Friday, June 21, 2013

Xaaska Usama Binu Ladin Oo Kashiftay Sir Weyn Oo Dawladda Maraykanku Qarinaysay .

Osama Bin Ladin
(Amaal Sadaac Abdilfataax) oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Shiikh Osama Bin Ladin oo ahaa hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka baxday jawiga aamusnaanta ayadoo kashiftay sir dhowr nuuc ah oo aad uga yaabisay caalamka, sidoo kalena waji gabax ku noqotay dowlada mareykanka oo sirtaan qarisay markii hore.



Amal Sadaac oo markii weerarka lagu qaaday guriga Bin Ladin la joogtay seygeedii ayaa sheegtay in askar aad u fara badan oo mareykan iyo afghanistan isugu jiraa ay soo galeen agagaarka guriga ayagoo diyaarado dhowr ah kasoo daatay.



Waxey sheegtay xaaskani in rasaas iyo dagaal jilbaha la isku aastay kaasooo dhex maray ciidankii is baheysiga iyo ilaaladii Bin Ladin, ugu danbeyn la dhameeyay ilaaladii Bin Ladin oo ahaa kuwa yar tiro ahaan.



Bin Ladin oo markaas qolkiisa ku jiray ayey xaaskiisu sheegtay in uu qoray soo qaatay isla markaana uu daaqada la aaday si uu rasaas uga rido, balse isla markiiba waxaa madaxa ka haleeshay rasaas socota, isagoo isla meshi ku dhacay naftuna uga baxday.



Xaaska Bin Ladin ayaa sheegtay in daqiiqad kadib ay askartu soo galeen guriga ayagoo u sii gudbay qolka kadibna arkay Shiikha oo meyd ah, dabadeedna si degdeg ah ula cararay diyaaradii gargaarka ee ay wateen, ayagoo si deg deg ah diyaarada ku kiciyay.



Arinka ugu yaabka badan ee Mareykanku uu qarinayay ayay xaaska Bin Ladin sheegtay in uu yahay kadib markii diyaaradii la kiciyay oo damacday  in ay duusho ayaa waxaa qarax uu is qabsaday gabi ahaan diyaaradii taasoo halkii ku burburtay, ayadoo aanu qofna ka bad baadin.



Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa la sheegay in uu dhacdadaan si TOOS ah u daawanayay sida ay wax u dhacayeen, isagoo isla markiiba amray in arinta laga been abuuro oo caalamka loo sheegay in Osama la dilay, balse meydkiisa BADDA lagu riday.



Arintaan ayaana caalamka oo idil ay rumeysan waayeen, maadaama in ka badan 10 sano ay Mareykanku baadi goobayeen, meydka Bin Ladin si ay caalamka u tusaan una sheegtaan in ay ka adkaadeen codowgooda koowaad ee ay ku tilmaamaan Al-Qaacida.



Isku soo wada duuboo hadalka xaaskii Bin Ladin ayaa durbadiiba waxaa dunidu isugu faafisay si xad dhaaf ah, maadaama sirtaan iyo sida wax u dhaceen ay dowlada Mareykanka dhabar jab ku tahay, waxaana saxaafada caalamku ku tilmaameen hadalka xaaska Bin Ladin in uu yahay midka ugu macquulsan ee la rumeysan karo, balse in mareykanku uu Osama Bin Ladin dilo hadana meydkiisa badda ku daro aysan aheyn wax la aamini karo.



Xaaska Bin Ladin ayaana sheegtay in ay ilaahey uga mahad naqeyso sida uu u asturay iimaamkeedii sidoo kalena ay kusheegtay geesi Muslimiintu ku faani doonto, ayadoo intaas ku dartay in ilaahey kashifay sirta iyo hadafka ay gaaladu maleegeen, kaasoo ahaa in indhaha caalamka la tuso Bin Ladin oo meyd ah.

كشفت أمل الصداح، زوجة الشيخ أسامة بن لادن، اليمنية، التي كانت مع زوجها عند اقتحام المنزل، والذي استُشهد أمامها -حسبما قالت- عن القصة الحقيقة التي أفتها الإدارة الأمريكية عن العالم. وقالت زوجة “بن لادن” في حوار لصحيفة “عكاظ سنتر” السعودية، “عندما بدأ الاقتحام على البيت وبدأ أنزال الجنود من الطائرات المروحية على البيت وبدئوا في الاشتباكات فاشتبك معهم الأخوة الذين كانوا متواجدين في البيت وقد كانت اشتباكات قوية وعنيفة، وقد كانت القوة المتواجدة هم من الجيش الباكستاني والجيش الأمريكي مع وجود قوات من المارينز الأمريكي، وحاصروا البيت وانتشروا في تلك المنطقة انتشار واسع وقد كان عددهم كثير جدآ”. وأضافت: “بدأوا بدخول البيت بسرعة وقد أخذ الشيخ أسامة بن لادن سلاحه عند بداية الاشتباكات وأراد أن يشتبك من خلال النافذة التي كانت في الغرفة التي كان فيها فجاءته طلقة نارية في رأسه من جهة الوجه فسقط في نفس الوقت شهيدآ وفاضت روحه إلى بارئها”. وتابعت:”وقد كانت هذه رحمة من الله عز وجل للشيخ فقد كان اشتباكه ومقتله لم يتجاوز الدقائق المعدودة، وحتى بعد إصابته بالطلقة لم يتأخر فقتل بسرعة رحمه الله، وقد دخل الأمريكان البيت ودخلوا الغرفة فوجدوا أن الشيخ قد قتل، فأخذوا الجثة بسرعة وساروا بها إلى الطائرة المروحية وقد رافق جثة الشيخ مجموعة من ضباط المارينز الأمريكي، وأقلعوا بالطائرة بسرعة وبعد إقلاع الطائرة بقليل انفجرت الطائرة بمن فيها ولم يبقى للطائرة ولا للذين كانوا فيها أثر سوى أشلاء ممزقة وبقايا أجزاء صغيرة من الطائرة”. وأوضحت أنه “لذلك تم إخفاء خبر مقتل الشيخ بهذه الطريقة لأن اوباما والبيت الأبيض كانوا يشاهدون أحداث العملية مباشرة حتى ظهر على وجوههم شيء من الخوف والاستغراب وذلك بسبب انفجار الطائرة وهم يريدون جثة الشيخ كاملة لكي يظهروه للعالم وهو بين أيديهم مقتول ويثبتوا بذلك بأنهم انتصروا فأفشل الله مخططهم وأخزاهم ورد كيدهم في نحورهم”. وتابعت: “ولذلك جعلوا مراسم مقتلة على البحر وعلى أنهم رموا الجثة في وسط البحر وقد حفظ الله الشيخ حيآ وميتا من كيد الأعداء”.
كلمات دليلية
  – See more at: http://arabsolaa.com/articles/view/121258/%D8%B2%D9%88%D8%AC%D8%A9-#sthash.KaeyTe3L.dpuf

- See more at: http://arabsolaa.com/articles/view/121258/%D8%B2%D9%88%D8%AC%D8%A9-#sthash.KaeyTe3L.dpuf


No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment