiin Dhismaha Biyo-Xidheenka Great Millennium Dam (aka the Grand Ethiopian Renaissance Dam) oo dhismihiisu uu si xawli leh uga socda dalka Itoobiya, waxanu si xoogleh u aaminsanahay dhismaha Biyo-xidheenkani in ay tahay guushiii ugu waynayd oo aadamiga ku nool Geeska Afrika hirgaliyo, faa’iidada Biyo-xidheenkani kuma koobna oo kali ah dalka Itoobiya, balse wuxuu kaalin wax ku ool ka gaysanayaa tirtirida fakhriga ragaadiyay umadaha ku nool mandaqada bariga Afrika.

Xukuumada Somaliland iyadoo fulinaysa siyaasadeed ku aadan sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, difaaca, iyo amniga ee labada dale e Itoobiya iyo Somaliland waxay suurto galisay in shacabka Somaliland sanadkii tagay 2012 noqdaan dalkii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale oo balaadhan siiyay dhismaha Biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si nayid sami ah u soo dhawaynayaan badheedhihii Raiisal Wasaaraha Itoobiya mudane Hailasalasa Desenlege uu dhawaan ka horjeediyay Barlamaanka dalkiisa, Waxana shacabka Somaliland la garabjoogaan taageero hiil iyo hooba ah walaalahooda shacabka Itoobiya.

No comments: